03/10/2026
"ɴᴏʟᴏsʜᴀ ᴊᴀᴀᴊᴜᴜsɴɪᴍᴀᴅᴀ ᴡᴀxᴀ ᴋᴜ ᴅᴜᴜɢᴀɴ ᴋᴜᴍᴀɴɴᴀᴀɴ sʜᴇᴇᴋᴏ ᴏᴏ ᴄɪʙʀᴏ ʟᴇʜ.
Ninkan ayaan daawaday wareysi laga qaaday. Waxa uu ka tirsanaa ciidanka milateriga heer federaal ee Itoobiya. Sannadkii 2011-kii ayaa loo diray Soomaaliya, xilligaas oo inta badan dhulka Soomaaliya ay kooxda AS gacanta ku haysay, isla markaana ay ahayd xilligii ay ugu xoogga badnayd.
Waxa uu ka degay magaalada Beledweyne, isaga oo loo diray inuu xog ka keeno kooxda AS, wuxuuna iska dhigay nin aan waxba kala socon.
Markii uu magaalada galay, waxa uu isha ku dhuftay nin ka mid ahaa saraakiishii ciidanka Cabdullaahi Yuusuf ee Itoobiya lagu soo tababaray, kaas oo markaas ka tirsanaa AS. Si aanu ninkaasi u aqoonsan oo hawshiisu u fashilmin, waxa uu go'aansaday inuu iskii ugu biiro kooxda, isaga oo u sheegay inuu Itoobiya ka soo goostay.
Muddo ku dhow saddex sano ayay ku qaadatay inay AS aaminto, muddadaas badankeedi wuxuu ku dhammeystay xabsiyada Beledweyne iyo Buulo Burde.
Ugu dambayn, markii la sii daayay oo uu Itoobiya ku laabtay, waxaa gacanta ku dhigay ciidankii Liyuu Booliska ee Cabdi Iley. Lacagtii uu watayna waa laga qaatay, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa AS.
Waxa layaab leh in ninkii dalkiisa dartii cadaabtaas oo dhan u soo maray, isaga oo jaajuus u ahaa, uu haddana isla dalkiisii xabsi kale ku riday.
Yaabka kale wuxuu ahaa in qaaddigii isaga ku xukumay 15-ka sano uu isaguna markii dambe xabsiga ugu yimid isagoo 25 sano oo xabsi ah lagu xukumay.
Sababta qaaddiga loo xukumayna waa dhacdo yaab leh.
Cabdi Iley ayaa maalin isugu yeedhay qaaddiyadii maxkamadaha, wuxuuna mid kasta weydiiyay waxa uu qabtay muddadii u dambaysay.
Qaaddigan, isaga oo is leh madaxweynaha iska dhis, ayaa sheegay in qof kasta oo loo keenay uu ku xukumay ugu yaraan 10 sano, ilaa xabsi-daa'in.
Isaga oo filayay in madaxweynuhu ku ammaanayo ayuu Cabdi Iley ku yidhi: “Warqad ii dhiib.”
Kadibna, 25 sano oo xadhig ah ayuu ugu qoray.
Sababta?
Markii la weydiiyay, waxa uu ku jawaabay: “Ninkani dadka oo dhan isagaa igu diray.”
Sheekadani waxay xambaarsan tahay dhacdooyin badan oo yaab leh iyo cibrooyin mudan in laga fikiro.