SNA RADIO

Call Directions Website Contact the organization

SNA RADIO This is the Official Page of Somali National Army Radio (SNARADIO) Based in Mogadishu Somalia. (Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida)

Waxaan ka hadalnaa kaliya warbixinada ku saabsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

10/10/2026

Buuraha Galgala & Golis inay ka dagaalameen, ayaa Lagu Eedeeyey - Abdirahman Gacan

10/10/2026

ARAGTIDA SHACABKA: DOORKA CIIDANKA XOOGGA DALKA EE SUGIDDA AMNIGA CAASIMADDA MUQDISHO

09/10/2026

Madaxda Wasaaradda Cadaaladda iyo Taliyaha Asluubta oo maxaabiista la tukadey Salaada Jimcaha

09/10/2026

Howlgal lagu dilay horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, halka mid kalena nolosha lagu qabtay, ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose. Wariye Shirwac Cumar

08/10/2026

Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka XDS, Jen. Maxamed Maxamuud Garabeey, oo uu weheliyo Taliyaha Taliska Tababarada CXDS, ayaa si rasmi ah u furay Dufcaddii 6-aad ee Barista iyo Dufcaddii 2-aad ee Burburinta.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga Dalka, Dhamme. Dr. Mustafa Hussein Abdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaanig...
08/10/2026

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga Dalka, Dhamme. Dr. Mustafa Hussein Abdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta booqday Isbitaalka Guud ee Ciidanka Talyaaniga ee POLICLINICO MILITARE DI ROMA “CELIO”.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Agaasimaha ayaa kulan la qaatay dhiggiisa, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Ciidanka Talyaaniga, Brig. General. ALGIER.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada isbitaal, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, tababarka iyo isdhaafsiga khibradaha, si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee ciidamada.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya Isbitalada Ciidamada iyo Isbitalka Xoogga.

08/10/2026

:- Garmaqalka Askari Lagu Eedeeyey Dilka Saaxiibkiis Ciidanka Kala tirsanaa.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYBGALAY SHIRKA 1-AAD EE TALIYEYAASHA DIFAACA AFRIKA EE HAWLGALLADA AAN DAGAALKA A...
08/10/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYBGALAY SHIRKA 1-AAD EE TALIYEYAASHA DIFAACA AFRIKA EE HAWLGALLADA AAN DAGAALKA AHAYN

Kampala, Uganda — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala, kaddib saddex maalmood oo uu socday.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (Military Operations Other Than War – MOOTW), waxaana ka qaybgalay Taliyeyaasha Ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika, ururrada goboleed iyo hay’adaha ku hawlan hawlgallada nabad-ilaalinta.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay doorka ciidamada ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageerada bulshada, ilaalinta nabadda, ka jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay ciidamada u leeyihiin adeegga iyo badbaadinta bulshada xilliyada kala duwan.

Shirku wuxuu sidoo kale fursad u ahaa Taliyeyaasha Difaaca Afrika inay is dhaafsadaan khibradaha iyo aragtiyada ku aaddan xoojinta iskaashiga, isku-duwidda iyo wada shaqaynta ciidamada qaaradda, gaar ahaan marka laga hadlayo hawlgallada ka baxsan dagaallada caadiga ah.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo shirka soo xiray, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay munaasabadda gabagabada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Afrika, si loo horumariyo awoodda qaaradda ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, musiibooyinka iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.

Ka qaybgalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee shirka ayaa muujinaya doorka iyo ka qaybqaadashada Soomaaliya ee dadaallada qaaradda Afrika loogu jiro xoojinta iskaashiga difaaca, nabadda iyo amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaa shanaya  Maamulka Degmada Xarardheere iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgallo ka...
08/10/2026

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaa shanaya Maamulka Degmada Xarardheere iyo Ciidamada deeganka ayaa howlgallo ka sameyay deegaana hostaga Degmada Xarardheere.

Howlgaladan oo ah kuwa si wada jira u dhacay ayaa laga Sameyey Deegaanada Jimcale iyo Hareeri-jimcaad ee Gobalka mudug, Halkaas oo falal amniga lid ku ah ay ka wadeen maleeshiyaad dhuumaleysi ah oo kana tirsan khawariijta.

Ciidanka ayaa ku guleystay ka hortaga dhibtii khawariijtu ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, iyada oo howlgaladan ay yihiin kuwa eeyaha Naarta looga sifeynayo deegaanada ku teetsan Degmada Xarardheere.

07/10/2026

Waxaa lagu Eedeeyey Dilka Labo Qof oo Askari uu ku jiro & Dhac - Abdirahman Gacan

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNA RADIO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SNA RADIO:

Shortcuts

Share