Xogta Dunida

Directions

Xogta Dunida Kabogo waxa ka dhacaya Dalkaaga iyo Caalamka oo dhan

Netanyahu waxuu wajahaya dhaleeceyn ka imanaysa dhinac kastaWada-hadaldii ugu danbeysay ee dhex maray Donald Trump iyo N...
23/06/2026

Netanyahu waxuu wajahaya dhaleeceyn ka imanaysa dhinac kasta

Wada-hadaldii ugu danbeysay ee dhex maray Donald Trump iyo Netanyahu, ka hor heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii dhacay 17-kii Juun, Netanyahu wuxuu helay farriimo aad u adag oo Trump uga yimid. Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka J.D. Vance ayaa si kulul u dhaleeceeyay Netanyahu, isagoo ku eedeeyay inuu galay khaladaad waaweyn, isla markaana u jeediyay canaan iyo digniino adag.
Waxaa muuqato inay jirto kala duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Trump iyo Netanyahu. Inkastoo Maraykanka iyo Israa’iil ay leeyihiin xiriir dhow oo istiraatiiji ah, isla markaana Trump iyo Vance ay marar badan muujiyeen taageeradooda Israa’iil, haddana taasi ma baabi’inayso khilaafka ka dhex jira labada dhinac ee ku saabsan sida loola dhaqmay Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan.
Khilaafkani wuxuu salka ku hayaa siyaasadda Trump ee ah in xal lagu raadiyo wada-xaajood iyo heshiis lala galo Iiraan, xilli dagaal uu u dhexeeyo labada dhinac. Dhanka kale, Netanyahu wuxuu si cad uga soo horjeedaa heshiis kasta oo lala galo Iiraan, isagoo ku baaqaya in dagaalka la sii wado ilaa Iiraan lagu qasbo inay is dhiibto. Waxa kale oo uu taageersan yahay in la kordhiyo hawlgallada militari ee koonfurta Lubnaan.
Afartii bilood ee dagaalku socday waxay muujiyeen laba arrimood oo muhiim ah. Midda koowaad, inkastoo uu jiray khilaafka u dhexeeya Trump iyo Netanyahu, haddana ma uusan gaarin heerkii ugu sareeyay. Midda labaadna waxay ahayd in nidaamka Islaamiga ah ee Iiraan uu muujiyay adkaysi, isagoo awood u yeeshay inuu iska caabiyo Maraykanka iyo Isra’iil, marka laga eego wada-xaajoodka iyo maaraynta duullaankii lagu qaaday, Taasina waxay dhalisay su’aalo ku saabsan faa’iidada dagaalkaasi uu ka dhaxlay Maraykanka.
Khilaafkan siyaasadeed wuxuu hadda isu beddelay su’aal istiraatiiji ah oo ah: mudnaanta koowaad ee dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil, yay dan u aheed?
Bilowgii dagaalka, waxaa la siiyay mudnaanta qorshaha dagaalka Netanyahu, iyadoo lagu saleynayay qiimeyn ay sameeyeen isaga iyo hay’addiisa sirdoonka ee Mossad, oo ahayd in dowladda Iiraan ay burburi doonto toddobaadka ugu horreeya marka ay bilowdaan weerarrada. Weerarradaas waxaa ka mid ahaa dilal qorsheysan iyo duqeymo lagu qaaday boqolaal ama kumannaan bartilmaameed, taasoo ku qancisay Trump inuu taageero gelitaanka dagaalka.

Xaqiiqada Heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo IiraanMuddo sanado ah, xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan wuxuu ku ...
20/06/2026

