Abdirashid Wadadyare

Directions

Abdirashid Wadadyare Former Director of Civil Registration – Banadir Region

17/10/2026

Waxaan dhallinyarada iska warsannay sida aqoontooda, kartidooda iyo awooddooda loo mideyn karo, looguna abaabuli karo inay door muuqda ka qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxaan sidoo kale ka doodnay sidii dhallinyaradu uga gudbi lahaayeen ka hadalka caqabadaha jira, una noqon lahaayeen awood abaabulan oo xal u raadisa dhibaatooyinka bulshada, kana shaqaysa danta qaranka iyo horumarka dalka.

Shalay waxaan muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Abaabulka Dhallinyarada iyo Doorkooda ku aaddan Dhismaha Dowladnimada Soomaal...
17/10/2026

Shalay waxaan muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Abaabulka Dhallinyarada iyo Doorkooda ku aaddan Dhismaha Dowladnimada Soomaaliyeed” u jeediyay qaar ka mid ah dhallinyarada firfircoon ee Dihan Youth Organization.

Waxaan si qoto dheer uga hadlay kaalinta ay dhallinyaradu ku leeyihiin mustaqbalka dalka, gaar ahaan sida aqoontooda, kartidooda iyo hal-abuurkooda loogu jiheyn karo dadaallo wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo bulshada, laguna xoojinayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxa si gaar ah ii dhiirrigeliyey doodihii iyo aragtiyihii ay dhallinyaradu soo bandhigeen, kuwaas oo ku saabsanaa sidii ay qayb uga noqon lahaayeen xallinta caqabadaha haysta bulshada iyo horumarinta dalka.

Waxaan aaminsanahay in awoodda dhallinyaradu aysan ku koobnayn tiradooda, balse ay ku jirto aqoontooda, isku-xirnaantooda iyo awoodda ay u leeyihiin inay si wadajir ah wax u qabtaan.

Ugu dambayn, waxaan ku boorrinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed inay kaalin firfircoon ka qaataan dhismaha dowladnimada, horumarinta bulshada iyo mustaqbalka dalka.

Dhallinyaradu waa awoodda iyo rajada Soomaaliya.

28/09/2026

Reer Raage Ceele waxaa inoo balan ah 15 iyo Shibirta cagaaran iyo 30 bisha

Waxaan Degmada Raga Ceelle ka sameynay olole ballaaran oo lagu taageerayo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Reer ...
27/09/2026

Waxaan Degmada Raga Ceelle ka sameynay olole ballaaran oo lagu taageerayo Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Reer Raga Ceelle waxaan uga mahadcelinayaa soo dhaweyntii diirranayd.Dhallinyaradana waxaan ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan JSP.

26/09/2026

وَتِلْكَ الْأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيْنَ النَّاسِ

𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝘾𝙖𝙙𝙖𝙡𝙚Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka mid noqdo wafdigii masuuliyiinta ee xarigga ka jaray Xarunta JSP ee Degmada...
21/09/2026

𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝘾𝙖𝙙𝙖𝙡𝙚

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka mid noqdo wafdigii masuuliyiinta ee xarigga ka jaray Xarunta JSP ee Degmada Cadale. Reer Cadale waxaan uga mahadcelinayaa soo dhaweyntii diirranayd iyo martisoorkii wanaagsanaa; dhallinyaradana waxaan ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan JSP.

19/09/2026

Dhallinyarada Warsheekh waxaan ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka mid noqdo wafdigii masuuliyiinta Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee xarigga ka ja...
19/09/2026

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka mid noqdo wafdigii masuuliyiinta Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee Degmada Warsheekh.

Xaruntani waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa isku-xirka bulshada, abaabulka taageerayaasha iyo ballaarinta ka qaybgalka siyaasadeed ee shacabka Hirshabeelle. Hambalyo reer Warsheekh iyo guud ahaan bahda JSP.

18/09/2026

Reer Muqdisho ha yara dulqaataan; Insha Allah, marka laga soo dhammaado doorashooyinka Hirshabeelle iyo Galmudug, nadaafad-darrada iyo dhiiqada hareysay caasimaddana waa laga bixi doonaa.
أَلَا إِنَّ نَصْرَ اللَّهِ قَرِيبٌ

10/09/2026

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiye waa mid ku dhisan walaaltinimo, kalsooni iyo iskaashi istaraatiiji ah. Turkiye waxay Soomaaliya kala shaqaysay dhinacyada horumarinta, amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha. Xoojinta xiriirkan waxay labada dal u horseedi kartaa fursado cusub iyo mustaqbal wadajir ah.

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirashid Wadadyare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share