Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe

Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe Hogaamiyaha 3-aad ee Dowladda Koonfur Galbeed

19/07/2026

Waxaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Bulsho, oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha maxalliga ah iyo bulshada, si loo helo bulsho isku xiran, isku dan ah, isla markaana leh adkaysi ay kaga hortagto caqabadaha kala duwan.

Waxaan ugu hambaliyeynayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada xilka maanta loo dhaariyey, waxaan ku boorrinayaa inay mud...
16/07/2026

Waxaan ugu hambaliyeynayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada xilka maanta loo dhaariyey, waxaan ku boorrinayaa inay mudnaanta siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.

Gudoonka iyo Xildhibaanada waxaan uga mahadcelinayaa sida ay uansaxiyeen xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed.

06/07/2026

Waxaan u mahadcelinayaa madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud, Raisul Wasaaraha Dowladda Federalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, madaxda dowlad goboleedyada, safiirada beesha caalamka iyo martida kale ee ka soo qaybgalay munaasabada.

Waxaan balan qaadayaa in Dowladda Koonfur Galbeed sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarka iyo midnimada shacabka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

05/07/2026

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wufuud kala duwan oo ay kala Hogaaminayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Hirshabeele, Waqooyi Bari iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Baydhabo usoo gaaray ka qeybgalka Munaasabada Caleema-Saarka.

30/06/2026

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin astaan u ah midnimada, wadajirka iyo himiladii ay ku taamayeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo mideynta dalka.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin astaan u ah midnimada, wadajirka ...
30/06/2026

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin astaan u ah midnimada, wadajirka iyo himiladii ay ku taamayeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo mideynta dalka.

Munaasabada 1-da Luulyo waxay xasuusin u tahay jiilasha maanta iyo kuwa soo socda muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, adkeynta dowladnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Koonfur Galbeed inay sii xoojiyaan isku duubnida, nabadda iyo wada shaqeynta si loo gaaro Koonfur Galbeed nabad ah, horumarsan, kana gudubta caqabadaha horyaalla.

29/06/2026

Waxaan maanta furay Madasha Arrimaha Bini’aadanimada Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha gargaarka bani’aadannimo, ka hortagga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo sidii loo dar-dargelin lahaa gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha.

Waxaan hambaliyo leeyahay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, oo ah maalin ay astaan u tahay halgankii gobann...
25/06/2026

Waxaan hambaliyo leeyahay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun, oo ah maalin ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed ugu baaqayaa in la adkeeyo wadajirka, nabadda, horumarka iyo ilaalinta midnimada dalka, si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan maanta xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay madax ka socotay Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayey ...
23/06/2026

Waxaan maanta xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay madax ka socotay Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayey Madaxa Siyaasada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Vikram Parekh iyo Madax Siyaasada Xafiiska Qaramada Midoobay U qaabilsan Koonfur Galbeed Mudane Morgan Dube.

Kulankeena waxaan kaga wada hadalnay xaaladda guud ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, xoojinta wada shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo xasilloonida guud ee Deeganda Koonfur Galbeed.

20/06/2026

Waxaan caawa magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka uga qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin ay igu maamuuseen madaxda ugu sareysa Dalka, waxaana uga mahadcelinaayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan taageerada iyo garab iataaga ay ii muujiyeen.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe:

Shortcuts

Share