Xaqiiqada Heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

Muddo sanado ah, xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan wuxuu ku jiray xiisad siyaasadeed iyo mid militari, iyadoo labada dal ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, saameynta gobolka Bariga dhexe iyo arrimo kale. Mar kasta oo la hadal hayo "heshiis" cusub, waxaa isweydiin mudan ma jiraa heshiis rasmi ah oo labada dal gaareen, mise waa is-afgarad ku meel gaar ah?
Xaqiiqdu waxay tahay in aan weli la gaarin heshiis dhamaystiran oo soo afjaraya khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan. Inkastoo ay jireen wada-hadallo iyo dhex-dhexaadin ay sameeyeen dalal kala duwan, labada dhinac weli waxay ku kala aragti duwan yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee khilafka dhaliyay.
Maraykanku wuxuu ku adkaysanayaa in Iiraan aysan yeelan hub nukliyeer ah, isla markaana uu sii wado cunaqabateynta dhaqaale ilaa ay Tehran ka beddesho siyaasaddeeda. Dhinaca kale, Iiraan waxay sheegaysaa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed, waxayna dalbanaysaa in laga qaado cunaqabateynta lagu soo rogay.
Bilihii u dambeeyay waxaa jiray is-afgaradyo xaddidan oo u dhexeeya labada dhinac. Kuwaas waxaa ka mid ahaa sii deynta maxaabiis ay labada dal is dhaafsadeen, fasixidda qayb ka mid ah hantidii Iiraan ee dibadda ku xanibnayd, iyo sii socoshada wada-hadallada dadban. Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkaas looma tixgelin heshiis siyaasadeed oo buuxa.
Khubaro badan ayaa aaminsan in waxa hadda socda uu yahay dadaal lagu yareynayo xiisadda, halkii uu ka ahaan lahaa xal k**a dambeys ah. Sababta ugu weyn ayaa ah kalsooni darrada labada dhinac ka dhex jirta iyo khilaafaadka ku saabsan arrimaha amniga iyo siyaasadda gobolka.
Sidaas darteed, waxaa la oran karaa Maraykanka iyo Iiraan, waxay weli ku jiraan marxalad wada-xaajood iyo is-afgaradyo ku meel gaar ah, balse wali la gaarin heshiis rasmi ah oo soo afjaraya khilaafkooda. Mustaqbalka xiriirka labada dal wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay uga gudbaan caqabadaha jira iyo haddii ay diyaar u yihiin tanaasul siyaasadeed oo labada dhinacba aqbali karaan.

Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?Dagaalka u dhexe...
24/03/2026

Maxaan ka jira inay socdaan wada-xaajoodya lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Iiraan?

Dagaalka u dhexeeya Washington iyo xulufadeeda iyo Tehran, ayaa galay marxalad xasaasi ah oo wax kasta laga filan karo, waxaana marba mark aka danbeeya dhinacyada sii xoojinayaan hanjabaadyada iyo bartilmaameedyada ay duqeymaha la beegsanayaan.

Waxaa xiisadda sii xoogeysatay kadib markii Trump, uu habeenkii Sabtida u qabtay Iiraan in 48 saacadood ay ku furto marinka Hormuz, isagoo ku hanjabay in la tirtiro doona dhamaan kaabayaasha tamarta Iiraan haddii ay ka madax adeygto dalabkiisa.
Tehran, ayaa dhankeeda ku jawaabtay inay Falcelin adag ka bixin doonaan haddii la beegsado kaabayaasheeda tamarta, hase ahatee subaxnimadii Isniinta, Trump, waxuu ku dhawaaqay in muddadii ay u qabteen furitaanka Hormuz, lagu kordhiyay 5 maalmood, taasi oo u muuqatay tallaabo xeeladaysan oo lagu dejinayo xiisadda.
Tani waxay muujineysaa rabitaanka Mareykanka ee ah inuu gaaro guulo siyaasadeed, xilli qiimaha shidaalka uu kordhay 40%, taasoo cadaadis gudaha ah saartay maamulka Trump si loo soo afjaro dagaalka.
Inkastoo ay sii socdaan duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada militari iyo gantaallada, ayaa haddana waxaa soo baxaya war sheegaya wada-hadallo wax ka abadalaya xaalada dagaalka in ay u socdaan dhinacyada dagaalka.

