Aqalka Sare

Call Directions Website Contact the organization

Aqalka Sare Bogga rasmiga ah ee Golaha Aqalka Sare. The Official page of the Somali Upper House. Federal Government Of Somalia

Shirka 7-aad ee Ururka Xoghayayaasha Baarlamaannada Afrika oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Baarlamaanka Pan-...
30/09/2026

Shirka 7-aad ee Ururka Xoghayayaasha Baarlamaannada Afrika oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika ee magaalada Midrand, ayaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.

Shirka muddada labada maalmood ah ee uu socday waxaa diiradda lagu saaray casriyeynta maamulka iyo shaqada Baarlamaannada Afrika, adeegsiga Garaadka Macmalka ah (AI), iyo hoggaaminta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ka-qaybgalayaashu ay so qoto dheer isula falanqeeyeen sida AI loogaga faa’iideysan karo fududeynta helitaanka xogta, diyaarinta iyo cilmi-baarista sharciyada, iyo dardargelinta howlaha Baarlamaannada, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray ilaalinta xogta, amniga, anshaxa iyo xirfadaha shaqaalaha.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa xusay muhiimadda tiknoolajiyada casriga ah iyo sida AI u fududeyn karto howlaha Baarlamaanka iyo habaynta xogta. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ilaalinta xogaha iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara adeegsiga tiknoolajiyada.

Ugu dambeyn, Xoghayuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay xoojinta wada-shaqeynta Baarlamaannada Afrika iyo doorka ASGAP ee isku-xirka, is-dhaafsiga khibradaha, tababarrada iyo horumarinta xirfadaha hay’adaha Baarlamaannada Afrika.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

30/09/2026

Xoghayaha Guud Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa ka hadlay muhiimadda shirka Xoghayayaasha Baarlamaannada Afrika, kaas oo muddo labo maalmood ah ka socday Xarunta Baarlamaanka Afrika.

Mudane Cabdinaasir ayaa ka hadlay muhiimadda uu shirkani u leeyahay xoojinta wada-shaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta, iyo horumarinta howlaha maamulka iyo adeegyada Baarlamaannada Afrika

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo ka qayb galay Shirka 7-aad ee Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika.Xoghayaha Guu...
29/09/2026

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare oo ka qayb galay Shirka 7-aad ee Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa ka qayb galay Shirka 7-aad ee Sannadlaha ah ee Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Midrand ee Koonfur Afrika, xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika.

Shirka oo diiradda lagu saarayo casriyeynta hay’adaha Baarlamaannada, ayaa sanadkan halkudhiggiisu yahay “Xoojinta Tallaabada Baarlamaannada ee Hirgelinta Wax-ku-oolka ah ee Heshiisyada Midowga Afrika iyo Mudnaanta Ajendaha 2063.” Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeeynayaa sidii Xoghayeyaasha Baarlamaannadu u casriyeyn lahaayeen habraacyadooda shaqo, ugana jawaabi lahaayeen baahiyaha isbeddelaya ee hay’adaha iyo hoggaamintooda.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Baarlamaanka Pan-Afrika, Mudane Dr. Fateh Boutbig, isagoo khudbaddiisa furitaanka ku sheegay in maamullada baarlamaannadu ay laf-dhabar u yihiin joogteynta iyo wax-ku-oolnimada hay’adaha dimoqraadiyadeed. Waxa uu xusay in iskaashiga baarlamaannadu uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirrada hay’adeed ee isku xira Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada.

Ka-qaybgalka Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha u dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sharci-dejinta ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo casriyeynta maamulka baarlamaanka.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

Midrand, Koonfur Afrika – 29 Sebteembar 2026: Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soo...
29/09/2026

Midrand, Koonfur Afrika – 29 Sebteembar 2026: Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta ka qaybgalay Kulanka 7-aad ee Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika (ASGAP), kaas oo ka furmay xarunta Baarlamaanka Pan-Afrika ee magaalada Midrand, dalka Koonfur Afrika.

