Taliska Tababarka & Doktoriinka XDS

Taliska Tababarka & Doktoriinka  XDS CIIDANKA XOOGA DALKA SOMALIYEED🇸🇴

Taliyaha Cusub ee Dugsiga Tababarka Ciidanka XDS ee Qorilow oo Si Rasmi ah Xilka ula WareegayDhamme Maxamed Toxob Maxame...
14/07/2026

Taliyaha Cusub ee Dugsiga Tababarka Ciidanka XDS ee Qorilow oo Si Rasmi ah Xilka ula Wareegay

Dhamme Maxamed Toxob Maxamed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidanka XDS ee Qorilow, kaddib munaasabad xilwareejin ah oo lagu qabtay xarunta dugsiga.

Munaasabadda xilwareejinta waxaa goob joog ka ahaa G/sare Aadan Gaas iyo Taliye Ku-xigeenka Guutada 19-aad Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Abshir Karaan, kuwaas oo bogaadiyay habsami u socodka xilwareejinta, isla markaana taliyaha cusub u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka culus ee loo igmaday.

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Qorilow ayaa ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee lagu tababaro ciidamada, waxaana la filayaa in maamulka cusub uu sii xoojiyo tayada tababarrada, kor u qaadista xirfadaha ciidamada, iyo horumarinta howlaha dugsiga.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL-XIGEENNO KA QALIN JABIYAY KULIYADDA TURKSOMMuqdis...
10/07/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL-XIGEENNO KA QALIN JABIYAY KULIYADDA TURKSOM

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammeystay sanad waxbarashadooda ciidan ee Dugsiga Tababarka ee TURKSOM.

Madaxweynaha oo daawaday dhoolatus ciidan oo ay wadajir u sameeyeen Saraakiisha, Saraakiil-xigeenada iyo colalkii ay hoggaamin lahaayeen ayaa ku bogaadiyey dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday, isaga oo xusay in ay yihiin hoggaamiyeyaasha berri ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana sugayo inay si daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad ku dheehan tahay ugu adeegaan qarankooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib u dhiska, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo xirfad ay ku xaqiijiyaan amniga dalka, difaaca qarannimada iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiso horumarinta iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed, taasi oo door muuqda ka qaadatay dhismaha ciidan qaran oo leh xirfad iyo karti, kana jawaabi kara waajibaadka qaran ee horyaalla.

DHAMMAAD

Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktoriinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Ciise Axmed ayaa Dalka Ruwa...
12/06/2026

Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktoriinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Ciise Axmed ayaa Dalka Ruwanda tababar ugu soo Xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Saraakiishaan ka Socotay Ciidanka XDS ayaa kasoo qalin jabiyey Kuliyada Abaanduulka Sare iyo Hoggaaminta ee Ciidanka Diifaaca Dalka Ruwanda.

Ogeysiis: Qabashada Arjiyada Codsiga Layli Sarkaaleed ee Kulliyadda TurksomTaliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wu...
12/06/2026

Ogeysiis: Qabashada Arjiyada Codsiga Layli Sarkaaleed ee Kulliyadda Turksom
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ogeysiinayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel inay kamid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, in Kulliyadda Turksom ay qaadaneyso Layli Sarkaal cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qabashada Codsiyada
Ragga ee sannadka 2026 waxay bilaabaneysaa 13-ka Luuliyo 2026, waxeeyna ku egtahay 23-ka Luuliyo 2026.

Qabashada arjiyada Dumarka waxeey bilaabaneysaa 25-ka Luuliyo 2026, waxeeyna ku egtahay 27-ka Luuliyo 2026.

Shuruudaha Codsadayaasha
Waa inuu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waa inuu haysto shahaadada Dugsiga Sare (asalka ah) ama mid si rasmi ah loo ansixiyay oo kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada.

■ Da'du waa inay u dhaxaysaa 18 ilaa 22 sano (ku dhashay inta u dhaxeysa 2004 ilaa 2008).

■Haddii uu dhammeeyay Dugsiga Sare sanadkan:

■Waa inuu keenaa warqad caddeyneysa inuu yahay shahaado suge.

■Waa inuu haystaa kaarka imtixaanka dowliga.

■Waa inuu soo gudbiyaa aqoonsi dhalasho iyo degaan.

■Waa inuusan horay u guursan.

■Waa inuusan h**e uga mid noqon kooxaha argagixisada.

● Waa inuu ka gudbo tijaabooyinka soo socda:

●Tusmada 1aad: Dhererka, miisaanka, iyo jir-dhiska

●Tusmada 2aad: Awoodda isboortiga

■ Tusmada 3aad: Imtixaanka qoraalka iyo su’aalaha tirada leh

->Fiiro Gaar ah
Ardayda jaamacadda dhigata waa inay keensadaan shahaadada Dugsiga Sare (asalka ah).

☆ Ardaygu waa inuu yimaada Kuliyadda TurkSom isagoo wata dhar iyo kabo isboorti maalinta imtixaanka.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo dardargelinaya iskaashiga Ciidan.Wafdi saraakiil ah oo ka socday Jamhuuriyadda Talyaaniga, ...
29/05/2026

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo dardargelinaya iskaashiga Ciidan.

Wafdi saraakiil ah oo ka socday Jamhuuriyadda Talyaaniga, kana koobnaa masuuliyiin sare oo dhanka milatariga ah, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay kulan muhiim ah kula yeesheen masuuliyiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wafdiga dhinaca Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Axmed Ciise, halka wafdiga Talyaaniga uu hoggaaminayay Col. Manuel Verdini.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada tababarrada, horumarinta awoodda ciidanka iyo wada-shaqeynta milatari ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Shirkan oo wajigiisii koowaad h**e loogu qabtay dalka Talyaaniga, ayaa wajigiisa labaad lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Gaarka ah, Jen. Aadan Dheere, iyo saraakiil kale oo ka socday hoggaannada iyo talisyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee dhanka ciidamada, lana dardargeliyo wada-shaqeynta u dhaxeysa labada dal.

26/05/2026
26/05/2026

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu wahelinaayo , Taliyaha Taliska Tababarka (XDS) , Gen Ahmed Ciise Ahmed, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay Dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Tababarka & Doktoriinka XDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Tababarka & Doktoriinka XDS:

Shortcuts

Share