Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Government Organization, Mogadishu.
(2)

Banadir Regional Education Directorate is the education authority of the Banadir Regional Administration responsible for policy implementation, strategic planning, quality assurance and oversight of education services across Banadir Region.

07/09/2026

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” π—•π—”π—‘π—”π—”π——π—œπ—₯

Muqdisho, 07 Sebteembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir, xilli toddobaadkan ay dhammaan dugsiyada Gobolka Banaadir ka bilaabatay diiwaangelinta iyo diyaar-garowga sannad-dugsiyeedka cusub.

Waxaa kormeerka Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyo iyo Madax-Qaybeedyo.

Kormeerkan ayaa daba socda ballanqaadkii Wasiirka uu ka sheegay shirkii wadatashiga waxbarashada, kaas oo ahaa in sannad-dugsiyeedkan dugsiyada lagu sameyn doono kormeer joogto ah, lana joogteyn doono la-socodka xaaladda dugsiyada, si loo horumariyo tayada waxbarashada, iyadoo diiradda la saarayo waxqabadka iyo waxa dugsiyada ka dhex socda.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray xog ka dhageystay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo qeybaha kale ee waxbarashada, isagoo ku booriyay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayada adeegyada waxbarasho.

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” 𝗕𝗔𝗑𝗔𝗔𝗗...
07/09/2026

π—ͺπ—”π—¦π—œπ—œπ—₯π—žπ—” π—ͺ𝗔𝗦𝗔𝗔π—₯𝗔𝗗𝗗𝗔 π—ͺ𝗔𝗫𝗕𝗔π—₯𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔, π—›π—œπ——π——π—”π——π—” π—œπ—¬π—’ π—§π—”π—–π—Ÿπ—œπ—œπ—‘π—§π—” 𝗦𝗔π—₯π—˜ 𝗒𝗒 π—žπ—’π—₯π— π—˜π—˜π—₯ π—žπ—¨ π—§π—”π—šπ—”π—¬ 𝗀𝗔𝗔π—₯ π—žπ—” π— π—œπ—— 𝗔𝗛 π——π—¨π—šπ—¦π—œπ—¬π—”π——π—” π—šπ—’π—•π—’π—Ÿπ—žπ—” π—•π—”π—‘π—”π—”π——π—œπ—₯

Muqdisho, 07 Sebteembar 2026 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir, xilli toddobaadkan ay dhammaan dugsiyada Gobolka Banaadir ka bilaabatay diiwaangelinta iyo diyaar-garowga sannad-dugsiyeedka cusub.

Waxaa kormeerka Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyo iyo Madax-Qaybeedyo.

Kormeerkan ayaa daba socda ballanqaadkii Wasiirka uu ka sheegay shirkii wadatashiga waxbarashada, kaas oo ahaa in sannad-dugsiyeedkan dugsiyada lagu sameyn doono kormeer joogto ah, lana joogteyn doono la-socodka xaaladda dugsiyada, si loo horumariyo tayada waxbarashada, iyadoo diiradda la saarayo waxqabadka iyo waxa dugsiyada ka dhex socda.

Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray xog ka dhageystay maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo qeybaha kale ee waxbarashada, isagoo ku booriyay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayada adeegyada waxbarasho.

Haddii aad u baahan tahay waxbarasho lacag la’aan ah, waxaad ubadkaaga ka diiwaangelin kartaa mid ka mid ah dugsiyada da...
07/09/2026

Haddii aad u baahan tahay waxbarasho lacag la’aan ah, waxaad ubadkaaga ka diiwaangelin kartaa mid ka mid ah dugsiyada dadweynaha Gobolka Banadir ee ku qoran liiska sawirka hoose ka muuqda.

06/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiyada Dhagaxtuur iyo 12 Oktoobar oo dhawaan la dhisay.

05/09/2026

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed, iyo qaar kamid ah madax-qaybeedyada Agaasinka, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Macallin Jaamac, oo maanta si rasmi ah uga bilowday sannad dugsiyeedka 2026–2027.

04/09/2026

Wacyigelin ku Saabsan Diiwaangelinta Ardayda Dugsiyada Gobolka Banaadir.

