28/07/2026
28 July 2026
Baydhabo, Soomaaliya
War-Saxaafadeed
Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya
Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa isla markaana isha ku haysaa xaaladaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo bani'aadamnimo ee ka jira Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan wixii ka dambeeyay isbeddelkii maamulka ee dhowaan ka dhacay Dowladda Koonfur Galbeed.
Madashu waxay si joogto ah u qiimeynaysaa saameynta isbeddelladaasi ku leeyihiin nabadgelyada, dowladnimada, adeegyada bulshada, iyo nolosha shacabka, iyadoo ka go'an inay si masuuliyad leh ula wadaagto shacabka iyo daneeyayaasha wixii xog iyo talooyin wax ku ool ah ee ka soo baxa kormeerkeeda iyo falanqaynteeda.