20/02/2026
Aabe hodan ah aabe saboola
Kala duwanaansho ayaa u dhaxeeya in aad sabool tahay iyo in aad gacan-marantahay. Gacan-marnaantu waa wax laga gudbo,saboolnimaduse waa abid.
Saboolka iyo dabaqadda dhexe lacagta (darteed) ayay u shaqeeyaan. Dadka Hodanka ahi waxa ay leeyihiin lacag taas oo ayaga u shaqaysa.
Saboolka iyo dabaqadda dhexe dadka ahi, lacagta ayay u shaqeeyaan Hodanka lacagtooda ayaa u shaqaysa.
Dadka in badan ayaa dhaha, anigu lacagta ma daneeyo haddana maalin iyo habeenba waa ay shaqaynayaan.
Muhiimaddu ma ahan badnaanta lacagta ku soo gasha, ee waa inta aad ka kaydin kartid lacagta kusoo gasha.
Hadii aad hodannimo doonaysid, waa in aad dhaqaalaha(lacag-samaynta) taqaanid.
Dadka hodanka ah hanti ayaa ay tacbaan. Saboolka iyo dabaqadda dhexe deyn ayaa ay tacbaan ayaga oo u qaba in uu hanti yahay.
Hanti waa waxa lacag jeebkaaga soo galiya. Kharash waa waxa jeebkaaga lacag ka saara.
Hodanku hanti lacag soo gelisa ayaa ay samaystaan, saboolka iyo dabaqadda dhexe na qarash lacag ka qaadanaya ay samaystaan.
Xusuusnoow xeerka dahabiga ah. Qofka dahab(lacag) haysta ayaa xeerka dajiya.
Cabsida ka duwanaanshaha dadka ayaa dadka intooda badan ka hor istaagta raadinta waddooyin cusub oo ay dhibtoodaku xallin karayaan.
Hodanku waxa ay diiradda saaraan hanti lacag soo gelisa halka dadka kale diiradda saaraan dhaqaalaha soo gala.
Rafaadka dhaqaale waxa uu inta badan ku yimaadaa dad noloshooda oo dhan dad kale u shaqeeya.
Haddii aad lacagta u shaqaysid(shaqaale tahay) waxa aad awoodda siinaysaa qofka aad u shaqaysid.
Haddii lacagu kuu shaqayso, adigaa awoodda leh oo wax maamula.
Dollar kasta oo aag maalgalisid waxa uu kuu noqon shaqaale hawlkar ah kaas oo kuu abuuri doona shaqaalayaal kale oo badan, cidda lehna u iibin doona porche(nooca gawaarida qaaliga kamid ah.
Dunjda dhabta ah, qofka guuleysta ma aha midka garaadka sarreeya balse waa kan geesinimada leh.
Hantida ugu wayn ee aan dhammaan wada haysano waa maskaxdeena. Hadii aynu tababarno ,hodannimo aan dhammaan ayaa ay noo keeni kartaa. Hadii aynaan tabab barinna, dayn iyo saboolnimo aan dhammaan oo jiilal u gudubta ayay inoo keeni kartaa.
Aqoonta dhaqaalo samaysantu waxa ay ka koobantahay๐
1-Aqoonta xisaabaadka.
2-Maalgashiga.
3-Fahanka suuqa.
4-Sharciga.
Meel kasta halis ayaa taalla, baro sida halista looga baxo intii aad iska ilaalin lahayd.
U shaqee in aad waxbarato ha u shaqayn lacagta.
Shaqaalayaashu waxa ay u dhabar jabaan si aan shaqada looga cayrin, halka shaqaalaysu-yeyaashuna baxshaan lacag ka ilaalinaysa in shaqaaluhu shaqada ka tagaan.
Waxaan aan wax u baranno waa in aan helno wax ka wanaagsan waxa aan haysano.
Samee waxa aad qalbigaaga ka dareentid in uu saxanyahay, markasta dadku waxbay kaa sheegi doonaan. Waa lagu maagin haddaad wax samaysid, waana lagu maagin haddaadan waxba samaynin.
Nolosheennu waxa ay sawir ka bixisaa dhaqamadeenna in ka badan inta ay sawir ka bixiso aqoonteenna.
Kala duwanaanshaha u dhaxeeya hodanka iyo saboolka waa sida ay u maareeyaan cabsida
Qof walba in uu janno galo ayuu doonayaa balse cidna in ay dhimmato ma ogola.
Sababta dadka intooda badani aysan u gaarin guul dhaqaale waa, xanuunka lacag-khasaaridda ayaa kaga daran farxadda hodan noqoshada.
Guuleystayaasha guuldarradu waa ay dhiirrigalisaa. Ma-guulaystayaasha guuldarradu waa niyad jabisaa.
Dahab ayaa meelkasta dhooban. Dadka intooda badani uma tababarna in ay arkaan.
Note Abdisalam Abdullahi Ali