25/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan la qaatay ganacsato iyo maalgashadayaal sare oo ka socday dalka Shiinaha, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee ka jira qaybta kalluumeysiga iyo sidii si wax-ku-ool ah looga faa’iideysan lahaa kheyraadka badda Soomaaliya.
Maalgashadayaasha Shiinaha ayaa kulanka ku muujiyay sida ay u daneynayaan suuqa Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin maalgashi dhab ah oo ku saleysan iskaashi iyo faa’iido-wadaag, gaar ahaan horumarinta kalluumeysiga, farsamaynta iyo suuq-geynta wax soo saarka kalluunka Soomaaliyeed.
Maalgashiga noocan ah ayaa door muhiim ah ka qaadan kara kordhinta wax-soo-saarka kalluunka, abuurista fursado shaqo, horumarinta kaabayaasha kalluumeysiga iyo dhisidda silsilad qiime oo wax-soo-saarka kalluunka Soomaaliyeed ku gaarsiisa suuqyada gudaha iyo kuwa caalamka.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa soo dhaweeyay daneynta maalgashadayaasha Shiinaha, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maalgashi kasta uu noqdo mid hufan, waara, faa’iido-wadaag ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka iyo qorshayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo maalgashi oo ku saabsan kalluumeysiga badda, kaabayaasha qaboojinta iyo kaydinta, farsamaynta wax-soo-saarka badda, iyo horumarinta silsiladda qiimaha kalluunka.
Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamal Gutale, waxaana lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda iyo maalgashadayaashu yeeshaan iskaashi dhab ah oo horseeda in Soomaaliya si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda kalluunka, iyadoo la kobcinayo wax-soo-saarka, shaqo-abuurka iyo dhoofinta.
Heshiisyadii iyo dadaalladii u dambeeyay ee lagu fududeynayo in wax-soo-saarka kalluunka Soomaaliyeed uu gaaro suuqa Shiinaha ayaa sidoo kale abuuraya fursado cusub oo lagu soo jiidan karo maalgashi shisheeye, laguna horumarin karo kalluumeysiga Soomaaliya si uu u noqdo qayb muhiim ah oo ka mid ah wax-soo-saarka, ganacsiga iyo dhoofinta dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dhiirrigelinayo maalgashiga masuuliyadda leh, horumarinta kaabayaasha kalluumeysiga iyo abuurista fursado cusub oo bulshada Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha caalamiga ahba faa’iido u leh.
—DHAMMAAD—