Maamulka Trump, oo adeegsanaya waddooyin is barbar socda oo guul doon aha ayaa laga soo warinayaa in dhawrjeer uu dalbaday in dagaalka la joojiyo oo markan la aado dhanka wada hadalada. Warbixinno ay daabaceen The New York Times iyo The Wall Street Journal ay sheegayaan in xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Iiraan iyo Mareykanka aanay si buuxda u go’in, balse ay ka gudbeen is dhaafsi fariimo una gudbeen wicitaanno toos ah.
Warbixinta waxay shegeysaa in Jared Kushner, oo ah soddogga Trump iyo la-taliyihiisa, iyo Steve Wyckoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Bariga dhexe, Labaduba aanay goynin xariirka Iiraan, inta uu socday dagaalka.

Warbixinta waxay shegeysaa in qadka telefoonka ay kuwada hadleen Steve Wyckoff iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi, si loo sahmiyo fursada lagu dejin karo xiisadda.
New York Times, oo soo xigatay mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegtay in wada-hadallada telefoonka ee u dhexeeyay Araghchi iyo Wyckoff, waxaa lagu tilmaamay kuwo hordhac ah oo sahaminaya xal laga gaaro dagaalka.
Sida uu xusay Wargeysku, Abbas Araghchi, waxuu u sheegay Steve Witkoff in Iiraan, hadda aysan dooneyn xabbad-joojin ku-meel-gaar ah, balse ay raadineyso heshiis nabadeed oo waara, kaas oo ay ku jiraan dammaanad qaadyo ka imanaya Mareykanka iyo Isra’iil oo ah inaan mar kale la weerarin. Sidoo kale, dhinaca Iiraan, waxay dalbadeen in si gaar ah loo qaado qaar ka mid ah cunaqabateynta dhaqaale ee uu horay u saaray Mareykanka iyo in raaligalin lagabixiyo dullaankii lagu qaaday, sidokalana waxay Iiraan dalbaneysaa magdhaw aan la cayimin.
Sida muuqata Xaaladda Wada-xajoodka waxuu u muuqdaa mid ay ka maqan tahay kalsoonida labada dhinac. Dhanka Tehran waxay iska diidday in wada-hadallo dhab ah ay jiraan, waxay u aragtaa sheekada mid daarran cabsi galin, halka Washington ay wada-hadalada u aragto fursad lagu joojinkaro dagaalka ayna ku sheegankaraan guul dagaal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay, wada-hadallada socda ma yihiin xabbad-joojin farsamo oo loogu talagalay in neef lagu qaato, mise wakiillada ka socda Islamabad, Cairo, Istanbul, iyo Oman ayaa ku guuleysan doona inay sameeyaan heshiis dhameystiran oo laga gaara dagaalka saameeyay gobolka iyo dhaqaalaha caalamka ah?

Su’aashu weli waa mid furan oo xujeyneysa awoodda diblomaasiyadda ee lagu xakameyn karo dagaalkan dhaafay dhammaan xuduudaha casriga ah iyo sadaasha khatara dagaalka.

Yaa Gacanta ku haya joojinta dagaalka, Trump mise Mojtaba Khamenei?Shaki kuma jiro in Dagaalka mar un uu istaagi doona, ...
23/03/2026

Yaa Gacanta ku haya joojinta dagaalka, Trump mise Mojtaba Khamenei?

