Somalia National Institute of Health

Somalia National Institute of Health The Somali National Institute of Health (NIH) is a Semi-autonomous National Public Health Institute

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐“๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐”๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.Muqd...
22/08/2026

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐“๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐”๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.

Muqdisho 22 Agoosto 2026; Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Machadka Tababarka Umulisooyinka, si uu ugu kuurgalo xaaladda guud ee xarunta, adeegyada ay bixiso, iyo horumarka laga sameeyay tayeynta tababarrada iyo adeegyada caafimaad, booqashadan aya waxaa ku weheliyay Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Tababarrada ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fartuun Shariif,

Maareeyaha Xarunta Machadka Tababarka Umulisooyinka, Dr. Fartuun Ali Xaaji, ayaa si diirran ugu soo dhaweysay xarunta, sidookale booqashada ayay intii uu socday ayay yeesheen kulan labada dhinac ayadoona diirada ku saarayeen howlaha xarunta, adeegyada la bixiyo, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira, si loo helo xalal waara oo kor loogu qaadayo waxqabadka xarunta.

Ujeeddada booqashadu waxay ahayd qiimeynta adeegyada iyo tayada tababarrada ay bixiso xaruntu, gaar ahaan doorka ay ku leedahay horumarinta xirfadaha umulisooyinka. Gabagabadii booqashada, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo adeegyo tayo sare leh oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Booqashadani waxay muujinaysaa in Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka ay diiradda saaraayo sidii loo xoojin lahaa tayada daryeelka caafimaad ee bulshadu helayso gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka, taas oo ah mid ka mid ah horumarinta guud ee caafimaadka dalka.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

๐–๐š๐ฌ๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐…๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐”-๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐š๐Ÿ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.Muqdisho, ...
18/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก-๐…๐ฎ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐”-๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐š๐Ÿ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š.

Muqdisho, 18 Agoosto 2026; Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Sanduuqa U-diyaargarowga Aafooyinka (Somalia Pandemic Fund Project), oo ah mashruuc muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee ka hortagga, u-diyaargarowga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Maryama Mohamed Hussein, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamse Xaadow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dr. Guuleed Cabdijaliil, Dr Simon Antara, Agaasimaha Guud ee Hay,adda AFENET, Agaasime Waaxeedyo, wakiillo ka socday Dowlad-goboleedyada; Bangiga Adduunka, hayโ€™adaha Qaramada Midoobay, Africa CDC, IGAD, Ururrada bulshada rayidka ah iyo hayโ€™adaha kale ee muhiimka u ah hirgelinta mashruuca.

Mashruuca Sanduuqa U-diyaargarowga Aafooyinka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta awoodaha dalka ee kormeerka iyo ogaanshaha cudurrada, shaybaarada, nidaamyada digniinta h**e, xog-wadaagga caafimaadka, isku-duwidda hayโ€™adaha iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale, mashruucu wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda iyo bahwadaagta caafimaadka.

Dr. Ali Haji Adam, Wasirka Caafimaadka ayaa ugu horayn sheegay in mashruucan yahay mid ka dhashay qorsheyn, wadatashi iyo iskaashi joogto ah oo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta caafimaadka, si loo dhiso nidaam caafimaad oo awood u leh inuu si hufan uga jawaabo khataraha caafimaad ee soo wajaha dalka.

Ugu danbayn, Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso ka-hortagga iyo u-diyaargarowga khataraha caafimaad, halkii laga sugi lahaa in aafo ama cudur faafa uu dhaco ka hor inta aan tallaabo laga qaadin. Waxa uu xusay in maalgelinta iyo xoojinta awoodaha qaranka ee u-diyaargarowga aafooyinka ay muhiim u yihiin ilaalinta caafimaadka bulshada iyo adkeynta nidaamka caafimaadka dalka.

