Xisbiga Nabadraac

Xisbiga Nabadraac Xisbiga Nabadraac wuxuu u taagan yahay Nabad, Midnimo, iyo Horumar Joogto ah.

Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo cusub, ku dhisan daacadnimo, aqoon, iyo rajo cusub oo Soomaaliyeed.

HAMBALYO MUDANE JIBRIL CABDIRASHIID XAAJIMADAXWEYNAHA KUMEELGAARKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYAXisbiga Nabadraac (XNR) wux...
02/04/2026

HAMBALYO MUDANE JIBRIL CABDIRASHIID XAAJI
MADAXWEYNAHA KUMEELGAARKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA

Xisbiga Nabadraac (XNR) wuxuu hambalyo iyo bogaadin heer sare ah u dirayaa Mudane Hon. Jibril Abdirashid Haji, oo loo magacaabay Madaxweynaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacaabistaada waxay astaan u tahay kalsooni iyo rajada shacabka, iyadoo la filayo in aad horseedi doonto hoggaan hufan, cadaalad ku dhisan, iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Waxaan kuu rajeyneynaa guul, dadaal iyo hufnaan ku dheehan xilka culus ee laguu igmaday, si aad uga miro dhaliso himilooyinka shacabka aad mataleyso, isla markaana aad u xoojiso nabadda, midnimada iyo dowlad wanaagga.

Mar kale, hambalyo iyo guul baan kuu rajeyneynaa.

๐—ก๐—˜๐—•๐—˜๐——๐—” ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ ๐—Ÿ๐—”๐—ก๐—จ๐—จ๐—š๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—› ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดXisbiga Nabad Raac wuxuu si weyn u soo dhoweynayaa xaaladda nabadeed ee maanta lagu guuleystay...
30/03/2026

๐—ก๐—˜๐—•๐—˜๐——๐—” ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ ๐—Ÿ๐—”๐—ก๐—จ๐—จ๐—š๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—› ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Xisbiga Nabad Raac wuxuu si weyn u soo dhoweynayaa xaaladda nabadeed ee maanta lagu guuleystay, taasoo muujisay in nabaddu tahay doorashada ugu wanaagsan marka la muujiyo masuuliyad, dulqaad iyo tanaasul.

Alle mahaddiis, waxaa la xaqiijiyay in dagaal uusan dhicin, isla markaana aysan wax khasaare naf iyo maal ah ka soo gaarin labada dhinac ee walaalaha ah. Tani waa guul weyn oo muujineysa qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Koonfurgalbeed.

Xisbiga Nabad Raac wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynihii h**e Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo muujiyay masuuliyad iyo tanaasul, kana hormariyay badbaadinta shacabka iyo ka hortagga dhiig daata.

Sidoo kale, Xisbiga Nabad Raac wuxuu u mahadcelinayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo si masuuliyad leh u dhowrtay xeerarka dowladda iyo nidaamka qaranka, taasoo door weyn ka qaadatay xasilloonida.

Xisbiga wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Wasiir Ahmed Mohamed Hussein, isagoo rajeynaya hoggaan mideeya bulshada.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la soo dhoweeyo siyaasiyiinta iyo waxgaradkii ka tirsanaa xukuumaddii h**e ee Madaxweyne Laftagareen, si loo xoojiyo wadajirka bulshada.

Xisbiga Nabad Raac wuxuu ugu baaqayaa:
๐Ÿ‘‰ In laga fogaado isku dhac qabiil
๐Ÿ‘‰ In la joojiyo bililiqada hantida
๐Ÿ‘‰ In la ilaaliyo nabadda iyo sharciga

Ugu dambeyn, Xisbiga wuxuu ku boorinayaa dhammaan shacabka inay:
๐Ÿ‘‰ Ilaaliyaan nabadda
๐Ÿ‘‰ Taageeraan dowladnimada
๐Ÿ‘‰ Xoojiyaan midnimada

๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น, ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ๐—ฏ๐˜‚๐—ฟ.

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฅ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ
๐—˜๐—ป๐—ด. ๐—œ๐˜€๐˜€๐—ฒ ๐—›๐—ฎ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—”๐—ฏ๐˜‚๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ

CIID MUBAARAK Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR)...
20/03/2026

CIID MUBAARAK

Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR), Eng-Isse Hassan Abukar wuxuu si kal iyo laab ah farxadda Ciidda ula qeybsanayaa shacabka Soomaaliyeed,
gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.

Ciiddu waa maalin farxad, midnimo iyo is cafin,
waana fursad aan ku xoojino walaaltinimada iyo wadajirka bulshadeenna.

Waxaan rajeynayaa in munaasabaddan barakeysan ay noqoto mid
keenta nabad, horumar iyo barwaaqo waarta.