Shaki kuma jiro in Dagaalka mar un uu istaagi doona, ma jiro dagaal weligiis sii soconkaro. Laakiin su’aasha ugu adag waxay tahay goorma ayuu istaagayaa ama dhammaanayaa dagaalka?. Su’aasha kale waxay tahay ma heshiis ayuu ku istaagi doonaa mise in hal dhinac laga adkaado?.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalladu badanaa way ka dheeraadaan intii la filayay, sidoo kale muddada uu qaato ma aha caddayn guul-darro, balse waa xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka.
Sida saxda ah dagaalka waxu dhamaan karaa marka la gaaro danahii loo bilaabay ama ay yimadaan caqabado lama filaan ah. Danaha dagaalka waa kuwa is beddeli karo marka loo eego saddexda dhinac ee dagaalka.
Maalinkii uu dagaalka galay toddobaadkiisii saddexaad, madaxweyna Trump iyo mas’uuliyiintiisu waxay bixiyeen calaamado is khilaafsan oo ku saabsan muddada uu Maraykanku sii wadi karo dagaalka.
Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in Trump keliya uu go’aamin karo in dagaalku ku jiro “bilowgiisi, bartankiisi, ama dhammaadkiisa,” taaso micnaheedo yahay in Trump, uu yahay midka leh go’aanka dagaalka.
Wareysi uu dhawaan siiyay bogga Axios, Trump, wuxuu sheegay in dagaalku dhowaan dhammaan doono, isagoo ku daray: “Marka aan rabo inuu dhammaado, wuu dhammaanayaa.” Si kastaba, qiyaaso qaar ayaa sheegaya in hadalladiisa ku saabsan dhammaad degdeg ah ay u egyihiin xeelad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen qiimeyn dhab ah oo militari.
Khibradaha taariikhiga ah ee dagaallada waxay muujinayaan in inta badan dagaallada dhex maro dowladaha ay yihiin kuwo aan la sadaalinkarin. Tusaale, dagaalka Russia- iyo Ukraine, waxuu galay sannadkiisii afraad, waxuuna ka dheeraaday intii la filaayay.
Hoggaamiyeyaasha militariga iyo siyaasiyiinta Israa’iil, ayaa sida muuqato aad uga niyad-jabsan waqtiga dagaalka, iyagoo muujinaya in daciifinta awoodda militari ee Iiraan ay u baahantahay howlgallo joogto ah muddo dheer qaadankarto, taana waxay meesha ka sareysaa filashadii h**e ee aheed in muddo gaaban lagu soo afjaro dagaalka.
Marka laga eego dhinaca Israa’iil, yoolkeeda militari waa in la yareeyo khataraha ka imaan karo Iiraan. Balse Mareykanka waxaa u muuqda inuu meesha ka saaro maamulka Iiraan, Farqiga u dhexeeya Washington iyo Telabib, wuxuu sii kordhinayaa hubanti la’aanta mustaqbalka dagaalka.
Qiyaasaha ugu miisaanka culus waxay sheegayaan in aan la filaneynin in nidaamka Iiraan, uu si dhaqsa ah u burburikarin sababa badan awgood.
Taasi waxaa kuu caddeynkarta waxaa dilay hoggaamiyihii sare ee Iiraan, Ali Khamenei, kadib weerar cirka ah oo ay fuliyeen Maraykanka iyo Israa’iil. Iiraan waxaay si dhaqsaleh u doortay wiilka hoggaamiyihii la dilay, Mojtaba Khamenei, si uu u noqdo hoggaamiye sare dalka, taasi waxay lama filaan ku noqotay xulufadii dagaalka.
Isla waqtigaas, waxaa dunida laga dareemay hoos u dhac dhaqaale, marin biyoodka Hormuz, oo ay maraan ku dhawaad shan meelood meel sahayda shidaalka adduunk ayaa xermay, suuqyada tamarta waxay la kulmeen isbeddello xooggan, qiimaha shidaalkuna wuu kacay inkasta oo soo saarayaasha Shidaalka ay fasaxeen keydkoodii.
Dhanka kale, Iiraan waxay fahamsan tahay inay ku jirto dagaal kii ugu danbeeyay oo la damacsanyahay in lagu burburiyo, mana danaynayso in si degdeg ah loo soo afjaro xiisadda, sida ka muuqato wararka aan is khilaafsaneen ee ka soo baxaya Siyaasiyiintooda.
Sidaas darteed, haddii Tehran ay sii haysato awooddeeda militari—oo ay ku jiraan hanjabaadaha aan sinnayn—si ay u waxyeelayso Maraykanka iyo xulafadiisa, isla markaana ay sii hayso qiimaha tamarta oo sarreeya, waxay noqon kartaa dhinaca ugu dhow ee go’aamin kara dhammaadka dagaalka.
Arrintan, waxay mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Israa’iil hordhigeysaa su’aal aan la iska indho tiri Karin, taasi oo ah ma la gaaray yoolkii dagaalka maxaase laga faa’iday?
Marka la eego Warbixin ay dhawaan daabacday Jariirada The New York Times, oo si qoto dheer u falanqaynaysaa guul-darrada ku timid qorshihii Mareykanka iyo Israa'iil ee ku aaddanaa isbeddelka nidaamka Iiraan, ayaa sheegtay in
Mareykanka iyo Israa’iil, markii h**e ay filayeen in weerarrada Iiraan lagu qaaday ay keeni doonaan kacdoon shacab oo horseeda in xukunka laga tuuro madaxda dowladda Iiraan, balse taasi ma dhicin waxayna sii xoojisay filashadii Saraakiisha sirdoonka ee ku saabsanaa in dagaalka uusan si cad u abuurikarin cadaadis dibadda ah ama kacdoon gudaha ah.
Sidokale, waxaa la laalay fikradahii ahaa in la adeegsado xoogagga Kurdida si ay qeyb uga noqdaan rida nidaamka, ka dib markii la darsay khataraha ka dhalankara iyo nidaamka Iiraan oo soo bandhigay sida ay ugu baraan dageen qorshaka dagaallo ka dhaca gudaha dalka.