Kulankan oo gogol-xaar u ah Shirka Guud ee Sannadlaha ah ee ASGAP, ayaa waxaa ka horreeyay kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika, oo uu xubin ka yahay Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

Kulanka Guddiga Fulinta ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista wax-ka-beddellada la soo jeediyay ee Xeer-hoosaadka Ururka Xoghayeyaasha Guud ee Baarlamaannada Afrika iyo sidoo kale diyaarinta ajandaha iyo qorshaha hawlaha Shirka Guud ee Sannadlaha ah.

Madashan oo ay ka soo qaybgalayaan Xoghayeyaasha Guud iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda maamullada Baarlamaannada dalalka Afrika, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga, is-weydaarsiga khibradaha iyo kobcinta wada-shaqaynta hay’adaha sharci-dejinta ee qaaradda Afrika.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalk...
22/09/2026

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka diyaar-garowga sidii loo maareyn lahaa saameynta iyo khataraha ka dhalan kara roobabka mahiigaanka ah ee la filayo inay dalka ka curtaan dhawaan

Xubnaha Guddigu waxay masuuliyiinta Hay’adda SoDMA ka dhageysteen warbixin ku saabsan u diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El Niño, gaar ahaan roobabka culus iyo fatahaadaha laga cabsi qabo

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka diyaar-garowga, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, qorshayaasha gurmadka, taageeridda bulshooyinka nugul iyo wada-shaqeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada isku-duwidda gargaarka iyo caafimaadka.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay diyaarinta qorsho fog oo looga hortagi karo fatahaadahan soo noqnoday iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo ee u baahan gurmadka. Waxayna ku baaqday in si isku tashi ah looga qeyb qaato, iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo digniinaha ay soo saarto Hay’adda SoDMA ee ku aadan khataraha ka dhalan kara Supper El Niño.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay munaa...
21/09/2026

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 77-aad ee Aasaaska Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku dhisan iskaashi, walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag. Wuxuu xusay taariikhda dheer ee xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, isaga oo tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu leeyahay saldhig taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray, isla markaana uu sii xoogeysanayo.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka taariikhiga ah ee labada dal uu sii xoogeysanayo, isla markaana wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo danaha wadajirka ah, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo ay labada shacab ka wada faa’iideystaan.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐊𝐇𝐋𝐈𝐆𝐀.Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...
21/09/2026

𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐀𝐊𝐇𝐋𝐈𝐆𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 8-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga iyo ansixinta laba xubnood oo ka bannaanaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka.

Ugu horreyn, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, kaddib markii Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, uu Senatorrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee xeerka, kana codsaday inay meel mariyaan Hindise Sharciyeedka. Waxaa cod loo qaaday xeerka oggolaaday 27 Sanatar mana jirin cid ka aamustay ama diidday.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa Senatorrada Aqalka Sare uga mahadcelisay ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyadoo xustay in hay’addu kaalin muhiim ah ka qaadan doonto maamulka, ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha dalka.

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa isna Sanatarrada Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan laba xubnood oo buuxinaya boosaska ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan labada xubnood si ay uga mid noqdaan Guddiga.

Intaas kaddib, mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa u codeeyay labada xubnood ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Waxaa oggolaaday 27 Sanatar mana jirin cid diidday ama ka aamustay.

DHAMMAAD

Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Facebook:
X:
TikTok:
Website: www.senate.gov.so

21/09/2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar oo Sanatarrada Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan laba xubnood oo buuxinaya boosas ka bannaan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka. Wuxuuna ka codsaday inay ansixiyaan labada xubnood, si ay uga mid noqdaan Guddiga.

21/09/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS, Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahadcelisay ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyadoo sharraaxaad ka bixisay muhiimadda ay Hay’addu u leedahay horumarinta iyo tayeynta nidaamka dakhliga dalka.

21/09/2026

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo Sanatarrada Aqalka Sare ka hor jeediyay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-sharciyeedka dhismaha Hay'adda dhakhliga.

Address

KM0
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aqalka Sare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Aqalka Sare:

Shortcuts

Share