Ministry of Information of Somalia

Ministry of Information of Somalia This is the official page of the Ministry of Information, Culture and Tourism of Somalia

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026Ra’iis...
07/09/2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo si rasmi ah u furay Shirweynaha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo qaabeynta mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xilligan casriga ah.

Munaasabadda furitaanka shirweynaha waxaa ka qeybgalaya Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdulfataax Qaasim Maxamuud; Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi; wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada, madaxda hay’adaha warbaahinta, diblomaasiyiin, khubaro iyo marti-sharaf kale.

Shirweynahan ayaa isu keenaya dowladda, bahda warbaahinta, khubaro iyo daneeyayaal kala duwan, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed, loona waafajin lahaa isbeddellada tiknoolajiyadda, iyadoo laga hortagayo wararka been abuurka ah.

Shirweynuhu wuxuu sidoo kale fursad u siinayaa ka qeybgalayaasha inay ka wada hadlaan caqabadaha horyaalla warbaahinta Soomaaliyeed, fursadaha jira iyo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad horseedda warbaahin casri ah, xirfad leh oo ka jawaabta baahiyaha bulshada.








07/09/2026

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji "Dowladda waxaa ka go'an casriyeynta Warbaahinta Dalka, waana muhiim in aan fahano sida dunidu isku badaleyso."

07/09/2026

🔴Toos: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026.

07/09/2026

The Minister of Information of the Federal Government, Mr. Abdulfatah Qasim, said, The government has taken steps to develop the State Media, train journalists, and work on important regulations for the Media sector.

07/09/2026

قال معالي وزير الإعلام والثقافة والسياحة السيد عبد الفتاح قاسم محمود "لقد اتخذت الحكومة خطوات لتطوير وسائل الإعلام الحكومية، وتدريب الصحفيين، والعمل على وضع لوائح مهمة لوسائل الإعلام".

07/09/2026

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim "Dowladdu waxay qaaday talaabooyin lagu horumarinayo Warbaahinta Dowladda, tayeynta wariyaasha iyo ka shaqeynta xeerarka muhiimka u ah Warbaahinta".

07/09/2026

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu Marxalado kala duwan ayey soo martay Warbaahinta balse hadda waxay joogtaa meel aad xasaasi u ah una baahan wajahid iyo sharuuc u sameyn.

07/09/2026

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin "Qaabeynta Warbaahinta waa in aan u jeedo ka leenahay sababtoo ah baahi weyn ayaan u qabnaa".

07/09/2026

Hadal-jeedinta Wakiilka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya.

07/09/2026

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Cabdiqaadir Maxamed Cali "Baraha bulshada sidii loogu talogalay looma isticmaalo, taas in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa ayaa laga doonaya Wasaaradda Warfaafinta ".

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Information of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share