04/09/2026
In diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu weeraro dadka siyaasadda kaaga aragti duwan waa arrin ugub ah.
Ficilkii xalay lagu beegsaday Jeneraal Mahad wuxuu ahaa xad-dhaaf aan masuuliyad lahayn oo khatar ku ah mustaqbalka, oo irdaha cadaabta u furaya qarankeena.
Ummada Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa inuu Qarax nagu bilowday, kii Eebbe ha u naxariistee lagu beegsaday Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo uu ku xigay kii lagu beegsaday Gud. Cabdalla Deeroow Isaaq, isagoo ilaa hadda nadaba socda. Tiro inta innooga dhimatayna waad wada ogtihiin.
Albaab kale ayaa duqeyntii xalayna nagu furtay.
Allahu Mustacaan