S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin

S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin GEN Ibrahim Sheikh Muhudin.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ...
03/07/2026

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Imaam Maxamad Yuusuf oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Imaamka maalmihii la soo dhaafay ayuu aad u xanuusanayaay, wuxuuna ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed, wuxuuna door muuqda ka qaatay hoggaanka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Samir iyo iimaan.

HAMBALYO Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobo...
30/06/2026

HAMBALYO Dadka Soomaaliyeed munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.
HAMBALYO DADKA SOOMAALIYEED.

Hambalyo.Waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 66-sano guuradii kasoo war...
25/06/2026

Hambalyo.
Waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 66-sano guuradii kasoo wareegtay Maalinta Xorriyadda Gobollada Waqooyi 26-ka Juun 1960, kuna beegan maalintii ugu horreysay ee calanka buluugga ah ee Cawaale laga taagay ciidda Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Hambalyo munaasabaddaan qiimaha badan

22/06/2026
Ciid Wanaagsan.Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan...
26/05/2026

Ciid Wanaagsan.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn.

Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay nabad ku ciida, waxaana rabaa inaan si gaar ah u xuso Ciidamada Geesiyaasha ah ee ku sugan furimaha h**e ee dagaalka ee Qaranimada Difaacaya islamarkaana aana nasiibka u yeelan inay farxadda Ciidda la qeyb-sadaan Ehelladooda iyo Caruurtooda.

Waxaan leeyahay nabad ku ciida, guula badan ayaana idiin rajeenayaa iyo Dalkeena oo nabad iyo Barwaaqa ah inshaa allaah.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun"Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u...
14/05/2026

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun"

Waxaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida xanuunka leh ee ku timid Allaha u naxriistee Taliyihii Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanlle Sare Yoonis Aadan Xasan iyo Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka XDS Gaashaanlle Cali Caddow Maxamed iyo sidoo kale geesiyaashii kale ee ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayey Khawaariijta oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo.

Saraakiishan alle ha unaxariistee waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray Qaranka Soomaaliyeed una taagnaa Difaaca diintooda, dadkooda iyo dalkooda.

Guud ahaan ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaan u tacsiyeenayaa geerida xanuunka badan.

Hambalyo 12-ka April, Maalinta Ciidanka XDS iyo Munaasabadda sanad-guurada 66aad.Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhamm...
11/04/2026

Hambalyo 12-ka April, Maalinta Ciidanka XDS iyo Munaasabadda sanad-guurada 66aad.

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka April, oo ah maalinta qiimaha badan ee lagu xuso geesinimada iyo halganka ciidankeena.

Ciidanka XDS waa tiirka amniga, difaaca iyo jiritaanka Qaranka. Dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed waa mid aan la ilaawi karin.

Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idiin rajeenayaa guula badan iyo Horumar waarta inshaa allaah.

Guul Gobannimo iyo Geesinimo.

09/04/2026

Waxaan u mahad-calinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta qiimaha badan ee sida weyn iigu soo dhaweeyay Magaaladda Bristol ee Dalka UK.

Aad ayay ii farxad galisay soo dhaweynta iyo Munaasabadda qiimaha badan ee reer UK iisameeyeen, waxaanabu mahad-celinayaa Masuuliyiinta kala duwan ee qiimaha badan ee sida sharafta iyo karaamada leh iigu soo dhaweeyay Bristol.

Sharaf iyo Karaamo.

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Umm...
04/04/2026

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN.

Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed oo ka baxay Allaha unaxariistee S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad oo ka baday Qaranka Soomaaliyeed.

si gaar ah waxaan ugu tacsiyeenayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo muddo badan usoo adeegayay, Waxuuna ahaa shaqsi dadaal iyo karti badan.

Samir iyo iimaan allaha naga wadasiiyo dhamaanteen.

Address

Warshadaha Road
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin:

Shortcuts

Share