Hirgelinta mashruuca ayaa ka mid ah dadaalada ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka ku xoojinayaan nidaamka digniinta h**e iyo diyaargaroowga guud ee dalka ka hortagga cudurrada faafa iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ ๐จ๐จ๐ซ๐๐ก๐จ๐ฐ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ฆ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ๐š ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐”-๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐š๐Ÿ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š (๐๐š๐ง๐...
18/08/2026

๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐ ๐จ๐จ๐ซ๐๐ก๐จ๐ฐ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐ฆ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ๐š ๐ฆ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐”-๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐š๐Ÿ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š (๐๐š๐ง๐๐ž๐ฆ๐ข๐œ ๐…๐ฎ๐ง๐), ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š, ๐จ๐ ๐š๐š๐ง๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ฐ๐š๐š๐›๐ข๐๐๐š ๐œ๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก.

๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐šMuqdisho, 2 Agoo...
02/08/2026

๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐œ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š

Muqdisho, 2 Agoosto 2026; Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhiadin, ayaa xarunta Machadka Caafimaadka Qaranka kulan ballaaran kula yeeshay wakiillo ka socday, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Banaadir, Jaamacadda SIMAD, Jaamacadda UNISO, Jaamacadda SIU, Jaamacadda Salaam, Jaamacadda Capital, Jamacada Muqdisho iyo Jaamacadda Jamhuriya.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga cilmi-baarista caafimaadka, gaar ahaan samaynta daraasado lagu qiimeynayo tayada adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ayadoona la filayo cilmi-baarisyadaa inay soo saarto caddeymo iyo talooyin wax ku ool ah oo gacan ka gaysta hagaajinta adeegyada caafimaadka, siyaasadaha iyo habraacyada caafimaadka dalka, sidookale kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii ardayda barata cilmiga shaybaarka ee jaamacadaha dalka loogu abuuri lahaa fursado tababar oo ay ku qaataan Shaybaarka Dhexe ee Qaranka, si loo xoojiyo aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo.

Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, ayaa uga mahadceliyay jaamacadaha dalka doorkooda muuqada ee ay qaybta kaga yihiinta dib usoo celinta kaabayaasha muhiimka ahaa ee dalka gaar ahaan qaybaha kala duwan ee Caafimaadka.

Ugu danbayn, Dr. Hussein Abuukar, ayaa cadeeyay sida ay uga go,an tahay Machadka Caafimaadka Qaranka joogtaynta iyo horumarinta iskaashiga jaamacadaha iyo soo saarista cilmi-baaris tayo leh oo wax ka qabata baahiyaha caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐š๐›๐จ๐ ๐š๐›๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก...
31/07/2026

๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐š๐›๐จ๐ ๐š๐›๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Muqdisho 31 July 31 2026; Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa magaalada Muqdisho ugu soo gabo-gabeeyay Howl-wadeenada Caafimaadka ee safka h**e tababar kor lagu qaadayay xirfadaha iyo awoodaha aasaasiga ah ee caafimaadka dadweynaha ee maareynta xaaladaha degdegga ah, xeritaanka munasabadan ayay sidookale kasoo qayb galeen masuliyiin kasocotay Hay,adda WHO xafiiskeda Dalka iyo marti sharafkale.

Aqoonkorarsigan oo socdanayay muddo shan maalmood ah waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya AfricaCDC iyo AFENET, waxaana ka qayb-galay saraakiil caafimaad oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee dowlad-federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka iyo sidoo kale Gobalka Banaadir.

Ujeeddada tababarkan ayay ahayd in la xoojiyo xirfadaha iyo awoodaha aasaasiga ah ee caafimaadka dadweynaha ee ka qayb-galayaasha, si loo hagaajiyo maareynta faafitaanka cudurrada iyo xaaladaha kale ee degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha ee ka dhaca dalka Soomaaliya, barnaamijka waxaa ka mid ahaa mawduucyo muhiim ah oo ay kasoo qayb-galayaashu wax ka bartaan sida, Tijaabo lagu daahfurayo xaaladaha degdegga ee caafimaadka dadweynaha, Nidaamka Maareynta Dhacdooyinka iyo Tijaabo shaqo-gal ah oo dhijitaal ah.

