Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya

Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Official page of the Supreme Court of the Federal Republic of Somalia ๏ฟฝ

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” :โ€”Guddoomiyaha Maxk**adda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu weheliyo Xeer Ilaalaha Guud ee ...
21/07/2026

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” :โ€”Guddoomiyaha Maxk**adda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu weheliyo Xeer Ilaalaha Guud ee Qaranka, ayaa maanta shahaadooyin sharaf guddoonsiiyey xubnihii Guddiga Imtixaanka Qareennada, isagoo ku ammaanay dadaalkii iyo hufnaantii ay ku maamuleen imtixaanka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in guddigu ay muujiyeen daacadnimo, caddaalad iyo xilkasnimo, taas oo kor u qaadaysa tayada mihnadda qareennimada iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka garsoorka.

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” :โ€”Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axme...
21/07/2026

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” :โ€”Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu Waheliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa xafiiskii ku shaaciyey natiijada Imtixaanka Qaran ee Qareennada.

Imtixaankan, oo ay si wadajir ah u maamuleen hayโ€™adaha Bahda Garsoorka Soomaaliyeed, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka caddaaladda dalka iyo tayaynta mihnadda qareennimada. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la hubiyo aqoonta iyo xirfadda qareennada cusub, si loogu diyaariyo inay door muuqata uga qaataan hirgelinta caddaaladda, ilaalinta sharciga, iyo difaaca xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”  ฬถ Guddoomiyaha Maxk**adda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...
21/07/2026

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ฬถ Guddoomiyaha Maxk**adda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Maxk**adda Gobalka Banaadir, kaasi oo waxwayn ka tari doona shaqada loogu qabta bulshada ku dhaqan gobalka Banaadir.

Dhanka kale Guddoomiyaha oo ay Weheliyaan Guddoomiyayasha Maxk**adda Racfaanka iyo Gobalka Banaadir, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha cusub ee Hayโ€™ada ha Garsoorka Dalka.

Masโ€™uuliyiinta ayaa u kuurgalay heerka uu marayo dhismaha, tayada shaqada iyo diyaar-garowga loogu jiro dhammeystirkiisa. Dhismaha ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay, waxaana la filayaa in dhawaan si rasmi ah loo daahfuro, looguna adeego shacabka Soomaaliyeed.

Dhismahan casriga ah wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha garsoorka, lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada caddaaladda, laguna abuurayo jawi shaqo oo hufan, ammaan ah, kuna habboon adeeg-bixinta shacabka Soomaaliyeed ee hayโ€™adaha garsoorka dalka.

Muqdisho, 2 Luulyo 2026 โ€“ Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axme...
02/07/2026

Muqdisho, 2 Luulyo 2026 โ€“ Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka qareennada Soomaaliyeed, kaas oo lagu qiimeynayo aqoonta iyo xirfada qareennada laga doonaya inay helaan ruqsadda qareennimada.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay sare u qaadidda tayada qareennadu ay laf-dhabar u tahay hirgelinta caddaalad hufan iyo xoojinta kalsoonida bulshada ee garsoorka. Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay ka qaybgalayaasha imtixaanadka inay muujiyaan kalsooni, karti iyo ku-dhaqanka anshaxa mihnadda qareenimo.

Daah-furka imtixaankan wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo mihnadda qareennimada iyo tayeynta adeegyada caddaaladda, isagoo intaa kadib ugu bushaareyey qareenadda kusoo baxa tartankan in ruqasadoodu kaga shaqayn doonaan dhamaan dalalka ku midaysan bulshada bariga Afrika oo Soomaaliya dhawaan ay ku biirtay.

Nairobi, Kenya โ€“19 Juun 2026:-Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf A...
19/06/2026

Nairobi, Kenya โ€“19 Juun 2026:-Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah (Alternative Dispute Resolution - ADR), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkan heerka sare ah, oo lagu qabtay Safari Park Hotel, ayaa isugu keenay Guddoomiyeyaasha Maxk**adaha Sare, madaxda hayโ€™adaha garsoorka iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika, si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada caddaaladda, kor u qaadista adeegyada garsoorka iyo xoojinta adeegsiga hababka ADR-ka ee lagu xalliyo khilaafaadka.

Madasha ayaa si rasmi ah waxaa u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka si loo dardargeliyo helitaanka caddaaladda, loo yareeyo culayska maxk**adaha, loona taageero horumarka waara ee qaaradda Afrika.

Guddoomiye Bashe Yuusuf Axmed ayaa kulammada shirweynaha ka jeediyey aragtiyo la xiriira horumarinta garsoorka Soomaaliya, kobcinta adeegyada caddaaladda iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga garsoor ee dalalka Afrika. Sidoo kale wuxuu la kulmay dhiggiisa dalalka kale si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira maamulka cadaaladda iyo adeegsiga ADR-ka.

Shirkan ayaa daba socda goโ€™aannadii lagu gaaray Shirweynihii 1-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee ADR-ka oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda sannadkii 2024, kaas oo lagu aas-aasay Madasha Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee ADR-ka (Africa Chief Justicesโ€™ ADR Forum โ€“ ACJAF).

Ka qaybgalka Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee JFS ee shirkan ayaa muujinaya doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay dadaallada lagu horumarinayo caddaaladda, lagu xoojinayo iskaashiga garsoorka ee Afrika, isla markaana lagu taageerayo helitaanka caddaalad loo siman yahay dhammaan bulshada.

โ€” Dhammaad โ€”

Fariinta Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee JFS ee munaasabadda Ciidul-AdxaaMunaasabadda Ciidul-Adxaa awgeed, waxaan hambal...
26/05/2026

Fariinta Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee JFS ee munaasabadda Ciidul-Adxaa

Munaasabadda Ciidul-Adxaa awgeed, waxaan hambalyo iyo duco u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta.

Illaahay ha inaga aqbalo ducada, cibaadada, iyo acmaasha wanaagsan.

Ciid Mubaarak.

Muqdishu, 25, May, 2026:--Maxk**adda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyi...
25/05/2026

Muqdishu, 25, May, 2026:--Maxk**adda Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijadi doorashoyinkii Golayaasha deeggaanka iyo Wakiiladda Koonfur Galbeed ee guddiga doorashoyinka iyo Soohdimuha Qaranku usoo gudbiyeen Maxk**adda Sare ee dalka.

Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in, illaa iyo hadda, aanay jirin natiijo doo...
18/05/2026

Maxk**adda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in, illaa iyo hadda, aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxk**adda Sare.

Muqdishu 28, March 2026:--Maxk**adda Sare ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si k**a danbays ah u ansixisay do...
28/03/2026

Muqdishu 28, March 2026:--Maxk**adda Sare ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si k**a danbays ah u ansixisay doorashoyinka golayaasha deeggaanka gobalka Banaadir oo si ku meel gaadha natiijadda h**e ugu dhawaaqeen gudigga doorashoyinka qaranku.

"Waxaan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ci...
19/03/2026

"Waxaan dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga" Guddoomiyaha Maxk**adda Sare Baashe Yuusuf Axmed

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Telephone

+2521867799

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya:

Shortcuts

Share