04/03/2026
WARSAXAAFAD EE MAAMULKA DEGMADA WARADHUUMALE ☆
Taariikh: Maarso 4, 2026
Ujeeddo: Canbaareynta dagaalka kasocda Iiraan iyo guud ahaan Bariga Dhexe
Maamulka Degmada Waradhuumale waxa uu si aad iyo aad u xooggan u canbaareynayaa dagaalka colaadeed ee haatan ka socda dalka Iiraan iyo guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, kaasoo sababay khasaare naf iyo maalba leh, khatar amni, iyo dhibaato nafaqo iyo bulsheed oo saameyn ku yeeshay malaayiin dad ah.
Dagaalada iyo weerarrada ka dhacaya Bariga Dhexe waxa ay khatar weyn ku yihiin nabad, xasillooni iyo horumar caalami ah, waxaana nabaddu tahay dariiqa keliya ee lagu gaari karo xasillooni waarta. Waxa aynu ka walaacsan nahay in colaaddani ay sii hurayso rabshadaha, burburka iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Maamulka Degmada Waradhuumale waxa uu ku boorinayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay joojiyaan rabshadaha, isla markaana ay dib u bilaabaan wadahadal nabadeed iyo isku day kasta oo lagu xallinayo khilaafaadka si nabad ah, iyadoo la tixgalinayo sharciyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Waxa aanu sidoo kale muujinaynaa taageerada buuxda ee nabadda, wadajirka iyo xalinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo waddooyinka dimoqraadiga ah, waxaana ku boorrinaynaa beesha caalamka inay ka shaqeyso dadaallo lagu soo afjarayo colaadda, laguna ilaaliyo nolosha dadka aan waxba galabsan.
Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Waradhuumale waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, iyo bulshada ay saameeyeen colaadaha Bariga Dhexe, waxaana Alle ka baryeynaa in uu siiyo samir iyo iimaan kuwa ku dhaawacmay ama dhibaatoobay intaasoo colaad ah.
Dhamaad.