Ministry of Endowments and Islamic Affairs - Somalia

Ministry of Endowments and Islamic Affairs - Somalia Ku soo dhawoow Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Islaamka WAA BOGGA RASMIGA AH EE WASAARADDA AWQAAFTA & ARRIMAHA DIINTA SOOMAALIYA

06/09/2026

๐—š๐—จ๐—จ๐——๐— ๐—”๐—ฅ: ๐— ๐—จ๐—ก๐—”๐—”๐—ฆ๐—”๐—•๐—”๐——๐——๐—œ๐—œ ๐—จ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ฆ๐—œ๐—œ๐—ฅ ๐—ฆ๐—›๐—˜๐—˜๐—ž๐—› ๐— ๐—จ๐—ž๐—›๐—ง๐—”๐—”๐—ฅ ๐—ฅ๐—ข๐—ข๐—•๐—ข๐—ช ๐—ž๐—จ ๐——๐—œ๐—™๐—”๐—”๐—–D๐—”๐—ฌ ๐—•๐—จ๐—จ๐—š๐—š๐—” ๐—–๐—œ๐—Ÿ๐— ๐—œ-๐—•๐—”๐—”๐—ฅ๐—œ๐—ฆ๐—ง๐—” ๐—›๐—˜๐—˜๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—”๐—•๐—”๐—”๐—— ๐—˜๐—˜ ๐—๐—”๐—”๐— ๐—”๐—–๐—”๐——๐——๐—”

06/09/2026

Sh.Maxamed Xaasn Caadle ayaa u hambalyeeyey wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sh.Mukhtaar Roobow oo Cilmi baaristiisa heerka labaaad ee Masterka taas oo kadiyaariyey Islaamic University

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡ ๐Œ๐”๐Š๐‡๐“๐€๐€๐‘ ๐‘๐Ž๐Ž๐๐Ž๐– ๐Ž๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐…๐€๐€๐‚๐——๐€๐˜ ๐‚๐ˆ๐‹๐Œ๐ˆ-๐๐€๐€๐‘๐ˆ๐’๐“๐ˆ๐ˆ๐’๐€ ๐‡๐„๐„๐‘๐Š๐€ ๐‹๐€๐๐€๐€๐ƒ ๐—˜๐—˜ ๐—๐—”๐—”๐— ๐—”๐—–๐—”๐——๐——๐—”: ยซุงู„ุญูุณู’ุจูŽุฉู ุนูู†ุฏูŽ ุงุจู’ู†ู ุชูŽูŠู’ู…ู...
05/09/2026

๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡ ๐Œ๐”๐Š๐‡๐“๐€๐€๐‘ ๐‘๐Ž๐Ž๐๐Ž๐– ๐Ž๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐…๐€๐€๐‚๐——๐€๐˜ ๐‚๐ˆ๐‹๐Œ๐ˆ-๐๐€๐€๐‘๐ˆ๐’๐“๐ˆ๐ˆ๐’๐€ ๐‡๐„๐„๐‘๐Š๐€ ๐‹๐€๐๐€๐€๐ƒ ๐—˜๐—˜ ๐—๐—”๐—”๐— ๐—”๐—–๐—”๐——๐——๐—”: ยซุงู„ุญูุณู’ุจูŽุฉู ุนูู†ุฏูŽ ุงุจู’ู†ู ุชูŽูŠู’ู…ููŠูŽู‘ุฉยป

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐’๐€๐๐“๐ˆ, ๐ŸŽ๐Ÿ“ ๐’๐„๐๐“๐„๐Œ๐๐„๐‘ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ๐’๐‡๐„๐„๐Š๐‡ ๐Œ๐”๐Š๐‡๐“๐€๐€๐‘ ๐‘๐Ž๐Ž๐๐Ž๐– ๐‚๐€๐‹๐ˆ, ayaa maanta difaacday cilmi-baaristiisa heerka labaad ee Master-ka, taas oo uu ka diyaariyey ยซุงู„ุญูุณู’ุจูŽุฉู ุนู†ุฏ ุงุจู† ุชูŠู…ูŠุฉยป, kana tirsan qaybta Siyaasadda Shareecada ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Muqdisho.

Difaaca cilmi-baarista Wasiirka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan guddiyada Caddaaladda, Dastuurka iyo Diinta, culimo iyo mashaaโ€™ikh, madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, maamulka Jaamacadda lataliyayaal iyo marti kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiya ayaa munaasabadda ka sheegay in Wasiir Mukhtaar Roobow uu waqti iyo dedaal xooggan geliyey diyaarinta cilmi-baaristan. Waxa uu tilmaamay in dadaalkaas uu horseeday in buugga uu diyaariyey madaxda Jaamacaddu ku tilmaamaan mid ka mid noqon doona daraasadaha dhaxalka aqooneed leh, oo ay mustaqbalka tixraac ahaan uga faaโ€™iidaysan doonaan ardayda samaynaysa cilmi-baarista.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Wasiirka ugu baaqay inuu sii wato socdaalkiisa waxbarasho iyo cilmi-baariseed, isla markaana uu u gudbo heerka ugu sarreeya ee waxbarashada, Doctorate-ka (PhD).

