SNA RADIO

SNA RADIO This is the Official Page of Somali National Army Radio (SNARADIO) Based in Mogadishu Somalia. (Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida)
(2)

Waxaan ka hadalnaa kaliya warbixinada ku saabsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

06/09/2026

MUUQAAL: TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED, S/GUUTO IBRAHIM MAXAMAD MAXAMUUD, OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

06/09/2026

Ma seegtay Xalqadeeni 7aad ee Shalay? Waxaad kala socon kartaa 5 taan daqiiqo oo kooban barteena YouTubeka.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA  OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGORTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G...
06/09/2026

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, halkaas oo uu kula hadlay saraakiisha iyo ciidanka Guutada 21-aad.

Taliyuhu wuxuu ciidanka kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran, ilaashadaan anshaxa iyo isku-duubnida ciidanka, isla markaana ay joogteeyaan heeganka iyo diyaargarowga ciidan, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor, G/le Sare Saahid Jaamac Faarax Jarrare, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyuhu wuxuu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaanka, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, xoojinta howlaha loo igmaday, iyo sidii loo horumarin lahaa diyaargarowga iyo hufnaanta ciidanka.

Booqashada waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Xusen (Garebey), iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta hoggaanka, isku-xirka howlaha iyo taakulaynta ciidanka, si loo xaqiijiyo gudashada waajibaadka qaran iyo xoojinta awoodda hawlgal ee ciidanka.

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gob...
06/09/2026

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo kuwo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka.

Ciidamada ayaa hawlgallo ka wada deegaanno kala duwan oo hoostaga Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeedadu tahay in lagu ciribtiro Khawaarijta iyo in shacabka loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar 'Gen Khaalid' oo uu wehliyo Tal...
06/09/2026

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar 'Gen Khaalid' oo uu wehliyo Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Axmed Ciise Axmed, Madaxa Hoggaanka War-isgaarsiinta iyo Technology-ga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Faarax Cali Cartan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Guutada 36-aad, Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ku soo dhaweeyay Taliyaha iyo saraakiisha Socdaalka ku wehlinayay

Intii ay socotay soo dhaweynta Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Soo dhaweynta kaddib Taliyaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha amniga degmada isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga iyo howlgalada ay ciidamada ka wadaan Degmada iyo Deegaanada k

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda amni ee gobolka, kormeerka howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim u ah howlaha ciidanka

WAR-SAXAAFADEEDFaahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka ...
06/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay, kaas oo lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray shan horjooge iyo sagaal ka mid ah ilaaladii la socotay. Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa kala ahaa:

1. Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar)
Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan xafiiska garsoorka Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana xilliga la dilayey kooxda ugu magacawnaa qaadiga Gobolka Gedo. Waxa uu h**e xilkaas uga soo qabtay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose, isaga oo door ku lahaa fulinta xukunnada sharci-darrada ah iyo nidaamka cabsi-gelinta ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka.

2. Cali Nuur Maxamed Idiris
Wuxuu ahaa horjooge ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan katiibo, kana mid ahaa horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaadka kooxda ee Gobolka Bay. Waxa uu qayb ka ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro lagu qaaday magaalada Baydhabo.

3. Xuseen Xasan Daahir (Lahelow)
Wuxuu kooxda ugu magacawnaa waxa ay ugu yeeraan amiirka sariyada Gobolka Bay, waxa uuna mas’uul ka ahaa hoggaaminta maleeshiyaadka hubaysan iyo isku-dubbaridka dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ee deegaannada gobolka.

4. Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi)
Wuxuu ahaa horjoogaha qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Bay, isaga oo mas’uul ka ahaa qaybta kooxda u qaabilsan diyaarinta iyo adeegsiga walxaha qarxa.

5. Cumar Xasan Xuseen
Wuxuu ka tirsanaa qaybta qaraxyada Khawaarijta, isaga oo ka shaqeynayey shabakadaha kooxda ee gobollada dalka.

Howlgalka waxaa sidoo kale dhaawacyo culus lagu gaarsiiyey Jacfar Abuu Xamsa, oo Khawaarijtu ugu magacawday waxa ay ugu yeeraan “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah ee gobolka.

Howlgalkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah hoggaanka, awoodda abaabulka iyo shabakadaha qaraxyada Khawaarijta Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, si loo wiiqo awooddooda, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

05/09/2026

Garmaqalka Askari Ku Eedeysan Dil Ka Dhacay Luuq - Abdifatah Akhyaar

05/09/2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan madaxda Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee qarammada Midoobay ee UNTMIS ayaa Tababar u soo xirey Qayb ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maalmahaan Tababar ku Saabsan Maamulka Xabsiya iyo ilaalinta Xuquuqda aadanaha ku baranaayey

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYEED  OO  TABABAR LOO SOO XIRAY MAANTATaliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliy...
05/09/2026

SARAAKIIL KA TIRSAN CIIDANKA ASLUUBTA SOOMAALIYEED OO TABABAR LOO SOO XIRAY MAANTA

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ay wehliyaan madaxda Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee qarammada Midoobay ee UNTMIS ayaa Tababar u soo xirey Qayb ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maalmahaan Tababar ku Saabsan Maamulka Xabsiya iyo ilaalinta Xuquuqda aadanaha ku baranaayey gudaha xerada Xalane

Tababarkaan ayaa muhiimaddiiisu ahayd In la xoojiyo xirfadda iyo aqoonta Saraakiisha ka shaqeysa maamulka xabsiyada dalka waxaana ka qeyb galay 20 sarkaal , kuwaas oo laga xulay Saraakiisha Ciidanka, rag iyo dumar.

Munaasabadda xiritaanka Tababarkaas oo ka dhacdey Gudaha Airport ka ee Xalane waxaa Ka qeyb Galay Taliyaha Ciidanka asluubta oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Taliyaasha Hoggaannada Ciidanka, iyo Wakiil ka socdey Wasaaradda Cadaaladda ,

Taliska Ciidanka asluubta soomaaliyeed ayaa wakhtiyadaan dambe xooga saarey Waxbarasha iyo kordhinta Aqoonta Ciidanka Iyo saraakiisha ka tirsan Taliska Ciidanka asluubta soomaaliyeed taas oo natiijadeeda noqonaysa in laga dhaxlo saraakiish iyo ciidan xirfadoodu sareyso

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Siyaasadda Q...
05/09/2026

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.

Munaasabadda daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, diblomaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday hay’adaha iyo dhinacyada ay khuseyso siyaasaddani.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale xaqiijinayso in ilaalinta bedqabka rayidku ay tahay waajib qaran iyo mid dastuuri ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay lama huraan u tahay dhismaha ciidan qaran oo leh anshax, xirfad iyo mas’uuliyad, kuna dhisan dhowrista nolosha, karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in daahfurka siyaasaddan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada iyo ku-dhaqanka sharciga, laguna xaqiijinayo amni waara oo ay shacabka Soomaaliyeed ku naaloodaan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo dhowrista xuquuqdooda inta ay socdaan hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SNA RADIO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SNA RADIO:

Shortcuts

Share