Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug

Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Ministry of port and marine transportation

Agaasimaha Guud oo ka qayb galay soo xiritaanka Galbarwaaqo CupAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badd...
13/08/2026

Agaasimaha Guud oo ka qayb galay soo xiritaanka Galbarwaaqo Cup

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug ayaa galabta degmada Galbarwaaqo uga qayb galay munaasabadda soo xiritaanka tartanka kubadda cagta ee “Galbarwaaqo Cup”, kaas oo loo qabtay xaafadaha magaalada Galbarwaaqo.

Agaasimaha Guud ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka, isagoo xusay muhiimadda ciyaaruhu u leeyihiin is-dhexgalka bulshada, nabadda, midnimada iyo horumarinta dhallinyarada.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmudug oo Guddoomay Deeq Qalab ahMuqdisho, 08 Agoosto 2026 — Wasiirka Wasaara...
08/08/2026

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmudug oo Guddoomay Deeq Qalab ah

Muqdisho, 08 Agoosto 2026 — Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay deeq qalab kombuyuutarro ah, oo loogu talagalay xoojinta awoodda hay’adaha badda ee Galmudug.

Wasiirka waxaa munaasabadda ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmudug, Mudane Abshir Xaashi.

Deeqdan oo ay bixisay EUCAP Soomaaliya ayaa Wasiirka ku wareejisay Xarunta Isku-duwidda iyo Samatabixinta Badaha (MRCC Mogadishu), oo hoos timaadda Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qalabkan ayaa muhiim u ah horumarinta awoodaha farsamo, maamulka iyo maaraynta xogta ee hay’adaha badda Galmudug, gaar ahaan dhinacyada badbaadada, badqabka iyo amniga badda, iyo xoojinta awoodda jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah.

Taageeradan ayaa lagu xoojinayaa:

🔹 Badbaadinta iyo samatabixinta dadka, doonyaha iyo maraakiibta ku sugan badda.

🔹 Badqabka iyo amniga badda, iyo awoodda wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah.

🔹 Wadaagista, kaydinta iyo maaraynta xogta la xiriirta xaaladaha iyo dhacdooyinka badda.

🔹 Isku-xirka iyo wada-shaqeynta MRCC Mogadishu iyo Xarumaha Samatabixinta Badda ee Gobollada (MRSCs).

🔹 Taageeridda MRSC Hobyo, oo qorshuhu yahay in laga hirgeliyo Dekedda Hobyo, si loo xoojiyo adeegyada samatabixinta iyo jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah ee xeebaha Galmudug.

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, iyo horumarinta nidaamka qaran ee Search and Rescue (SAR), si loo sii xoojiyo adeegyada badbaadada, badqabka iyo amniga badda Soomaaliya.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmudug ayaa uga mahadcelisay EUCAP Soomaaliya taageerada ay si joogto ah ugu bixiso horumarinta iyo tayeynta awoodda hay’adaha badda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay uga mahadcelisay MRCC Mogadishu dadaallada ay ku bixiso xoojinta isku-xirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha badda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Wadajir ayaan u xoojinaynaa Badbaadada, Badqabka iyo Amniga Badda Soomaaliya. 🇸🇴

#

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed oo Qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidk...
08/08/2026

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed oo Qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad-Goboleedyada

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqaadi Xaaji Xasan “Gurey Xaaji”, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Waqooyi Bari.

Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cusmaan Jiileey.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay dardargelinta howlaha Wakaaladda, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan mideysan oo hufan oo lagu horumarinayo dekedaha dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa muhiimad gaar ah lagu siiyay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ku howlan maamulka iyo horumarinta dekedaha, si kor loogu qaado waxtarka dekedaha Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-faham iyo wada-shaqeyn, waxaana lagu ballamay in la joogteeyo kulamada noocan ah, si loo xoojiyo iskaashiga iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya.

“Iskaashi iyo wadajir waa furaha guusha maamulka iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya.”

