27/07/2026
Guddoomiyaha Magaalada Marka ahna Duqa Caasimadda, Mudane Cadaane Deeqow ayaa
kulan la qaatay guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka socda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo isugu jiray xeer-ilaaliyeyaal iyo garsoorayaal. Gudigan ayaa Magaalada Marka u yimid sidii xal sharci iyo mid nabadeed loogu heli lahaa muranka ka taagan beeraha Garshiine.
guddiga waxaa hoggaaminayay Xeer-ilaaliye Axmed Buula Kameey iyo Garsoore Socdaal, waxaana sidoo kale wehliyay saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiisha laamaha amniga iyo ciidamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Cusmaan Muuse Maxamed, Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Shabeellaha Hoose Xasan Fanax, Taliyaha Nabad-sugidda Degmada Marka Maxamed Sheekh, Taliyaha Nabad-sugidda Degmada Awdheegle Maadey Cadow, Taliyaha Ururka 141-aad Cali Caato, iyo Taliyaha Macawiisleyda Taliye Indhagiir.
Guddoomiyaha Degmada Marka, Mudane Cadaane Axmed Diiqoow, ayaa kulanka ka sheegay in Maamulka Degmada uu si buuxda u garab taagan yahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo xal waara oo nabadeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in muranka beeraha Garshiine lagu soo afjaro isfaham, sharci iyo wada noolaansho.
Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la dardargeliyo dadaallada lagu xaqiiqo-raadinayo arrinta si loo gaaro xal waara oo dan u ah bulshada iyo xasilloonida deegaanka.