14/09/2026
Isbitaalka Dadweynaha laansereti oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadaka oo 189 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay u sameeysay Adeeg Caafimaad.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka dadweynaha Forlanini , Maxamed Jacfar Cali oo ay wehelisay Madaxa Caafimaadka Qaxootiga, Barakacayaasha iyo Dib-u-soo-celinta ee Wasaaradda Caafimaadka, Sacdiyo Maxamed Macallin, ayaa maanta adeeg caafimaad u fidiyay 189 dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka dib loogu soo celiyay.
Dhalinyaradan oo muddo dheer ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya, ayaa 180 kamid ah laga soo qaaday Liibiya, halka 9 kale laga keenay dalka Suudaan.
Munaasabad lagu soo dhaweynayay dhalinyaradan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda IOM, Hey'ada Qaxootiga Qaranka, Hay’ada Socdaalka & Jinsiyada iyo Wasaaradda Caafimaadka.
Dhalinyarada dib loo soo celiyay ayaa waxaa ku jira qaar qaba xanuunno kala duwan oo u baahan daryeel iyo baaritaanno caafimaad, waxaana adeegyada caafimaad ee la siiyay lagu qiimeynayay xaaladdooda caafimaad.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka dadweynaha Forlanini, Maxamed Jacfar Cali , ayaa sheegay in dhalinyarada qaba xanuunnada gaarka ah loo fidin doono gargaar iyo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Waxa uu tilmaamay in dhalinyarada u baahan daaweyn iyo daryeel gaar ah lagu sii taageeri doono gudaha Isbitaalka Laansareeti, si loo hubiyo caafimaadkooda iyo xaaladdooda guud.