Wasaaradda Gaashaandhigga

Wasaaradda Gaashaandhigga Ministry of Defence of the Federal Republic of Somalia Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Ministry of Defense for the Federal Republic of Somalia.

07/09/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo maanta ka qeybgalay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026, ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada uusan ku koobnayn furimaha dagaalka iyo hawlgallada milatari, balse uu barbar socdo dagaal dhinaca warbaahinta, fikirka iyo maskaxda ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha Madasha Qar...
07/09/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.

Wasiiru Dowlaha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisadu uusan ku koobnayn furimaha dagaalka iyo hawlgallada milatari, balse uu sidoo kale yahay dagaal dhinaca warbaahinta, fikirka iyo maskaxda ah.

Wuxuu xusay in argagixisadu ay dacaayada iyo wararka marin-habaabinta ah ku faafiso goobaha aanay ka jirin xog sugan iyo adeegyo dowladeed.

Wasiiru Dowlaha ayaa ka digay in xogta khaldan ee laga faafiyo hawlgallada ciidamada ay halis gelin karto shacabka, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xog sugan la baahiyo waqtiga ku habboon, iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo badbaadada shacabka.

06/09/2026

Soomaaliya oo muddo dheer wajahaysay colaado hubaysan, ayaa qaadday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta dadka rayidka ah, iyadoo la daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.

Siyaasaddan waxay diiradda saaraysaa ilaalinta nolosha, hantida iyo xuquuqda dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, haweenka, waayeelka, dadka barakacay iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah, xilliyada ay socdaan hawlgallada amniga iyo colaadaha hubaysan.

WAR-SAXAAFADEEDFaahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka ...
06/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray shan horjooge iyo sagaal ka mid ah ilaaladii la socotay. Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa:

1. Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar)
Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan xafiiska garsoorka Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana xilliga la dilayey kooxda ugu magacawnaa qaadiga Gobolka Gedo. Waxa uu h**e xilkaas uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose, isaga oo door ku lahaa fulinta xukunnada sharci-darrada ah iyo nidaamka cabsi-gelinta ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka.

2. Cali Nuur Maxamed Idiris
Wuxuu ahaa horjooge ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan katiibo, kana mid ahaa horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaadka kooxda ee Gobolka Bay. Waxa uu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro lagu qaaday magaalada Baydhabo.

3. Xuseen Xasan Daahir (Lahelow)
Wuxuu kooxda ugu magacawnaa waxa ay ugu yeeraan amiirka sariyada Gobolka Bay, waxa uuna mas’uul ka ahaa hoggaaminta maleeshiyaadka hubaysan iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee deegaannada gobolka.

4. Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi)
Wuxuu ahaa horjoogaha qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Bay, isaga oo mas’uul ka ahaa qaybta kooxda u qaabilsan diyaarinta iyo adeegsiga walxaha qarxa.

5. Cumar Xasan Xuseen
Wuxuu ka tirsanaa qaybta qaraxyada Khawaarijta, isaga oo ka shaqeynayey shabakadaha kooxda ee gobollada dalka.

Howlgalka waxaa sidoo kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyey Jacfar Abuu Xamsa, oo Khawaarijtu ugu magacawday waxa ay ugu yeeraan “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah ee gobolka.

Howlgalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah hoggaanka, awoodda abaabulka iyo shabakadaha qaraxyada Khawaarijta Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

05/09/2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qasim, ayaa sheegtay in daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada rayidka iyo isla-xisaabtanka, iyadoo xustay in Guddigu si dhow ula socon doono hirgelinta siyaasadda, baari doono cabashooyinka, isla markaana soo jeedin doono tallaabooyin sixid iyo ka-hortag ah.

05/09/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Cali Xagaa, ayaa sheegay in hirgelinta mabaadi’da Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan lagu salayn doono tababarka Booliska iyo ciidamada Daraawiishta ee loo dirayo goobaha laga xoreeyo cadawga argagixisada

05/09/2026

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Diinta Islaamku ay xarrimtay ku xadgudubka dadka rayidka ah, deegaanka iyo xayawaanka, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.

05/09/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan, ayaa tilmaamay in siyaasaddani ay dejinayso hannaan qaran oo ku saleysan xeerarka dalka iyo waajibaadka caalamiga ah, iyadoo looga gol leeyahay in si wadajir ah loo yareeyo waxyeellada soo gaarta rayidka xilliyada hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan.

05/09/2026

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan, ayaa tilmaamay muhiimadda ay ilaalinta bedqabka rayidku u leedahay guulaha hawlgallada ciidan iyo xoojinta kalsoonida shacabka. Waxa uu adkeeyay in ilaalinta bedqabka shacabka ay tahay waajib Dastuuri ah.

05/09/2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo khudbad ka jeediyay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan, ayaa bogaadiyay diyaarinta siyaasaddan muhiimka ah, isagoo xusay in ilaalinta nolosha, karaamada iyo hantida dadka rayidka ah ay tahay waajib dowladnimo iyo saldhigga kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Gaashaandhigga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share