Hamza Adan Haadoow

Hamza Adan Haadoow Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia Hamza Adan Haadoow
(7)

The Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia H.E.

Waxaan maanta kormeer ku sameeyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee ku aadan  diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka ee X...
20/08/2026

Waxaan maanta kormeer ku sameeyay hawlaha ka socda Wasaaradda ee ku aadan diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka ee Xukuumadda (DanQaran) 2022–2026.

Intii aan waday kormeerka waxaan aad ugu kuurgalay horumarka laga sameeyay diyaarinta warbixinta iyo kaalinta Wasaaradda ee ku aaddan warbixinta qaran, taas oo diiwaangelinaysa guulaha iyo waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya muddadii u dhaxaysay 2022–2026.

Waxaan shalay si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Agaasimayaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay waaxyaha Wasaaradda...
14/08/2026

Waxaan shalay si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyay Agaasimayaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Agaasimayaashii h**e, iyagoo shalay si rasmi ah ula kala wareegay mas’uuliyadaha waaxyahooda iyo faylasha rasmiga ah.

Waxaan todobaadkii h**e heshiis Is-afgarad (MoU) kala saxiixanay, Mudane Christophoros Politis, Wakiilka cusub ee Hay’ad...
14/08/2026

Waxaan todobaadkii h**e heshiis Is-afgarad (MoU) kala saxiixanay, Mudane Christophoros Politis, Wakiilka cusub ee Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, kaasoo lagu dhisayo hannaan lagu xoojinayo iskaashiga, si loo taageero mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.

Waxaan mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca horumarinta, waxayna soo dhaweeyeen sii socoshada taageerada UNDP ee horumarinta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kobaca waara ee dalka.

Munaasabadii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga danjirenimo kaga guddoomay Safiirka Ja...
14/08/2026

Munaasabadii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga danjirenimo kaga guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle. 17/05/26

31/07/2026

Madaxbannaanida siyaasadeed, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa qiyam qaran oo lama taabtaan ah, mana aha arrimo lagu gorgortamo ama cid lagu raalligeliyo.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu mudan yahay bogaadin sida xigmadda, geesinimada, iyo masuuliyadda qaran ee uu ugu wajahay qodobadii la isku dayay in lagu daro warmurtiyeedkii maanta ee shirka dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Dal kasta wuxuu si buuxda ugu madax-bannaan yahay maamulka iyo go’aannada arrimihiisa gudaha. Faragelin kasta oo dibadeed oo lagu sameeyo arrimahaas waxay si cad uga hor imaanaysaa mabaadi’da madaxbannaanida dowladeed iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya sinnaanta dowladaha.

Waxaan maanta aniga iyo Wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, qaabilnay Maareeyaha Bangiga Adduu...
22/07/2026

Waxaan maanta aniga iyo Wasiiru- Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, qaabilnay Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kulanka ayaan uga wada hadalnay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Bangiga Adduunka.

Waxaan maanta kulan la yeeshay Marwo Prestage Murima, Ku-Xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka...
16/07/2026

Waxaan maanta kulan la yeeshay Marwo Prestage Murima, Ku-Xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya. Waxaan kulanka diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga dhinacyada maamulka socdaalka, isku-duwidda hay'adaha dowladda, iyo horumarinta socdaal ammaan ah, nidaamsan, isla markaana waafaqsan shuruucda, iyadoo la raacayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya.

Waxaan maanta aniga iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Kamaal Guutaale, si wada...
05/07/2026

Waxaan maanta aniga iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Kamaal Guutaale, si wadajir ah u guddoominay shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kana qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku duwidda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha dowladda.

Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Guud ee Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamed Fatiir, ayaa jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda, kaasoo iftiimiyey waajibaadka Wasaaradda ee isku duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee lagu dhaqmo marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradihii ka soo qayb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey bandhigga, iyagoo oo sheegay sida ay uga go’an tahay u hoggaansanaanta habraacyadaas diblomaasiyadeed marka la fulinayo hawlaha rasmiga ah ee dowladda.

05/07/2026
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, joined the Somali people last night in...
01/07/2026

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, joined the Somali people last night in celebrating the 66th anniversary of Somalia’s Independence and Unity Day on 1 July 2026, standing among the citizens of Mogadishu.

He was not riding in an armored vehicle, nor was he shielded behind concrete barriers or wearing bullet-resistant glasses. That image conveys a message far greater than a photograph—it symbolizes confidence in the Somali people, courage in leadership, and a deep belief that the nation’s security and future are built on trust, unity, and the close bond between a leader and his people.

Sometimes, a single photograph speaks louder than a thousand words.

Address

Afgoi Road
Mogadisho
00000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamza Adan Haadoow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hamza Adan Haadoow:

Shortcuts

Share