03/09/2026

Kalmadda Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Abdurahman Ali Mohamed ee Diyaar-garowga Furitaanka Sannad-Dugsiyeedka 2026/2027

β€œDeegaanka Xaaji Cabdi ee Degmada Gubadley oo aan 1,058 boos uga iibinnay dadkii ay saameeyeen hawlaha dib-u-habeynta Op...
02/09/2026

β€œDeegaanka Xaaji Cabdi ee Degmada Gubadley oo aan 1,058 boos uga iibinnay dadkii ay saameeyeen hawlaha dib-u-habeynta Oposiibooyinka, isbuucyo kahor waxaan ka dhagax-dhignay mid kalana ka daahfurnay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo loogu talagalay dadka deegaanka si carruurtooda u helaan waxbarasho lacag la’aan ah”

Agaasimaha Macaahidda Diiniga  iyo Dugsiyada Qur’aanka Mudane Maxamed Muxyadiin Cabdullaahi, ayaa kulan la yeeshay maamu...
01/09/2026

Agaasimaha Macaahidda Diiniga iyo Dugsiyada Qur’aanka Mudane Maxamed Muxyadiin Cabdullaahi, ayaa kulan la yeeshay maamulayaasha dugsiyada xannaanooyinka ku yaalla Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraacyada iyo nidaamyada uu Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir u dejiyay xannaanooyinka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo raaco shuruudaha iyo tilmaamaha waxbarasho ee loo dejiyay.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay caqabadaha ka jira xannaanooyinka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Agaasinka Waxbarashada iyo maamulayaasha xannaanooyinka, si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo daryeelka carruurta.

Agaasinka ayaa muhiimad gaar ah siinaya in jiilka cusub lagu barbaariyo waxbarasho tayo leh oo leh nidaam casri ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha carruurta iyo mustaqbalka waxbarashada.

31/08/2026

π—šπ—¨π——π——π—’π—’π— π—œπ—¬π—˜ π— π—¨π—¨π—‘π—šπ—”π—”π—• 𝗒𝗒 π—žπ—¨ 𝗗𝗛𝗔π—ͺ𝗔𝗔𝗀𝗔𝗬 π——π—›π—¨π—Ÿ π—Ÿπ—”π—–π—”π—š π—Ÿπ—”β€™π—”π—”π—‘ 𝗔𝗛 𝗒𝗒 π—Ÿπ—’π—’π—šπ—¨ π—§π—”π—Ÿπ—”π—šπ—”π—Ÿπ—”π—¬ π——π—”π——π—žπ—œπ—œ 𝗨𝗨 π—šπ—¨π—₯𝗬𝗔𝗛𝗔𝗛𝗒𝗒𝗗𝗔 π—¦π—”π—”π— π—˜π—˜π—¬π—˜π—¬ π——π—œπ—•-𝗨-𝗛𝗔𝗕𝗔𝗬𝗑𝗧𝗔 π—žπ—” 𝗦𝗒𝗖𝗒𝗧𝗔 π— π—¨π—€π——π—œπ—¦π—›π—’

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta ku dhawaaqay in dhul lacag la’aan ah loogu talagalay dadka guryahooda ay saameeyeen dib-u-habaynta ka socota magaalada Muqdisho.

Dhulkan ayaa laga bixinayaa Waaxda Xaaji Cabdi ee Degmada Gubadley, halkaas oo toddobaadyo ka hor uu Duqa Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay, kana xarig-jaray Dugsi Hoose iyo Dhexe oo loogu talagalay bulshada deegaanka, si carruurtoodu ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Iyadoo la hirgelinayo hiigsiga Duqa Magaalada Muqdisho iyo siyaasadda guud ee Madaxda Qaranka, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa dardargelin doona dhammaystirka dhismaha dugsiga, sidoo kalena diyaarin doona dhammaan agabka waxbarasho ee loo baahan yahay, si carruurta deegaankaas ay u helaan waxbarasho lacag la’aan ah oo leh agab waxbarasho oo dhammaystiran.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu bogaadinayaa Madaxda Qaranka go’aankan wanaagsan ee loogu turayo dadka guryahooda ay saameeyeen dib-u-habaynta ka socota magaalada Muqdisho, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo in qoysaska loo helo xalal waara.

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 15:00
Tuesday 08:00 - 15:00
Wednesday 08:00 - 15:00
Thursday 08:00 - 15:00
Saturday 08:00 - 15:00
Sunday 08:00 - 15:00

Telephone

+252614409540

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir:

Shortcuts

Share