Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa maanta kaqeyb-galay kulan mu...
19/08/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal ayaa maanta kaqeyb-galay kulan muhiim ah oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta Qorshe sannadeedka Hay’addaha dowladda kaasoo kaqeyb ka ah isla xisaabtanka iyo wada shaqeynta Hay’addaha hoos imaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta kaasoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Xil. Cali Yusuf Cali.

Gudoomiye Liibaan Cigaal ayaa marka h**e warbixin faah-faahsan ka bixiyey waxqabadka Hay’adda, howlaha qorsheysan rubbish dhamaadka sannadka iyo dadaalada u diyaar garoowga fatahaadaha laga cabsi qabo dabayaaqada sannadkan ee El-Nino taasoo gundhig u aheyd safarka uu dhowaan gudoomiyaha kagasoo laabtay dalka Sacuudiga.

Gunaanadkii kulanka, gudoomiye Liibaan ayaa ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda nuqul saxiixan oo kamid ah qorshe sannadeedka Hay’adda, kaasoo si buuxda u waafaqsan Qorshaha Isbadalka Qaranka 2026.

19/08/2026
Muqdisho, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mud...
19/08/2026

Muqdisho, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kulan la yeeshay Mudane Christophoros Politis, Wakiilka cusub ee Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Libaan Cabdi Cigaal iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee mustaqbalka.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay taageerada mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha nabadda, xasilinta, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

Wasiir Cali Yuusuf Cali ayaa soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar muddada uu gudanayo waajibaadkiisa cusub, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

18/08/2026
Agaasimaha Qorsheynta ee NCRI oo Uganda uga qeybgalaya Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsan Qaxootiga, Soo-laabashada iyo Barak...
14/08/2026

Agaasimaha Qorsheynta ee NCRI oo Uganda uga qeybgalaya Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsan Qaxootiga, Soo-laabashada iyo Barakacayaasha

Kampala, Uganda
Agaasimaha Qorsheynta ahna Isku-duwaha Arrimaha Dadka Dalka kusoo Laabanaya, Mudane Hamdi Wardhere Mohamed, ayaa ka qeybgalaya aqoon-is weydaarsi caalami ah oo ka dhacaya dalka Uganda, kaas oo diiradda lagu saarayo “Ka-jawaabista Duruufta Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool Dalalka Geeska Afrika iyo Harooyinka Waaweyn.”

Aqoon-is-weydaarsigan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Uganda iyo Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Japan (JICA) ayaa socon doona muddo 10 maalmood ah.

Inta uu socdo aqoon-is-weydaarsigu, wakiillada iyo khubarada ka kala socota dalalka ka qeybgalaya ayaa is-weydaarsan doona khibradaha, guulaha iyo casharrada laga bartay hababka loo maareeyo xaaladaha qaxootiga, dadka dalka kusoo laabanaya iyo barakacayaasha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadli doonaa qorsheyaasha ay dalalku dejisteen, hababka wax looga qabto caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga gobolka.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Guddoomiyaha Degmada Beledweyne, Mudane Cumar Osman Alasow, iyadoo Beledweyne ay ka mid tahay deegaanada sida weyn u saameeya fatahaadaha iyo barakaca ka dhasha. Ka-qeybgalka Guddoomiyaha ayaa muhiim u ah in la wadaago waayo-aragnimada deegaanka iyo dadaallada lagu yareynayo saameynta fatahaadaha iyo barakaca.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo la xiriira u-diyaargarowga khataraha fatahaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta diyaar-garowga, isku-duwidda hay’adaha iyo ilaalinta dadka nugul.

Inta ay socoto aqoon-is-weydaarsiga, ka-qeybgalayaashu waxay sidoo kale booqan doonaan xeryaha, deegaanada iyo degmooyinka ay ku nool yihiin qaxootiga iyo dadka barakacay ee Uganda, gaar ahaan magaalada Gulu ee waqooyiga dalka Uganda.

Booqashooyinka goobaha ayaa ujeeddadoodu tahay in ka-qeybgalayaashu ay si toos ah uga bartaan hababka iyo barnaamijyada Uganda ay u adeegsato taageerada, dib-u-dejinta iyo xal-u-helidda dadka ay saameeyeen qaxootinimada iyo barakacu, iyadoo laga faa’iideysanayo tusaalooyinka wanaagsan ee laga hirgeliyey deegaanadaasi.

Ka-qeybgalka Soomaaliya ee aqoon-is-weydaarsigan wuxuu fursad muhiim ah u yahay is-weydaarsiga khibradaha, xoojinta iskaashiga gobolka iyo ka faa’iideysiga xalalka waara ee la xiriira qaxootiga, dadka dalka kusoo laabanaya iyo barakacayaasha.

———𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃———
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho k...
08/08/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee International Refugee Assistance Project yo Cabdullaahi Boru Halakhe, U-doode Sare ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda qaxootiga ku sugan Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku barakacay, gaar ahaan caqabadaha bani’aadantinimo iyo baahiyaha sii kordhaya ee haysta dadka uu saameeyay Barakacu.

