24/08/2026
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gude iyo dibadba, iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda qiimaha iyo sharafta badan ee dhalashada Suubbanihii Nabi Muxammad NNKH, oo ku beegan caawa 12-ka Rabiicul Awal 1448-ka Hijriyada.
Dhalashada Nabi Muxammad NNKH waxay ahayd iftiin iyo hanuun uu Alle SWT ugu deeqay ummadda Islaamka. Waxay sidoo kale ina xusuusinaysaa in aynu raacno sunnadii iyo dariiqii suubbanaa ee uu inooga tegay Rasuulkeennii Muxammad NNKH.
Sunahiisu wuxu ina farayaa in aynu noqono ummad ku toosan diinteeda, ku sifowda akhlaaq wanaagsan iyo isku naxariisasho, isla markaana dhexdooda ku dhaqma caddaalad, dulqaad, walaaltinimo iyo is-qaddarin. Dhammaan waxay ka mid yihiin sifooyinkii iyo tilmaamihii suubanaa ee Alle SWT ku mannaystay Rasuulkeenna Muxammad NNKH.
Waxaan Alle SWT ka baryayaa in uu colaadaha innaga damiyo, aafooyinka iyo cudurradana ina garab mariyo, cirkana ino irmaaneeyo.