Sidookale How-wadeenada caafimaad ayaa la baray xirfado kale oo la xiriira sida sahlan ee lagu maareeyo, loogu jawaabo, loona qorsheeyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, si loo hubiyo in nidaamka caafimaadka ee Dalka uu si degdeg ah ugu jawaabo faafitaannada cudurrada iyo xaaladaha kale ee halista ku ah caafimaadka dadweynaha, gunaanadka tababarka ayaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin ardayda, taasoo muujinaysa in ay dhameyeen koorsada iyo in ay u diyaarsan yihiin ay ka qayb-qaadashada maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha meel kasta oo Dalka ah.

Ugu danbayn, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, ayaa xusay sida ay ug go,an tahay Machadka inuu kor u qaado dadaalka joogtada ah ee xoojinta nidaamyada caafimaadka dadweynaha ee Dalka iyo horumarinta awoodaha saraakiisha caafimaadka sidii ay si wax ku ool ah ugu jawaabaan faafitaannada cudurrada iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐‡๐Ž ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.Muqdisho, S...
22/07/2026

๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐‡๐Ž ๐ž๐ž ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ญ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

Muqdisho, Somalia. Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Heer Qaran ee Ka hortagga iyo Diyaargarowga Ebola, Dr. Hussein Abukar Muhidine, ayaa Xarunta Machadka ku qaalibay wafdi heer sare ah oo ka socday Xafiiska Hay'adda WHO ee EMRO, oo ay weheliyeen masuuliyiinta Barnaamijka Caafimaadka Gurmadka Degdegga ah ee Xafiiska WHO Soomaaliya.

Booqashadan shaqo ee wafdiga ayaa dhinac socdtay kulan muhiim ah oo diirada lagu saarayay dib u eegista heerka u diyaargarowga Soomaaliya ee ka hortagga iyo diyaargarowga cudurka Ebola, intii uu kulanku socday, ayay si gaar ah uga wada hadleen labada dhinac qodobo ay kamid yihiin qiimeynta tiirarka ka jawaabidda Ebola (Ebola Response Pillars), heerka u diyaargarowga qaranka iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha kale ee degdegga ah ee caafimaadka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada dabagalka iyo la socodka cudurrada, horumarinta awoodda shaybaarrada, maamulka xogta, isku dubbaridka howlaha Xarunta Gurmadka Degdegga ah (PHEOC), xoojinta wacyigelinta bulshada, adeegyada caafimaadka Xuduudaha iyo diyaarinta agabka iyo adeegyada muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah ka hortagga, ogaanshaha, iyo xakamaynta cudurrada faafa.

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu waxa uu kormeer ku tagay Isbitaalka De Martiini, halkaas oo ay ku booqdeen qaybaha lagu daweeyo bukaannada qaba cudurrada faafa, gaar ahaan gawracatada oo ay jiifeen in kabadan 60 bukaan oo ay soo raditay Giawracato (Diphtheria). Waxay qiimeeyeen tayada adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta habraacyada Ka Hortagga iyo Xakamaynta Caabuqyada (Infection Prevention and Control - IPC), kuwaas oo laf-dhabar u ah yaraynta faafitaanka caabuqyada gudaha xarumaha caafimaadka.

Dhanka kale, wafdigu waxa uu booqday Xarunta Shaybaarka Caafimaadka Guud ee Qaranka, halkaas oo ay ku soo indha-indheeyeen awoodaha farsamo ee shaybaarka iyo hababka lagu ogaado laguna xaqiijiyo cudurrada mudnaanta leh, iyagoo bogaadiyey dadaallada lagu xoojinayo adeegyada shaybaarrada ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Heer Qaran ee Ka hortagag iyo Diyaargarowga Ebola, ahna Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Dr. Hussein Muhiadin Mohamud, ayaa ka mahadceliyay booqshada asagoona si qoto dheer uga warbixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya, heerka uu marayo u diyaargarowga dalka, cudurrada mudnaanta leh ee ka jira gobolka, iyo tallaabooyinka la qaaday si loo xoojiyo awoodda qaranka.