Mas’uuliyiinta ka socday Refugees International ayaa Muqdisho u yimid inay u kuurgalaan saameynta ka dhalatay dhimista iyo jarista qaar ka mid ah maalgelintii iyo taageeradii bani’aadantinimo ee loo fidin jiray qaxootiga iyo barakacayaasha Gudaha.

Hoos u dhaca dhaqaalaha iyo gargaarka ayaa saameyn ku yeeshay adeegyada bani’aadantinimo, iyadoo hay’ado Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo taageera dadka nugul ay yareeyeen ama jareen qaar ka mid ah maalgelintii h**e.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin qaxootiga iyo barakacayaasha, isagoo si gaar ah u xusay saameynta ay dhimista maalgelintu ku yeelatay adeegyada iyo taageerada loo fidiyo dadka nugul.

Waxaa sidoo kale la isla eegay baahiyaha mudnaanta leh ee sii wadista gargaarka bani’aadantinimo, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu raadinayo xalal waara.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-faham iyo wada-tashi ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed waxay muhiimad gaar ah siinaysaa sidii loo heli lahaa taageero iyo maalgelin wax ka badasha baahiyaha qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakaca.

--------------
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom

06/08/2026

Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo Xoojiyay Iskaashiga Warbaahinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay Ururka Wakaaladaha Wararka ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaas oo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada nugul iyo arrimaha bani’aadannimada.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa uga mahadceliyay Ururka Iskaashiga Islaamka taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa xusay in heshiiskan uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka nugul, qaxootiga iyo barakacayaasha, iyo sidoo kale xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Heshiiska ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa doorka warbaahinta ee gudbinta xogta iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo la horumarinayo iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Ururka Wakaaladaha Wararka ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo la kordhinayo dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen barakaca iyo xaaladaha

Madaxa Fulinta  Midowga Isbitaalada Gaarka loo leeyahay mudane Dr. Mohamed Abdullahi Isse (Gaaladiid) ,  iyo Madaxa Urur...
06/08/2026

Madaxa Fulinta Midowga Isbitaalada Gaarka loo leeyahay mudane Dr. Mohamed Abdullahi Isse (Gaaladiid) , iyo Madaxa Ururka Daawaleyda Soomaaliyeed Dr. Warsame Mohamud Ibar oo ay wehliyaan xubno kamid ah maamulka Isbitaalka Somali Sudanese oo uu hogaaminayo agaasime kuxigeenka Isbitaalka Dr.Cabdifitax Xasan Dhaqane ayaa maanta booqasho kuyimid xarunta Soodhaweynta Dadka qaxootiga iyo muhaajiriinta dalka kusoolaabanaya.

Booqashada ayaa ku qotantay u kuurgalida daruufaha caafimaad ee kajira xarunta, helida xogta xanuunada ugu badan ee ay qabaan dadka soolaabanaya iyo kor u qaadista aqoonta xirfadleyaasha caafimaadka ee xarunta si loo hubiyo diyaarinta addeeg caafimaad oo tayo leh.

Dhaqaatiirta booqashada kuyimid xarunta iyo Howl-wadeenada Hay'adda NCRI u qaabilsan arrimaha dadka soolaabanaya ayaa isla qaatay in dib loo howl-galiyo goobta caafimaadka xaaladdaha deg-dega ah ee xarunta si ay u daboosho baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan muwaadiniinta dalka kusoo laabanaya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah yoolka gudoomiyaha Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka mudane Liibaan Cabdi Cigaal, si ay dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee dooneysa inay kaalin kuyeeshaan gurmadka iyo garab istaagga bulshada nugul u gaarto fariimaha dadaallada ay hormuudka u tahay Hay’adda una qaataan kaalintooda ayadoo la wadaagayo masuuliyada dadka tabaaleysan.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qa...
05/08/2026

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 155 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Yemen.
Muwaadiniintan ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyagoo ka faa’iideystay Barnaamijka Dib-u-soo-celinta Iskaa Wax U Qabso (Voluntary Repatriation). Markii ay soo gaareen dalka, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Hay’adda, halkaas oo lagu siiyay hoy ku-meel-gaar ah, gargaar caafimaad oo degdeg ah, diiwaangelin, iyo adeegyo kale oo muhiim ah, oo ay ku jirto diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranka (National ID).
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Hay’adda, Mudane Abdullah Adan Abdi, yaa ka war-bixiyay muwaadiniinta maanta dalk dib loogu soo celiyay isla markaana sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojinayso dadaallada dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku dhibaateysan, isla markaana ay ka go’an tahay in la hirgeliyo xalal waara oo u suurtagelinaya inay dib ugu dhex milmaan bulshada, una helaan nolol sharaf leh.

NIRA Somalia UNHCR Somalia Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/NCRIsom
Twitter https://twitter.com/NCRIsom
Instagram: https://instagram.com/NCRIsom
Website: https://ncri.gov.so
YouTube: https://youtube.com/NCRIsom

Address

Makka Almukarama Raod Km5
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615357881

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka:

Shortcuts

Share