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚...
06/08/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha dekedaha iyo gaadiidka badda, dardargelinta horumarinta kaabeyaasha badda, kobcinta ganacsiga iyo gaadiidka badda, iyo mideynta dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xaqiijiyo maamul hufan oo mideysan, loona hirgeliyo qorshayaasha qaran ee la xiriira horumarinta dekedaha, adeegyada gaadiidka badda iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha ayaa adkeeyay in iskaashiga joogtada ahi uu laf-dhabar u yahay horumarinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda, isagoo uga mahadceliyay Wasiirrada Dekedaha ee Dowlad Goboleedyada kaalinta ay ka qaadanayaan mideynta dadaallada lagu horumarinayo badaha Soomaaliya iyo hirgelinta qorshayaasha qaran ee waaxda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta, isdhaafsiga khibradaha iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha mudnaanta u leh horumarinta waaxda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dalka.

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.
05/08/2026

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

05/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ) oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay xaaladda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Galmudug, isagoo si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha hortaagan horumarinta kaabeyaasha badda, gaar ahaan baahida loo qabo dhismaha dekedo casri ah si loo kobciyo ganacsiga, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha gobolka.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgashiga istiraatiijiga ah, xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, iyo isku-duwidda siyaasadaha lagu horumarinayo waaxda badaha iyo gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Shirweynaha ayaa kulmiyay masuuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, hay'adaha dowladda iyo bahda ku shaqeysa horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta dekedaha, gaadiidka badda iyo ka faa'iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya.

Magaalada Mugdisho Waxaa Maalinkii Labaad Kasocda Shir waynaha 1aad ee Badaha Somalia oo ay qayb katahay Wasaaradda Daka...
05/08/2026

Magaalada Mugdisho Waxaa Maalinkii Labaad Kasocda Shir waynaha 1aad ee Badaha Somalia oo ay qayb katahay Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug

04/08/2026

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh ayaa Khudbad ka jeediyey furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya oo ay Qayb Katahay Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda Dawladda Galmudug isagoo kaga Hadley Kheyraabadka Badda, Maalgashiga iyo sida looga guuleystay burcad badeeda".

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa ka qeyb geli doona...
03/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa ka qeyb geli doona Panel 4 ee Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ), kaas oo diiradda lagu saari doono mowduuca "Strategic Maritime Investment and Policy Coordination." Kaas oo Lagu Qaban doono Magaalada Mugdisho

Madashan ayaa lagu falanqeyn doonaa xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada, dhiirrigelinta maalgashiga istiraatiijiga ah, iyo isku-duwidda siyaasadaha lagu horumarinayo dekedaha, gaadiidka badda, iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy) ee Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 4–5 Agoosto 2026, wuxuu kulminayaa masuuliyiin sare oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada si loo adkeeyo wada-shaqeynta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha badda.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa soo saaray wareegt...
02/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, Mudane Maxamuud Cabdi Ciise, ayaa soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay laba masuul oo ka tirsan wasaaradda, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo dardargelinta adeegyada ay wasaaraddu bixiso.
Wareegtada ayaa lagu magacaabay:

Najiib Cali Maxamed Jaamac – Madaxa Waaxda Maaliyadda iyo Xisaabaadka (Finance & Accounts).

Hassan Xidig Diriye – Madaxa Waaxda Maamulka iyo Shaqaalaha (Administration & HR).

Wasiirka ayaa sheegay in magacaabistan lagu saleeyay aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada masuuliyiintan, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadista tayada shaqada iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Galmudug.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu faray dhammaan masuuliyiinta wasaaradda inay la shaqeeyaan masuuliyiinta cusub, isla markaana ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday si loo gaaro adeegyo tayo leh oo bulshada loo fidiyo.

Address

Dhusamareb
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Dakadaha & Gaadiidka Badda Galmudug:

Shortcuts

Share