Gabagabadii, waxaan orankarnaa Trump wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo in dhiniciisu dagaalka ka baxay, taasi oo saameyn kartaa jihada dagaalka, balsemidas ma dammaanad qaadi karto in dagaalku dhammaaday haddii
Mojtaba Khamenei, oo leh awood la mid tan Trump uusan dhankiisa aqbalin joojinta dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka joojinta dagaalka ma jiro dhinac si dhab ah u balan qaadi karo haddii aanan la helin go’aamo mideysan oo u dhaxeeya dhinacyada dagaalamaya.

Saamaynta iyo waxa laga dhaxli karo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo IiraanDagaal kasta oo ka...
10/03/2026

Saamaynta iyo waxa laga dhaxli karo sii socoshada dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan

Dagaal kasta oo ka dhaca Bariga Dhexe wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshaa gobolka iyo dunida inteeda kale. Haddii uu sii socdo ama sii xoogaysto dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo xulufadiisa iyo Iiraan, waxaa ka dhalan kara dhibaatooyin isugu jira mid milatari, dhaqaale, isaseeg siyaasadeed iyo mid bani’aadamnimo. Gobolka Bariga Dhexe waa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo tamarta, sidaas darteed dagaal kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameyn toos ah ku yeelan karaa dalal badan oo caalamka ah.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee laga dhaxli karo dagaalka sii socda waa colaad ku baahda gobalka. Iiraan waxay leedahay xulafo iyo kooxo taageera oo ku sugan dalal kala duwan oo gobolka ah, halka Mareykanka iyo Israa’iil ay sidoo kale leeyihiin xulafo kale. Haddii dagaalku sii dheeraado, waxaa suuragal ah in dalal kale ama kooxo hubaysan ay ku biiraan, taasoo keeni karta dagaal ka ballaaran kan iminka socda.

Arrinta labaad, waa saameynta dhaqaale, gaar ahaan dhinaca shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah. Bariga Dhexe waa halka laga soo saaro qayb weyn oo ka mid ah shidaalka dunida. Haddii dagaal uu sii socdo, waxaa khatar geli kara marinnada muhiimka ah ee maraakiibta shidaalka, taas oo sababi karta in qiimaha shidaalka kor u kaco. Markaasna waxaa saameyn ku yeelan doontaa dhaqaalaha dunida oo dhan, gaar ahaan dalalka saboolka ah.

Waxaa muhiim ah oo aan meesha ka marneen waa kororka xiisadda siyaasadeed ee caalamka. Marka dalal awood leh ay isku dhacaan, waxaa dhici karta in quwadaha kale ee caalamka ay siyaasad ahaan kala saftaan. Taasi waxay kordhin kartaa xiisadaha caalamiga ah, waxayna mararka qaar keeni kartaa tartan cusub oo dhanka Hub iyo Tignolojiyadda ah.

Ugu dambeyn, sii socoshada dagaalka noocan oo kale ah waxay keeni karaa khatar amni oo caalami ah, sababtoo ah marka colaado waaweyn dhacaan waxaa kordha weerarrada aan tooska ahayn, falalka aargudashada iyo khataraha amni ee ka dhasha qalalaasaha siyaasadeed.

