Aqalka Sare

Aqalka Sare Bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare. The Official page of the Somali Upper House. Federal Government Of Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelliyaan Guddo...
29/08/2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ahaa:
1. Ansixinta xubinta buuxinaysa jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.
2. Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay'adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.
3. Akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.

Ugu horrayn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Maryan Cali Abuukar, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare hor keentay xubinta loo soo magacaabay buuxinta jagada ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, iyadoo Golaha ka codsatay inay xubinta cusub siiyaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadka iyo masuuliyadaha shaqo ee loo igmaday.

Intaas kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay xubinta loo magacaabay inay ka mid noqoto Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka.Kadib ansixinta xubinta cusub, Golaha ayaa gudagalay soojeedinta akhrinta koowaad ee labada Hindise-sharciyeed ee kala ah Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay'adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada iyo Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedka Dhisidda Hay'adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada waxaa Golaha hor keenay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cali Xaaji, halka Hindise-sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya uu soo jeediyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, iyadoo labada masuul ay Sanatarrada la wadaageen muhiimadda ay sharciyadani u leeyihiin dalka, baahida loo qabo meel-marintooda, iyo faa'iidooyinka laga filayo marka ay hirgalaan.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa soo xiray kulanka, isaga oo faray guddiyada Golaha ee ay khuseeyaan labada Hindise-sharciyeed inay la wareegaan, kana soo shaqeeyaan, iyagoo maraya habraacyada sharciga ah isla markaana ku sameynaya dib-u-eegis iyo turxaan-bixin dhammaystiran

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

29/08/2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, ayaa Sanatarra Aqalka Sare ka hor-jeediyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya.

29/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Mudane Xuseen Cali Xaaji, ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhisidda Hay'adda adeegga saadaasha hawada

29/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Maryan Cali Abuukar, ayaa Golaha Aqalka Sare horkeentay xubinta loo soo magacaabay buuxinta jagada ka bannaan Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyadoo Golaha ka codsatay in ay xubinta cusub siiyaan codka kalsoonida, si uu u guto waajibaadka iyo masuuliyadaha shaqo ee loo igmaday.

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sannatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...
27/08/2026

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sannatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo gudanaya waajibaadka loo igmaday, ayaa digniin rasmi ah oo ku saabsan ka maqnaanshaha fadhiyada Golaha u jeediyay Sanatarrada ku xusan lifaaqa, iyadoo uu Guddigu xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta ka qaybgalka fadhiyada Golaha, iyo gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo igmaday.

Xafiiska Hab-dhowrka Aqalka Sare ee BJFS ayaa soo saaray liiska xubnaha Aqalka Sare ee ka maqnaa kulankii 1aad ee Kalfad...
26/08/2026

Xafiiska Hab-dhowrka Aqalka Sare ee BJFS ayaa soo saaray liiska xubnaha Aqalka Sare ee ka maqnaa kulankii 1aad ee Kalfadhiga 8aad ee Aqalka Sare, kuwaas oo aan u haysan fasax rasmi ah maqnaanshahooda.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalk...
26/08/2026

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga 8-aad.

Kulanka oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlaha shaqo ee guddiga iyo qorshaynta howlaha mudnaata u leh kalfadhigan iyo sida diyaarinta dood cilmiyeed ku saabsan doorka Hay'adda diiwaan-galinta dadwaynaha iyo doorashooyinka, iyadoo la xoojinayo fahamka, iskaashiga iyo isku-xirka hay’adaha ay khuseyso.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

26/08/2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Senatorrada ku boorriyay inay soo xaadiraan fadhiyada Golaha, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee saaran, isla markaana ay si buuxda uga qayb qaataan howlaha Golaha iyo gudashada masuuliyadda loo igmaday.

26/08/2026

Hab-dhowre Ku-xigeenka Golaha Aqalka Sare Senator Iftin Xasan Baasto, ayaa Golaha ka hor akhriyey magacyada Senatarradii aan soo xaadirin Kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 8-aad, iyaga oo aan haysan wax fasax ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoo...
19/08/2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare.

Kulanka maanta, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta ajandayaasha mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga, iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka hay’adaha dowladda.

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa carrabka ku adkeeyay soo-jeedinno iyo aragtiyo la xiriira habraacyada korjoogteynta, isla-xisaabtanka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiyada ee gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo aragtiyaha iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen xubnaha Guddigu, lana dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta waqtiga shaqada iyo soo-xaadirista xubnaha ee Golaha, si loo xaqiijiyo in waajibaadka loo igmaday si hufan oo masuuliyad leh loo guto.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

Address

KM0
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aqalka Sare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Aqalka Sare:

Shortcuts

Share