22/05/2026
: Ciidamada Danab/Bangaaraf iyo kuwa Mareykanka oo dad shacab ah ku laayay duleedka magaalada Kismaayo.
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in habeen h**e dhacdo xanuun badan oo lagu laayay dad shacab ah ay ka dhacday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Dhacdadaan ayaa timid markii habeen h**e xilli dambe ay weerar ku qaadeen deegaanka ciidamada Danab ama Bangaaraf ee Mareykanka hoostaga dhanka hoggaaminta iyo tababarrada, halkaas oo ay ku dileen, qaarna ku kaxaysteen dad shacab ah oo waayeel, carruur iyo dumar isugu jira.
Shacabka la laayay oo u dhashay beesha Gaaljecel ayaa waxaa ka hadlay odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beesha, kuwaas oo dowladda Federaalka ka dalbaday isla-xisaabtan.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka falalka noocaan ah geystaan, waxayna labo isbuuc ka hor sidaan oo kale dad shacab ah ku laayeen, qaarna ku kaxaysteen gobolka Shabeellaha Dhexe. Waxaa kasoo horreysay Jamaame, Basra iyo dhacdooyin badan oo aan lasoo koobi karin balse u baahan baaritaan, ayadoo wali aan la ogeyn ujeeddada dhabta ah ee Mareykanku dhacdooyinkaan isku nuuca ah ka leeyahay.
F.G: Muuqaallada iyo wareysiyada waxgaradka iyo siyaasiyiinta arrinkaan ka cabanaya waan idiin soo gudbin doonnaa.
Si aad uhesho xog wax ku ool ah dhexdhexaad ah share garee oo like iyo follow saar pageka