Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Xooga Dalka Somalia

Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Xooga Dalka Somalia Militery Base

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO KORMEER SHAQO KU TAGEY DUGSIGA TABABARKA GEN. GORDONMuqdisho, 3 Agoosto 2...
03/08/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO KORMEER SHAQO KU TAGEY DUGSIGA TABABARKA GEN. GORDON

Muqdisho, 3 Agoosto 2026: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagey Dugsiga Tababarka Gen. Gordon, halkaas oo ay tababar ku qaadanayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee XDS.

Taliyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Gaarka ah, Sareeye Guuto Aadan Maxamed Cumar (Aadan dheere), isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda guud ee dugsiga iyo horumarka tababarrada ka socda.

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta tayada tababarka, dardargelinta ciidamada, iyo dhiirrigelinta askarta. Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalkooda, naf-hurnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay difaaca dalka. Sidoo kale, wuxuu la kulmay saraakiisha iyo macallimiinta bixiya tababarrada kala duwan, isagoo bogaadiyey doorkooda ku aaddan tayeynta ciidamada.

Intii uu kormeerku socday, ciidamada ayaa soo bandhigay dhoollatusyo iyo xirfado muujinaya heerka tababarka ay gaareen.

Gabagabadii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo macallimiinta shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan dugsiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee lagu horumarinayo aqoonta iyo anshaxa ciidannimada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

DHAMAAD.

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee XDS iyo Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Taliyaaniga (ITA SOCOM) oo Rome ku...
09/07/2026

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee XDS iyo Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Taliyaaniga (ITA SOCOM) oo Rome ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashi milatari oo dhexmara labada dhinac.

Rome, Taliyaaniga – 09 Luulyo 2026: Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CGXDS), Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa magaalada Rome ee dalka Taliyaaniga kulan istiraatiiji ah kula yeeshay Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidamada Taliyaaniga (ITA SOCOM), Admiral Paolo Pezzutti.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Taliyaaniga, gaar ahaan horumarinta awoodaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadista tayada tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo dardargelinta taageerada lagu kobcinayo awoodaha hawlgal ee ciidanka.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah, lana dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed si uu u noqdo ciidan xirfad leh, isku filan, isla markaana awood u leh fulinta hawlgallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca qaranka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda sii wadidda wada-shaqeynta joogtada ah iyo hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo awoodaha Ciidanka Gaarka XDS kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Taliyaaniga.

Hambaliyo 1da Luulyo  66sano Guuradii ka soo wareegatay Xormnimadii Dalkeena Taliska Ciidanka Gaarka Ah ee XDS wuxu Hamb...
01/07/2026

Hambaliyo 1da Luulyo 66sano Guuradii ka soo wareegatay Xormnimadii Dalkeena

Taliska Ciidanka Gaarka Ah ee XDS wuxu Hambalyo La wadaagayaa Dhamaan Shacabka somaliyeed Maliinta weyn ee Xurnimada Dalkeena

Taliyaha Ciidanka Gaarka ah XDS wuxuu Dhamaan Shacabka La wadagayaa Fariintan Dhiirigalinta ah

“Maanta waxaan u Dabaaldageynaa Halgankii geesiyaasha na xoreeyay iyo Gobanamada Qarankeena inga oo xusuusaneyna Halgankoodii aynu ka shaqeyno Midnimada, Hormar iyo Mustaqbal Ifya”

Sanadkan kiisa kale ilaahey ha inagu gaarsiiyo Amni iyo Hormar inshaa alaah

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO UU WEHLIYO TALIYAHA CIIDANKA GAARKA AH AYAA WAXEY KORMEER SHAQO KU TAGEEN GUUTADA 12-aad EE CII...
30/06/2026

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO UU WEHLIYO TALIYAHA CIIDANKA GAARKA AH AYAA WAXEY KORMEER SHAQO KU TAGEEN GUUTADA 12-aad EE CIIDANKA GAARKA AH EE GORGOR XDS

30 Juun 2026, Muqdisho: Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo uu Wehliyo Taliiyaha Ciidanka Gaarka Ah S/Guuto Aadan Maxamed Cumar ayaa maanta waxey kormeer shaqo ku tageen cutubyada Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor XDS, si loo qiimeeyo loona sii xoojiyo heerka diyaargarowga howlgal ee Ciidanka XDS.

Intii uu socday kormeerka, Taliyaha CXDS ayaa uga mahadceliyey ciidamada geesiyaasha ah dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, gaar ahaan doorkii ay ka qaateen howlgaladii lagu xoreynayey deegaannada ay ku sugnaayeen kooxda Khawaarijta. Wuxuuna ku bogaadiyey xirfadda, geesinimada iyo kartida ay u muujiyeen gudashada waajibaadkooda qaran.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan ciidamada Qaranka munaasabadda Toddobaadka Xorriyadda, isaga oo xusay in xorriyadda maanta lagu naaloonayo ay ku timid dhiigga iyo naf-hurnimada halyeeyadii Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu ciidamada faray inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, adkeeyaanna gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo ciribtirka cadowga Khawaarijta.

TALIYAHA CIIDANKA GAARKA AH  S/GUUTO ADAN MAXAMED CUMAR AYAA KA QEYBGALAY SHIR  AMNI OO LOOGA HADLAY XAAALADDA GUUD EE A...
09/05/2026

TALIYAHA CIIDANKA GAARKA AH S/GUUTO ADAN MAXAMED CUMAR AYAA KA QEYBGALAY SHIR AMNI OO LOOGA HADLAY XAAALADDA GUUD EE AMNIGA DALKA

SHIRKA OO UU GUDOOMINAAYE Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud

Intii rku socday ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyay heerka diyaar garow ee Ciidanka XDS, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga iyo xasiloonida dalka, lana sii wado dadaallada looga hortagayo wax kasta oo carqaladeyn kara horumarka laga gaaray amniga guud.

Saraakiishii ka qeyb gashay shirka ayaa soo bandhigay qorsheyaal iyo go’aanno wax ku ool ah oo lagu xoojinayo amniga, iyadoo xoogga la saarayo dardargelinta howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, iyo ka hortagga isku day kasta oo lid ku ah nabadda iyo xasiloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee XDS Sareeya Guuto Aadan Mohamed Omar wuxuu Hambaliyo U Dirayaa Dhamaan Saraakiisha Saraak...
11/04/2026

Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee XDS Sareeya Guuto Aadan Mohamed Omar wuxuu Hambaliyo U Dirayaa Dhamaan Saraakiisha Saraakiil Xigeenada Iyo Sareeyayaasha Alifleyda Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed Munaasabada Sanadguurada 66aad Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyee Ee 12 April oo Ku beegan Aas aaska Ciidana Xooga Daka Somaliyeed

Taliyaha Wuxuu Eebe Ugu Baryayaaa Naxariis Jano Dhamaan Ciidankii ku shahiiday Dagaaladii ay La galeen Cadawga Khawaarijta

Hambaliyo Dhamaan Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed

Address

Mogadishu
ALWAYS OPEN

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Xooga Dalka Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share