Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia

Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia This is the official page of the Ministry of Petroleum and Mineral Resources , Somalia.

18/07/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa warbixin ka dh...
18/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta XFS, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa warbixin ka dhageystay injineerrada gacanta ku haya diyaarinta naqshadda iyo qorshaha dhismaha cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda.

Intii uu kulanku socday, injineerradu waxay Agaasimaha Guud la wadaageen halka ay marayso diyaarinta naqshadda casriga ah ee dhismaha, iyagoo faahfaahin ka bixiyay qaabka loo qorsheeyay, heerka ay marayaan shaqooyinka farsamo, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo mashruuca.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaalka kooxda farsamada, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xarun casri ah oo ka turjumaysa doorka iyo muhiimadda Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, isla markaana lagu dhammeeyo mashruuca si waafaqsan heerarka tayada iyo waqtiga loo qorsheeyay.

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ...
16/07/2026

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐€๐ฑ๐๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐Š๐จ๐จ๐ฑ๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ค๐š ๐š๐ก

Muqdisho, Khamiis, 16 Luulyo 2026: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee uu shir-guddoominayay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyey Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah, kaddib soo jeedin uu Golaha u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamad.

Ansixinta axdigan ayaa ah tallaabo muhiim u ah xoojinta doorka Soomaaliya ee iskaashiga Afrika ee dhinaca macdanta, iyadoo dalka u horseedaysa fursado lagu horumarinayo maareynta khayraadka macdanta, kor u qaadista maalgashiga, kobcinta iskaashiga farsamo, iyo horumarinta macdanta muhiimka ah ee leh muhiimadda istaraatiijiyadeed.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay soo dhowaynaysaa ansixinta Golaha Wasiirrada, iyadoo u aragta guul muhiim ah oo xoojinaysa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta waarta ee khayraadka dabiiciga ah iyo ballaarinta iskaashiga heer gobol iyo heer qaaradeed.

โ€” DHAMMAAD โ€”

Booqasho Shaqo oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Wasaaradaha BatroolkaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka ...
13/07/2026

Booqasho Shaqo oo Lagu Xoojinayo Iskaashiga Wasaaradaha Batroolka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Waqooyi Bari, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada wasaaradood, dardargelinta howlaha horumarinta batroolka iyo khayraadka macdanta, kor u qaadidda isku xirka hayโ€™adaha ay khusayso, iyo is-weydaarsiga khibradaha farsamo ee wax ka tari kara horumarinta waaxda batroolka.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Waqooyi Bari soo dhoweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan, isagoo xusay in kulamadan ay muhiim u yihiin xoojinta iskaashiga iyo horumarinta waaxda batroolka ee dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hayโ€™adaha dowladda si loo gaaro horumar waara, loona dardargeliyo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya โ€“ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, M...
05/07/2026

Muqdisho, Soomaaliya โ€“ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa booqasho shaqo ku tegay Jaamacadda SIMAD, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Guddoomiyaha (Rector) Jaamacadda, Dr. Cabdikariim Maxayadiin Axmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Jaamacadda, gaar ahaan dhinacyada horumarinta aqoonta, tababarrada xirfadeed, cilmi-baarista, dhisidda awoodda khubarada Soomaaliyeed, iyo horumarinta waarta ee waaxaha batroolka iyo khayraadka macdanta.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha dowladda iyo jaamacadaha dalka si loo soo saaro xirfadlayaal Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo karti ay kaga qayb qaataan horumarinta, maareynta, iyo ka faaโ€™iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Dhankiisa, Dr. Cabdikariim Maxayadiin Axmed, Guddoomiyaha (Rector) Jaamacadda SIMAD, ayaa muujiyay sida ay Jaamacaddu uga goโ€™an tahay inay Wasaaradda kala shaqeyso diyaarinta barnaamijyo tacliimeed, cilmi-baaris iyo tababaro tayo leh oo sare u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha dowladda iyo jiilka cusub ee khubarada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa xoojinta iskaashiga ay la leedahay hayโ€™adaha tacliinta sare iyo xarumaha cilmi-baarista si loo dhiso awoodda qaranka loona taageero horumar waara oo ku saleysan aqoon, hal-abuur, iyo maamul hufan.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxame...
30/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen iyo midoobiddii ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo lagu aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed 1-dii Luulyo 1960.

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BATROOLKA IYO KHAYRAADKA MACDANTA OO SOO XIRAY SHIRKA DIB-U-HABEYNTA QAAB-DHISMEEDKA WASAA...
18/06/2026

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA BATROOLKA IYO KHAYRAADKA MACDANTA OO SOO XIRAY SHIRKA DIB-U-HABEYNTA QAAB-DHISMEEDKA WASAARADDA

Muqdisho, Soomaaliya โ€“ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirka dib-u-habeynta qaab-dhismeedka Wasaaradda, kaas oo socday muddo shan maalmood ah.

Shirkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo hanaanka maamulka, tayeynta adeegyada iyo xoojinta awoodda hayโ€™adeed ee Wasaaradda. Intii uu shirku socday, waxaa si joogto ah uga qayb galay Agaasimeyaasha Waaxyaha, khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay dib-u-habeynta qaab-dhismeedka Wasaaradda, dib-u-eegista waajibaadka iyo masuuliyadaha waaxyaha iyo qaybaha kala duwan, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta si loo helo nidaam shaqo oo hufan, mideysan, isla markaana wax-ku-ool ah.

Kulamadan ayaa horseeday is-afgarad iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo habsami-u-socodka shaqada, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo hagaajinta adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qaybgalayaasha dadaalkii iyo talooyinkii ay ku biiriyeen shirka, isagoo xusay in natiijooyinka kasoo baxay ay door muhiim ah ka qaadan doonaan horumarinta shaqada Wasaaradda iyo xaqiijinta himilooyinka istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa magacaabay guddi ka kooban toddobo (7) xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray inay sameeyaan qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan isbeddellada lagu sameeyey qaab-dhismeedka Wasaaradda, waaxyaha iyo qaybaha kala duwan. Guddigan ayaa diyaarin doona warbixin rasmi ah oo lagu qiimeynayo heerka hirgelinta dib-u-habeynta, caqabadaha jira iyo talooyin lagu sii xoojinayo hufnaanta, wada-shaqeynta iyo waxqabadka Wasaaradda.

DHAMMAAD

Address

Ex Baarlamaan
Mogadish

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Somalia:

Shortcuts

Share