Mohamed Abdulkadir Mohamed

Mohamed Abdulkadir Mohamed Official Page of Hon. Mohamed Abdulkadir Mohamed MP of Somali Government 🇸🇴 Member of the Federal Parliament of Somalia representing Hiiraan region.

Law graduate of Hiiraan University. Former Chairman of the Hiiraan Regional Students' Union and founder of the free community school still serving underprivileged children in Beledweyne. Founding member of the Cadaalada iyo Wada Jirka political association (JSP). Dedicated to the development and security of Hiiraan and to serving the people of Somalia.

19/08/2026

Wadajir

Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa saaxiibkay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Baarl...
10/08/2026

Waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa saaxiibkay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu xilka cusub u fududeeyo, kuna garab galo gudashada waajibaadka loo igmaday. Waxaan rajaynayaa inuu si wanaagsan ugu adeego shacabka iyo dalka, hoggaamintiisuna noqoto mid ku dhisan caddaalad, wada-tashi iyo danta guud.

Hambalyo saaxiib, Guddoomiye. Alle ha kuu fududeeyo xilka, hana kuu barakeeyo. 🇸🇴

07/08/2026

Weli waxaan ku guda jirnaa wada-tashiga bulshada. Yoolkeenna waa Hirshabeelle mideysan, wadar oggol ah, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo horumar. Waxaan aaminsanahay in codka shacabka uu yahay saldhigga go’aannada iyo jihada mustaqbalka Hirshabeelle.

Baaq NabadeedWalaalayaalAad ayaan uga xumahay colaadda ka taagan qaar ka mid ah deegaannada gobollada Shabeellaha Dhexe ...
06/08/2026

Baaq Nabadeed

Walaalayaal

Aad ayaan uga xumahay colaadda ka taagan qaar ka mid ah deegaannada gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Dhiigga daadanaya waa dhiig Soomaaliyeed, waxaana ku khasaaraya dad walaalo ah oo isku diin, isku dal iyo isku dhaqan ah.

Waxaan si qalbi furan uga codsanayaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan nabadda iyo wada hadalka. Ma jiro wax ka qiimo badan nolosha dadka iyo mustaqbalka carruurteenna.

Aan ka hormarinno cafiska aargudashada, wada hadalkana ka hormarinno rasaasta. Nabaddu waa guusha dhabta ah, waana mas’uuliyad inaga wada saaran.

Alle ha qaboojiyo quluubta walaalaha is haya, hana inagu gallado nabad iyo midnimo. Aamiin.

02/08/2026

Hooyooyinka Soomaaliyeed waa laf dhabarta dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan hooyooyinka reer Hirshabeelle.

Waxaan aaminsanahay in hooyooyinku yihiin tiirka nabadda, midnimada iyo horumarka bulshada. Hirshabeelle cusub waxaan hooyooyinka siin doonnaa muhiimadda koowaad, doorkoodana waxaan ka dhigi doonnaa mid muuqda oo wax ku ool ah.

Hooyo la ixtiraamo, la garab istaago oo la awood siiyo waa bulsho xooggan, bulsho xoogganina waa Hirshabeelle horumarsan.

Hirshabeelle cusub hooyooyinku waa mudnaanta koowaad.

01/08/2026

Hirshabeelle

Hirshabeelle waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah oo ka bilowda shacabka, una shaqeeya shacabka.Maanta meel kasta oo aa...
27/07/2026

Hirshabeelle waxay u baahan tahay isbeddel dhab ah oo ka bilowda shacabka, una shaqeeya shacabka.

Maanta meel kasta oo aan tago waxaan ka dareemayaa rajada iyo rabitaanka ay dadkeennu u qabaan hoggaan daacad ah, caddaalad ku dhisan, mudnaantana siiya nabadda, horumarka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Waxaan aaminsanahay in Hirshabeelle ay leedahay awood iyo fursado badan. Waxa keliya ee loo baahan yahay waa hoggaan leh aragti fog, karti iyo rabitaan uu ku mideeyo shacabka, kana hormariya danta guud.

Waqtigii isbeddelku waa maanta. Wadajir ayaan u dhisi karnaa Hirshabeelle nabdoon, horumarsan, isla markaana qof walba uu ka helo caddaalad, fursad iyo nolol wanaagsan.

Isbeddelka aan hiigsaneyno ma aha hadal oo keliya, waa ballan ku dhisan waxqabad, daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Hirshabeelle cusub waxay ku iman doontaa midnimo, kalsooni iyo wadajir. Isbeddelkana waxaa horseed u noqon doona shacabka.

Waxaan soo dhoweynayaa jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Waa tallaabo ...
25/07/2026

Waxaan soo dhoweynayaa jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka. Waa tallaabo muhiim ah oo Hirshabeelle u horseedaysa doorasho ku dhisan rabitaanka shacabka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda.

Shacabka reer Hirshabeelle maanta waxay haystaan fursad ay codkooda ugu go’aansan karaan mustaqbalkooda. Doorashadu waa fursad lagu doorto hoggaan hufan, laguna saxo wixii tabasho iyo qalad h**e u jiray, si loo dhiso Hirshabeelle ka wanaagsan tan maanta jirta.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Hirshabeelle inay si mas’uuliyad leh uga qayb qaataan diiwaangelinta iyo doorashooyinka labada heer. Cod kasta waa muhiim, qof walbana wuxuu door ku leeyahay jihada uu gobolkeennu u dhaqaaqayo.

Aan ka wada shaqeyno doorasho nabdoon, xor ah oo daahfuran, si Hirshabeelle u gaarto horumar iyo dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

20/07/2026

Ku soo dhawoow Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)

Waxaan si diirran u soo dhoweyneynaa ganacsadaha sharafta leh ee maanta ku soo biiray safka Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka

Ku biiritaankiisu waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa midnimada, horumarka iyo himilada wadajirka ah ee lagu dhisayo Soomaaliya dimuqraadi ah

Waxaan kuu rajeyneynaa guul iyo in aad door muuqda ka qaadato adeegga shacabka iyo horumarinta dalka

Soo dhawoow

Address

KM4
Mogadishu
256

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Abdulkadir Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Mohamed Abdulkadir Mohamed:

Shortcuts

Share