Dhanka kale, mushrafkii Wasiirka ahana Guddoomiyaha daraasaadka sare ee Jaamacadda, Dr. Xasan Mahdi, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Wasiir Roobow, laga soo bilaabo xilligii uu xabsiga ku jiray ilaa uu xilka wasiirnimo qabtay.

Dr. Xasan ayaa xusay in Wasiirku, marxalad kasta oo uu soo maray, uusan ka tanaasulin waxbarashada, cilmi-baarista iyo raadinta aqoonta. Waxa uu tilmaamay in Wasiir Roobow uu kaga duwanaa arday badan oo uu isagu soo martay, maadaama uu si qoto dheer uwada akhriyey kutubtii iyo tixraacyadii uu cilmi-baaristiisa ku saleeyey, isla markaana uu si toos ah uga faaโ€™iidaystay nuxurka aqooneed ee ku jiray.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dr. Cabdinaafac Acmed Cabdulaahi, ayaa si kooban uga hadlay munaasabadda, isagoo sheegay in madaxda Wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaheedu ay Wasiirka ugu hambalyeynayaan guusha uu gaaray. Waxa uu xusay in guushani ay ka dhalatay dadaal, dulqaad iyo naf-hurnimo uu Wasiirku muujiyey.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow guddoonsiiyey bilad sharaf, taas oo muujinaysa sida hoggaanka Wasaaradda iyo shaqaalaheedu ugu faraxsan yihiin guusha Wasiirkoodu gaaray, uguna bogaadinayaan dadaalkii uu ku bixiyey dhammaystirka waxbarashadiisa.

DHAMMAAD.
โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”-

05/09/2026

โ€œAnigoo xabsi ku jira, Jamaacadda Islaamiya igama harin, oo xabsiga ayay daraasaddayda igu siin jireen. Hadda oo aan wasiir ahay, master-ka ayaan ka diyaariyay. Waan u mahadcelinayaa madaxda Jamaacadda.โ€

Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow

05/09/2026

โ€œQabya qofkeeda dhameystira, Wasiirkeenna Sheekh Mukhtaar, Jaamacadda Islaamiyah waxay kuu soo bandhigeysaa in aad maanta ka bilowdo safarkaaga heerka Doctorate-ka (PhD) Jaamacadda Islaamiyah.โ€

Dr. Maxamed Cabdullaahi Cabdi Tooshow
Guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiyah

05/09/2026

โ€œSheekh Mukhtaar wasiir iima ahayn, ee wuxuu ii ahaa arday hoggaansan.โ€

Dr. Xasan Mahdi, oo ahaa (ู…ุดุฑู) macallinkii kormeerayey daraasaddii uu diyaariyey Wasiir Sheekh Mukhtaar.

05/09/2026

Lataliyeyaasha Sare ee Wasaaradda, Yuusuf Xasan Mursal iyo Macallin Kheyrow, ayaa munaasabadda dareenkooda ku muujiyey, iyagoo Wasiir Sheekh Mukhtaar la wadaagay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan guusha weyn ee uu maanta sooxiixay

05/09/2026

โ€œQofka marka uu xabsi galo waxaa soo baxa dadnimadiisa iyo waxa uu dhab ahaan yahay. Wasiir Sheekh Mukhtaar, isagoo maxbuus ah, isma dhiibin, ee wuxuu ka faaโ€™iidaystay waqtigii xabsiga. Hadda oo ay saaran tahay masuuliyad qaran, isma dhigan, ee waa kan maanta aan goob-joogga u nahay isagoo dhammaystiraya heerka labaad.โ€

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafiic Axmed Cabdullaahi

05/09/2026

Guddiga qiimeynta buugga heerka labaad Master-ka ee Jaamacadda, oo uu diyaariyey Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa ku dhawaaqaya natiijada iyo dhibcaha uu wasiirku ku gudbay.

04/09/2026

Macalin Daahir Cadow ayaa khudbaddii Jimcaha ee Masjidka Arbacrukun kaga hadlay dhibaatooyinka iyo cawaaqibka ka dhalan kara ku xadgudubka diinta.

Address

Martini Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Endowments and Islamic Affairs - Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Endowments and Islamic Affairs - Somalia:

Shortcuts

Share