Ministry of Finance - Somalia

Ministry of Finance - Somalia This is the Page of the Ministry of Finance FGS
Kani waa bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda XFS

(Wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Soomaaliya)
The Ministry of Finance is the central authority of Government of Somalia charged with the responsibilities for maintaining both micro and macro-economic stability in the country. Moreover, the key role of the Ministry lies with the more rationale allocation of resources; better management of public expenditure; enhanced mobilization of both internal a

nd external resources; greater performance in public investments and strengthening of public enterprises productive capacity; open and simple foreign exchange policies and regulation, and prudent fiscal and monetary policies. Mandate
The Ministry of Finance, in pursuit of its mission, has a wide mandate with responsibility for:
· Economic planning
· Budgeting
· Debt management
· Economic policy formation
· Resource mobilization
· Cash management
· Tax administration
As an integral part of its mandate, the major responsibility of the Ministry is as follows:
· Mobilize resources for economic revival and subsequently for economic development;
· Improve accountability for the use of inadequate resources;
· Gain credibility by implementing PFM system
· Ensure strict adherence to budgetary processes;
· Facilitate and support citizen economic empowerment schemes and initiatives;
· Facilitate the contributing role of the private sector and non-governmental organization to the strategy of creating greater prosperity and embracing this in the development process; Facilitate involvement of the Somali Government in regional and global economic issues.

30/05/2026

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka warbixiyay shirarkii muhiimka ahaa ee uu uga qeyb galay Magaalada Brazzaville Congo.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚  𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐤𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨.Br...
29/05/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐠𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐤𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨.

Brazzaville, Congo – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay madal heer sare ah oo ay isugu yimaadeen khubaro iyo daneeyeyaal caalami ah, taas oo lagu daahfurayey Hagaha Maalgashiga Adkeysiga Bulshada iyo Gurmadka Bani’aadannimo (HRI), intii lagu guda jiray Shirarka Sannadlaha ah ee ka socda magaalada Brazzaville ee dalka Congo.

Madasha ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Bangiga Horumarinta Aftika iyo Madasha Dhaqaalaha Adduunka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya taageerada dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga bulshada iyo horumarka dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka jawaabayay su’aalo muhiim ahaa oo daadihiyaha Dooda iyo ka soo qeyb galayaashuba ay weydiiyaan ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta qorshayaal ku saleysan maalgashi waara, kobcinta fursadaha shaqo-abuurka, iyo dhiirrigelinta koboc dhaqaale oo horseeda bulsho adkeysi leh. Sidoo kale Wasiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka ugu horeeya ee ka faa’iidaya hannaankan cusub.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐃𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.Congo, Brazzaville:- Was...
28/05/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐃𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐋𝐚 𝐐𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

Congo, Brazzaville:- Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaam Cige ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Dr. Sidi Ould Tah intii lagu guda jiray Shirarka Sanadlaha ah ee ka socda Brazzaville.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha, xoojinta koboca dhaqaale, iyo fursadaha cusub ee maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday doorka muhiimka ah ee Bangiga Horumarinta Afrika uu ku leeyahay taageeridda mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobcinta maalgashiga, iyo abuurista fursado shaqo iyo horumar oo loo horseedo shacabka Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚:Brazzaville, Congo :- Wasiirk...
27/05/2026

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐝𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚:

Brazzaville, Congo :- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay fadhiga loo dhan yahay ee Wasiirrada Maaliyadda Qaaradda Afrika, kulan ayaa qeyb ka ahaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika(AfDB) oo sanadkan lagu qabanayo Magaalada Brazzaville ee Dalka Congo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha muhiimka u ah Bangiga, waxqabadkiisa maaliyadeed, qorshayaasha maalgashi ee mustaqbalka iyo dib-u-buuxinta Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF-17), iyadoo dowlad kasta ay soo bandhigaysay qorshaheeda maalgelineed ee mudnaanta u leh.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad kooban oo uu ku muujiyay horumarka maaliyadeed ee ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-habeynta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada maalgelinta horumarineed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo mashaariicda mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.

27/05/2026

Ciid Wanaagsan: Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa waxa uu ka qeyb galayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) oo sanadkan lagu qabanayo Congo Brazzaville.

Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad:
26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dal iyo dibad:

13/05/2026
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula...
04/05/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula qaatay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo kala ahaa Shoko Noda oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sidoo kalena ah Agaasimaha Qaybta Xasaradaha iyo Lionel Laurens oo ah wakiilka Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Intii lagu guda jiray kulanka labada dhinac ayaa looga wadahadlay xaaladda Isbaddalka Dhaqaalaha, gaar ahaan saameynta ay leeyihiin arrimaha xiliyada Abaaraha, fatahaadaha iyo isbeddellada cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka. Waxaa kale oo la falanqeeyay sida ugu haboon ee loo xoojin karo adkeysiga dhaqaalaha iyo horumarinta mashaariic waara oo dalka ka hirgala.

Wadahadallada ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo barnaamijyada horumarineed, lana taageero dadaallada dib-u-soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka oo Dowaddu galisay dadaal xoogan.

Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal Soomaaliya, waxa ay dhammaan Shaqaale-Weynaha Soomaaliyeed la wadaagaysaa Hambal...
01/05/2026

Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federal Soomaaliya, waxa ay dhammaan Shaqaale-Weynaha Soomaaliyeed la wadaagaysaa Hambalyada Munaasabadda 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟏-𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐲 oo ah maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Maalintaan caalamiga ah (International Labour Day) waa maalin farxadeed oo shaqaalaha caalamka iyo Soomaaliya oo idil ay u dabaaldagaan sidoo kalena lagu muujiyo qiimaha iyo doorka muhiimka ah ay ku leeyihiin
horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida, Wasiirka Maaliyadda Mudane Bii...
17/02/2026

𝐑𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐛𝐚𝐫𝐚𝐤

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida, Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Address

Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Finance - Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Finance - Somalia:

Share