Hon Mohamed Keyse

Hon Mohamed Keyse Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hon Mohamed Keyse, Public & Government Service, Mogadishu.

Hambalyo Sannad-guurada 1-aad ee Aasaaska Dowlad-Goboleedka Waqooyi BariWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa...
29/07/2026

Hambalyo Sannad-guurada 1-aad ee Aasaaska Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan shacabka reer Waqooyi Bari munaasabadda qiimaha badan ee sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari.

Waxaan ku bogaadinayaa midnimada, wadajirka iyo waddaniyadda aad ku muujiseen taageeridda dowladnimadiinna iyo ilaalinta danaha shacabka.

Alle waxaan ka baryayaa in uu sannado badan oo barwaaqo, nabad, horumar iyo isku duubni ah nagu gaadhsiiyo.

Hon Mohamed Keyse

The better Team. The best team. The great nation of Spain wins the World Cup. 🇪🇸 🏆
19/07/2026

The better Team. The best team. The great nation of Spain wins the World Cup. 🇪🇸 🏆

Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan...
30/06/2026

Hambalyo 1-da Luulyo! 🇸🇴

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo astaan u ah midnimada, xorriyadda, iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Hambalyo Maalinta Xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Hon Mohamed Keyse

Hambalyo dhamaan umadda soomaaliyeed Sanad Guuradii 66aad ee Maalinta Xoriyada Soomaaliyeed.Shacabka Soomaaliyeed Meel K...
25/06/2026

Hambalyo dhamaan umadda soomaaliyeed Sanad Guuradii 66aad ee Maalinta Xoriyada Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed Meel Kasta Oo Aad dunida ka Joogtaan Waxaan idin ku hambalyaynayaa Xuska maalinta qiimaha Badan ee 26-ka Juun Oo Ku Aaddan 65-guurada ka soo wareegatay maalintii ugu horreysey ee calanka Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed oo xor ah(26-June 1960) gobollada waqooyi ee dalkeena.

Hon Mohamed Keyse

Hambalyo eidul adxaWaxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa.Muna...
26/05/2026

Hambalyo eidul adxa

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa.

Munaasabaddan qiimaha badan awgeed, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu shacabka Soomaaliyeed sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar, kana aqbalo cibaadada iyo acmaasha wanaagsan.

Hon Mohamed Keyse

TACSIإنا لله وإنا إليه راجعونWaxaan u  tacsiyeynayaa  qoyskii , Ehelki & Asxaabta geerida ku timi Dr Mubaarak Cabdinuur ...
19/05/2026

TACSI
إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii , Ehelki & Asxaabta geerida ku timi Dr Mubaarak Cabdinuur Maxamuud Aw-muuse.
Waxaan marxuumka u Alle uwaydiinayaa danbi-dhaaf , naxariis iyo inu ku casuumo janadi fardawsa Aamiin.

🌙✨ Eid Mubarak ✨🌙  Eid Mubarak dhammaan umadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan.    Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii,...
19/03/2026

🌙✨ Eid Mubarak ✨🌙

Eid Mubarak dhammaan umadda Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii, iyo camalkii wanaagsanaa ee aynu soo gudannay.

Allow naga dhig kuwii dembiyadooda la dhaafay, qalbiyadoodana la nadiifiyey, kana mid noqda kuwii farxadda iyo barakada Eidda ku raaxeysta.

Eidkani ha noqdo mid keena nabad, jacayl, iyo midnimo dhexdeena ah.

Eid Mubarak!

Hon Mohamed Keyse

إنا لله وإنا إليه راجعونWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada,,...
05/03/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada,, asxaabta, ciidanka, geerida xanuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee General Mohamed Ali Abokor oo kamid ahaa Saraakiisha qiimaha badan ee dalkiisa usoo huray waqtigiisi.

Gen. Mohamed Ali Abokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii door weyn ka qaatay dawladnimada iyo difaaca sharafka Soomaaliyeed, marar badana soo hogaamiyay ciidanka dalkeena hooyo.

Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo. Sidoo kale, qoyskiisa, gaar ahaan reer cali Abokor qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan alle ka siiyo.

Hon Mohamed Keyse

إنا لله وإنا إليه راجعوWaxaan halkan uga tacsiyeynayaa geerida ku timi Alleha u naxariisto Abwaankii wayna ee YUUSUF MAX...
15/02/2026

إنا لله وإنا إليه راجعو

Waxaan halkan uga tacsiyeynayaa geerida ku timi Alleha u naxariisto Abwaankii wayna ee YUUSUF MAXAMED CABDILAAHI AAR ( ABWAAN YUUSUF SUUSLE).

Marxuumka waxaan Ilaahay u waydiinayaa naxariis , danbi-dhaaf iyo Janno fardowsa.

Allaha unaxariiste Abwaanku wuxuu wakhtigiisi , Aqoontiisa iyo Xikmadi Alle siiyey ugu adeegay dadkiisa iyo dalkiisa isagoo lagu xasuusto halgankiisa difaaca midnimada iyo horusocodka Qarankeena Soomaaliyeed.

Ehelka , qoyska , qaraabada , asxaabta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan u dardaarmayaa samir iyo Iimaan

Aamiin.

Waxaan uhambalyaynayaa gudoomiyaha cusub ee degmada buuhoodle xil Cabdifarax Cali Cawil oo ay golaha deegaanka degmadu u...
15/02/2026

Waxaan uhambalyaynayaa gudoomiyaha cusub ee degmada buuhoodle xil Cabdifarax Cali Cawil oo ay golaha deegaanka degmadu udoorteen duqa degmadda ahna gudoomiyaha golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaan isna hambalyaynaya murashaxii la tartamay xil Shawr Abdullahi Mohamed waxaanan urajaynayaa guul iyo mustaqbal wacan,

Shacabka degmadda iyo guud ahaan reer buuhoodle waxaan codsanayaa in ay la shaqeeyaan mayorka la doortay si degmadu horumar u gaadho.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Mohamed Keyse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Mohamed Keyse:

Shortcuts

Share