Lower shabelle media

Call Directions

Lower shabelle media Lower shabelle media

03/12/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre ayaa Khudbad u jeediyay Saraakisha Ciidamada ku dagaalamay Degmada Qoryooley.

GUDOOMIYE BARRE OO QORYOOLEY KULA KULMAY SARAAKIISHA CIIDAMADA DIRIRTA KU DHEXMARTAY DEGMADA.Gudoomiyaha Gobolka Shabell...
02/12/2024

GUDOOMIYE BARRE OO QORYOOLEY KULA KULMAY SARAAKIISHA CIIDAMADA DIRIRTA KU DHEXMARTAY DEGMADA.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Taliyaha Boliiska Koonfur Galbeed, Lataliyaha Madaxweynaha,Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Degmada ayaa Maanta Kulan La qaatay Saraakiisha Ciidanka Beelihii ku Dagaalamay Degmada Qoryooley.

Kulanka ayaa looga Hadlay Fulinta qodobadii kasoo baxay Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Saraakiisha Labada dhinac isla Garteen in laga shaqeeyo Nabada,

Dowladda Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Wada Dadaalo lagu nabadeynaayo Beelalaha Walaalaha ee Dirirtu ku Dhexmartay Degmada Qoryooley.

25/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Degmada Qoryooley usoo Gaaray Dhameystirka Heshiiska Beelaha Ku Dagaalamay Degmada.

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay kamid yihiin Lataliyaha Madaxweynaha iyo Taliyaha Boliis...
25/11/2024

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay kamid yihiin Lataliyaha Madaxweynaha iyo Taliyaha Boliiska KGS ayaa Maanta Soo gaaray Degmada Qoryooley.

Odayaal dhaqan iyo Maamulka Degmada ayaa kamid ah Wafdiga, Waxaana Soodhaweeyay Saraakiisha Atmis iyo Maamulka Degmada.

Wafdiga Gudoomiye Barre ayaa Degmada U yimid Dhameystirka Heshiisyada Beelaha Ku Dagaalamay Degmada

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre ayaa Maanta Magaalada Baydhaba uga qeyb galay Furitaan...
23/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre ayaa Maanta Magaalada Baydhaba uga qeyb galay Furitaanka Shirka Gobolada iyo Degmooyinka Dowladda K/Galbeed.

Kusimaha Madaxweynaha ahna G/kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda K/Galbeed ayaana Furay Shirkan oo Sanadkiiba mar la qabto.

Gudoomiye Mohamed ibrahim Barre oo ay Wehliyaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka ayaana Ka qebgalay,waana Looga Hadli doonaa Xaaladaha Gobolada iyo Degmooyinka K/Galbeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Baydhab...
22/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowladda K/Galbeed.

Wafdiga Gudoomiye Barre oo ay qeyb ka ahaayeen Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaatigaduud kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Maamulka Magalaada Baydhabo.

16/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibrahim Barre ayaa Si Rasmi ah u Daahfuray Barnaamijka Deriseynta oo lagu Tarakoobayo Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibraahim Barre ayaa Maanta Daahfuray Barnaamijka Deriseynta Guryaha ...
16/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed ibraahim Barre ayaa Maanta Daahfuray Barnaamijka Deriseynta Guryaha Degaanka Lafoole iyo Degmada Afgooye.

Gudoomiye Barre oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Afgooye Suldan Abdullahi Mohamed Osman, Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole Nur ibrahim Osman iyo Kuxigeenadiisa ayaa Maanta Si Rasmi ah u Daahfuray Barnaamijka Deriseynta.

Barnaamijkan ayaa Qeyb ka ah Tirakoobka Guryaha, Goobaha Ganacsiga, iyo Dadka Waxa uuna Qeyb ka qaadanaya Horumarinta Amniga Iyo Canshuuraha.

GUDOOMIYE BARRE OO DHAGAX-DHIGAY DHISMAHA WADOOYINKA DEGMADA AFGOOYE. Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohame...
14/11/2024

GUDOOMIYE BARRE OO DHAGAX-DHIGAY DHISMAHA WADOOYINKA DEGMADA AFGOOYE.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Mohamed Ibrahim Barre oo ay Wehliyaan G/kuxigeenka Gobolka iyo Maamulka Degmada Afgooye ayaa Maanta Si Rasmi ah u Dhagax dhigay Dhimaha Waddooyinka Degmada Afgooye.

Waddooyinka oo laga dhigi doono interlock ayaa dhismaha laga bilaabi doonaa, Wadda Dhexmarta Suuqa Hilwaaley iyo waddo isku xirta Masaajidka Ceelyarow iyo Dugsi sare Afgooye.

Dhismaha ayaa Iska Kaashanaya Maamulka Gobolka, Dowldadda Hoose ee Degmada Afgooye iyo Gacansatada Magaalada, Waxaana lagu dhisi doonaa Isxilqaan.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Degmada A...
12/11/2024

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Afgooye, Maamulka Deegaanka Lafoole, Kormeeraha Guud iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka ayaa Maanta Si rasmi ah Xariga uga jaray iskuulka Qaran.

School-Qaran ayaa Kamid ah iskuulada Dowladda ee Lacag la'aanta ah, Waxaana Gacanta ku haaya Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta Sare ee K/Galbeed,Dayactir lagu sameeyay kadib ayaana Maanta Si Rasmi Loo Furay.

Address

Merca

Telephone

+252685780077

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lower shabelle media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share