21/02/2026
🚨Deeqda Waxbarasho Ee South Korea🇰🇷
——Global Korea Scholarship(GKS), Waa midkamida deeqaha waxbarasho ee ay bixiso dawlada wadankaasi South Korea, waana midkamida deeqaha waxbarsharo ee ugu caansan, sanadkastana waxa deeqdan ka faaiidaysta tiro arday ah kuwaasoo isaga kal yimaad caalamka intiisa kale, Waxayna u furantahay oo ka faaiidaysan karra ardayda kasoo jeeda qaarada afrika oo ay kamid yihiin: Ethiopia 🇪🇹, Somalia 🇸🇴, Kenya 🇰🇪 iyo Djibouti 🇩🇯.
——Guulaystayaasha deeqdani waxay heli doonaan kafaala-qaad lagaga dabarayo dhamaan qarashaadka, Jiifka, Cunnada, caymiska caafimaadka iyo Waxbarashada, Helida lacagta gunada ee bilaha ah iyo waliba lacagta barashada luuqada koreanka. Deeqdan waxbarasho waxa sanad kaste ka faa’iidaysta qiyaastii ilaa 18,00 arday.
——Heerarka waxbarasho ee ay fursadan ka kooban tahay ayaa kala ah:
•Master degree
•PhD program
•Research program
——Qaabka loocodsanayo:
Waxaad u codsan kartaa labo(2) qaab oo kala ah:
1. Inaad waraaqaha codsiga iyo kuwa waxbarshada inta diyaarisid aad si toos ah u gaysatid safaarada wadankaaga kutaal tusaale: Embassy of South Korea in Ethiopia, Somalia, Djabouti, Kenya. Iyo
2. In aad qaab online ah codsigaga u xaraysatid adiga oo raacaya lifaaqa hoose.
🔗Lifaaqan kacodso: https://www.studyinkorea.go.kr/ko/main.do
🔗Lifaaqan raac si aad u hesho xogta guud:https://scholarshipscorner.website/wp-content/uploads/2025/01/2026-GKS-G-Application-Guidelines-English.pdf
——————————————
Lawadaag saaxiibo badan, Sidokale kusoobiir kanaalka telegramka: https://t.me/Fursadaha_Dhalinyarada