10/08/2026
Waxaa si habsami leh uga socda Machadka Maamulka Maaliyadda iyo Dowlad-wanaagga (IFMG) tababar ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah shaqaalaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Tababarku wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha ee adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah ee adeegyada maaliyadeed iyo xisaabaadka (Financial Technology – FinTech).