Dr. Hussein Abukar, ayaa Ugu danbayn, muujiyay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay iskaashi dhow iyo wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelanayso WHO iyo dhammaan bahwadaagta caafimaadka si loo xoojiyo amniga caafimaadka qaranka iyo u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

Xarunta Qaran ee Howlaha Dagdagga Caafimaad ee Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa ku howlahan qiimeynta heer qaran ee joo...
12/07/2026

Xarunta Qaran ee Howlaha Dagdagga Caafimaad ee Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa ku howlahan qiimeynta heer qaran ee joogtada ah si loo ilaaliyo badqabka bulshadeena ee ku aadan Xaaladda Ebola Bundibugyo ee ka dilacay dalalka DRC iyo Uganda ee kusii fidaysa gobalka waxay Xarunta Qaran xaqiisay in Dalkeena aan wali laga diiwaan gelin wax xaalad cudurkaan ah.

Fadlan ka eeg warbixinta oo dhamaystiran sawirka hoose.

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐“๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐š๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง...
09/07/2026

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐œ๐ก๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐“๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐ค๐š๐œ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š.

Muqdisho; Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka,, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Hay,adda, Mudane. Liibaan Cabdi Cigaal, booqashadan shaqo ee Agaasimaha ayay sidookale ku wehlinayen Agaasima waxeedyada iyo La-taliya yaal sare ee Machadka.

Ujeedka booqashada ayaa ahayd mid lagu xoojinayay sida la,isaga kaashan lahaa adeegyada caafimaadka ay u baahan yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya, sidookale kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa isku-dubaridka caafimaadka xuduudaha iyo tallaabooyinka lagu hubinta baaritaanadda caafimaad ee wax ku oolka ah iyo ka jawaab celinta baahiyaha caafimaad ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanayo kana soogalaayaan marrinadda dalka.

Kulanka ayaa laiskula qaatay in la dhiso gudi Farsamo oo Wadajir ah si ay u dardar geliyaan qorsheynta, hirgelinta iyo la socodka caafimaadka muwaadiniinta soomaaliyeed ee soo gurya noqonaya, dhanka kale iskaashigani ayaa aas-aas u noqonaya ilaalinta caafimaadka dadweynaha iyo hubinta in muwaadiniinta soomaaliyeed ee soo laabanaya ay helaan adeegyada caafimaad ee ku habboon marka ay yimaadaan iyo barakacayaasha ku nool Dalka.

Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka, ayaa ugu horayn uga mahadcelinayaa Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, soo dhaweynta diirran iyo sida ay uga go,antahay adkaynta iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha si muwaadiniintayada Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya ay u helaan adeegyo caafimaad oo degdeg ah, tayo leh, oo la isku duway.

Ugu dambayn, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agaasimaha Guud ee Machadka, ayaa cadeeyay in Machadka uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Hayโ€™adda sidii loo xaqiijin lahaa qorshayaasha la gaaray ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha caafimaad ee u baahan yiihiin muwadiniinteena soo gurya noqonaya iyo barakacayaasha dalka jooga.

โ€”DHAMMAADโ€”

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so

25/06/2026

Kumanaan arday ah oo u dabaal-degay maanta madaama u soo dhamaaday Imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare iyo masuliin kala duwan oo farxada ku la qaybsaday Daljirka Dahsoon.

Hambalyo Dhamaan Ardayda Soomaaliyeed ee u soo Dhamaaday Imtixaanaadka.

Xarunta Howlaha Dag-dagga Caafimaad (PHEOC) ee Machadka Caafimaadka Qaranka oo sii wadda howlaheeda diyaargarow iyo daba...
22/06/2026

Xarunta Howlaha Dag-dagga Caafimaad (PHEOC) ee Machadka Caafimaadka Qaranka oo sii wadda howlaheeda diyaargarow iyo dabagal xooggan ee xaaladaha cudur dilaaca Ebola, in 975 kiis la xaqiijiyay iyo 249 dhimasho ah laga soo sheegay DRC iyo Uganda, sidookalena Soomaaliya weli aysan jirin kiisas la xaqiijiyay. War bixint oo dhamaystiran Fadlan ka eeg qaybta hoose.


Address

Via Londra, P. O. Box 22, Hamarweyne
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia National Institute of Health posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somalia National Institute of Health:

Shortcuts

Share