Aan ka shaqeyno mustaqbal ifaya oo ay ku mideysan yihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed,
annagoo ilaalinayna nabadda iyo wada noolaanshaha wanaagsan.

Allaha naga aqbalo cibaadadii Ramadaanka,
nagana yeelo kuwa is jecel oo is cafiya.

โ€”
Eng. Isse Hassan Abukar
Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac (XNR)

Muddo dheer ayay bulshadeennu ka maqnaayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, doorasho qof iyo cod ahna ma ...
25/12/2025

Muddo dheer ayay bulshadeennu ka maqnaayeen fursad ay si xor ah ugu doortaan hoggaankooda, doorasho qof iyo cod ahna ma aysan dhicin. Taasi waxay dhaawacday kalsoonidii, rajadii iyo ka-qaybgalka muwaadinka ee masiirka dalkiisa.

Maanta, Xisbiga Nabad Raac wuxuu u taagan yahay isbeddel dhab ah, mid ku saleysan caddaalad, sinaan iyo ka-qaybgal buuxa. Waxaan rumeysanahay in codka muwaadinku yahay tiirka dimuqraadiyadda, islamarkaana uu yahay awoodda dhabta ah ee wax lagu toosin karo.

XNR ma aha xisbi kaliya, waa himilo qaran oo u taagan mustaqbal ay muwaadiniintu leeyihiin cod, doorasho iyo talo.

Wadajir ayaan wax ku dhisi karnaa.
Codkaaga waa qiimo. Mustaqbalkuna waa gacantaada.

Guddoomiye
Eng. Isse Hassan Abukar

Xisbiga Nabadraac wuxuu maanta si rasmi ah u bogaadinayaa Eng-Isse Hassan Abukar, oo kamid ah hogaamiyeyaasha firfircoon...
13/11/2025

Xisbiga Nabadraac wuxuu maanta si rasmi ah u bogaadinayaa Eng-Isse Hassan Abukar, oo kamid ah hogaamiyeyaasha firfircoon ee xisbiga, kana mid ah musharrixiinta u taagan Golaha Deegaanka Degmada Waaberi.

Soo guddoominta shahaadada musharaxnimada maanta waxay astaan u tahay geeddi-socodka isbeddelka, hufnaanta iyo hoggaanka cusub ee uu Xisbiga Nabadraac ku taagan yahay.

Eng. Isse waa shaqsi aqoon, karti, iyo daacadnimo lagu yaqaan, waxaana Xisbiga Nabadraac ku kalsoon yahay inuu bulshada Waaberi ku hoggaamin doono wadadii horumarka, cadaaladda iyo nabadda waarta.

Xisbiga Nabadraac wuxuu ugu baaqayaa shacabka degmada Waaberi inay garab istaagaan musharrixiintooda daacad ah ee u taagan adeeg dhab ah iyo isbeddel muuqda.






Magacaabis Guddoomiyaha Xisbiga NabadraacTaariikh: 13 November 2025โธปXisbiga Nabadraac oo ah urur siyaasadeed ku dhisan m...
13/11/2025

Magacaabis Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac

Taariikh: 13 November 2025
โธป

Xisbiga Nabadraac oo ah urur siyaasadeed ku dhisan mabdaโ€™a Nabad iyo Horumar Waara, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Eng-Isse Hassan Abukar inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac.

Magacaabistan ayaa timid kadib kulamo iyo wadatashi qaran oo dhexmaray xubnaha sare ee xisbiga, kuwaas oo si mideysan u doortay Eng. Isse, maadaama uu yahay hoggaamiye dhalinyaro ah, aqoon sare leh, hal-abuur badan, kana goโ€™an inuu dalka u horseedo isbeddel dhab ah oo nabad iyo horumar lagu gaari karo.

Eng. Isse waxaa lagu yaqaannaa daacadnimo, hufnaan, iyo dadaal joogto ah oo uu u galo horumarinta bulshada. Hoggaamintiisa waxaa lagu rajo weyn yahay inay horseedi doonto siyaasadda cusub ee xisbiga โ€” mid ku dhisan nabad, cadaalad, iyo midnimo qaran.

Guddoomiyaha cusub wuxuu ballan qaaday inuu xoojin doono mabaadiโ€™da xisbiga ee ah:
โ€ข Nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah
โ€ข Horumar dhaqaale iyo shaqo abuur dhalinyaro
โ€ข Dowlad daahfuran oo isla xisaabtan leh
โ€ข Midnimo iyo wadajir bulsho

Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay u baahan tahay hoggaan cusub oo daacad ah, hoggaan u adeega dadka, ee aan adeegsan dadka.
โ€” Eng. Isse Hassan, Guddoomiyaha Xisbiga Nabadraac ๐Ÿ•Š๏ธ

โธป

๐ŸŒฟ Xisbiga Nabadraac โ€“ Nabad iyo Horumar Waara.

| |

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Nabadraac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share