Abdirashid Wadadyare

Abdirashid Wadadyare Former Director of Civil Registration – Banadir Region

15/08/2026

Hoggaamiye siyaasadeed ma aha qof dhacdooyinka ka daba orda,waa qof isku dayaya inuu jihada mustaqbalka qaabeeyo.

13/08/2026

Haddii aan rabno dowlad xooggan, waa inaan marka h**e yeelannaa muwaadiniin fahamsan qiimaha dowladnimada.

Dowladnimadu ma aha oo keliya waxa dowladda inoo qabato,waa mas’uuliyad innaga wada dhaxaysa.

Dihan Youth Organization codka dhalinyarada iyo hormarinta jiilka mustaqbalka
13/08/2026

Dihan Youth Organization codka dhalinyarada iyo hormarinta jiilka mustaqbalka

Baro DIHAN Youth Organization: Codka matalaadda, horumarinta bulshada, iyo midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed.

29/07/2026

1:06 habeenimo, Guriceel ayaan idinkaga soo dirayaa fariin: Shacabka qiimaha badanow, codkiinna ku taageera Xisbiga JSP. U codeeya lambarka 15 – Shimbirta Cagaaran. Guul, Inshaa’Allah!

Toddobaadkii labaad ayaan si joogto ah uga wadnaa degmada Guriceel ololaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Maal...
25/07/2026

Toddobaadkii labaad ayaan si joogto ah uga wadnaa degmada Guriceel ololaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Maalin kasta waxaan la kulmeynaa bulshada, waxaan dhageysaneynaa aragtidooda, waxaanna la wadaageynaa himilada iyo barnaamijka xisbiga.

Mahadsanidiin shacabka Guriceel kalsoonidiinna, soo dhoweyntiinna iyo taageeradiinna. Wadajir ayaan u gaari doonnaa guul.

25/07/2026

Fariin aan u diray Shacabka Guriceel oo ku saabsan Doorashada iyo Taageerada Ururka JSP

Maanta waxaan degmada Guriceel ka daah-furnay tababar loo qabtay wakiillada goobaha codbixinta ee Xisbiga Caddaaladda iy...
22/07/2026

Maanta waxaan degmada Guriceel ka daah-furnay tababar loo qabtay wakiillada goobaha codbixinta ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), si kor loogu qaado aqoontooda, looguna diyaariyo inay si hufan u gutaan waajibaadkooda doorashooyinka soo socda ee Galmudug.

22/07/2026

Maalintii labaad ee ololaha doorashada degmada Guriceel ayaa maanta si guul leh u socota. Waxaan sii wadnaa la kulanka bulshada iyo gaarsiinta himilada Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Mahadsanidiin shacabka Guriceel soo dhoweyntiinna iyo kalsoonidiinna.

21/07/2026

Maanta waxaan si rasmi ah uga daah-furnay ololaha doorashada degmada Guriceel, aniga iyo Xildhibaan Cadar Cali Maxamed, Senator Muno Cumar Xasan, Guddoomiyaha Degmada, iyo Wakiilka Xisbiga ee degmada.

Maanta waxaan goobjoog ka ahaa kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, kaas oo uu Hogg...
19/07/2026

Maanta waxaan goobjoog ka ahaa kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, kaas oo uu Hoggaamiye Libaan Axmed Xasan la yeeshay wafdi ka socday Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee xisbiga, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, ayna qeyb ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga doorashada Golaha Wakiillada Xisbiga JSP ee Galmudug iyo dardargelinta hawlaha doorashada, taas oo loo asteeyay inay qabsoonto 25-ka bishan.

Waxaan u rajeynayaa bahda JSP doorasho hufan, nabad ah, isla markaana guul ku soo dhammaata.

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirashid Wadadyare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share