Sii socoshada Dagaalkan u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, wuxuu yeelan karaa saameyn aad u ballaaran oo ka baxsan dalalka hadda ishaya. Waxaana sii xoogeeysan karo colaadda, dhibaato dhaqaale, qalalaase ammni, xaalad bani’aadamnimo iyo xiisad siyaasadeed oo caalami ah. Sidaas darteed, xal nabadeed iyo wada-hadal diblomaasiyadeed ayaa ah waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo khatarahaas aan soo xusnay.

Side loo arkaa magacaabista Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha IiraanMagacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hogga...
09/03/2026

Side loo arkaa magacaabista Mojtaba Khamenei oo noqday hoggaamiyaha Iiraan

Magacaabista Mojtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa noqotay arrin si weyn looga hadlay siyaasadda caalamka. Mojtaba ayaa beddelay aabbihiis Ali Khamenei, oo muddo dheer ahaa hoggaamiyaha ugu awoodda badan dalka. Isbeddelkan hoggaamineed wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran oo ku saabsan gudaha Iiraan, gobolka Bariga Dhexe, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas.

Ugu horreyn, gudaha Iiraan waxaa laga yaabaa inay ka dhalato dood siyaasadeed oo xooggan. Dad badan ayaa is weydiinaya in xilka si qoys ah loogu wareejiyay Mojtab, maadaama uu si toos ah u beddelay aabbihiis. Qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waxay arrintan u arkaan mid u eg nidaam boqortooyo, taas oo keeni karta muran siyaasadeed iyo mudaaharaadyo. Dhanka kale, taageerayaasha nidaamka iyo hay’adaha awoodda leh sida ciidamada kacaanka waxay u arki karaan magacaabistan mid sii xoojinaysa xasiloonida siyaasadeed iyo sii wadidda siyaasaddii Ali Khamenei.

Marka la eego gobolka Bariga Dhexe, hoggaamiyaha cusub wuxuu saameyn ku yeelan karaa siyaasadda dibadda ee dalka. Inta badan Iiraan waxay door muhiim ah ka ciyaartaa arrimaha dalal badan oo gobolka ku yaalla sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yemen. Haddii Mojtaba Khamenei, uu sii wado siyaasaddii aabbihiis, waxaa dhici karta in taageerada ay Iiraan, siiso xulafadeeda gobolka ay sii socoto ama xitaa kororto. Tani waxay xoojin kartaa xiisadaha gobolka.

Dhinaca caalamka, magacaabista hoggaamiyaha cusub waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Iiraan iyo dalalka reer galbeedka. Dalalka sida Mareykanka ayaa muddo dheer khilaaf kala dhexeeyay Iiraan, gaar ahaan arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta caalamka, oo uu ugu h**eeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa walaac ka muujiyay hoggaanka Mojtaba.

Hoggaamiyaha cusub ee Mojtaba Khamenei, waa ninka ugu sareeya Siyaasadda Iiraan, wuxuu si toos ah u maamulaa ciidamada iyo go’aamada waaweyn ee Jamhuuriyadda. Sidaas darteed, isbeddelka hoggaanka wuxuu saameyn ku yeelan karaa istiraatiijiyadda militari ee dalka iyo xiisadaha ka jira gobolka.
Ugu dambayn, magacaabista Mojtaba Khamenei, waxay noqon kartaa mid sii wadda nidaamka siyaasadeed ee Iiraan, iyadoo ay suuragal tahay in ay abuurmaan caqabado cusub oo gudaha iyo dibadda ah, taasi oo ku xirnaan doonta sida hoggaamiyaha cusub uu u maareeyo arrimaha gudaha, xiriirka caalamiga ah, iyo xiisadaha gobolka, balse waxaa biyo k**a dhibcaan ah in halkii aabahiis uu ka joogay xariirka reer galbeeda aanay waxba iska badali doonin.

Address

Makka Almukarama Street
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta Dunida posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share