Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS

Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS Waa Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS, kala soco waxqabadka Wasaarada

23/08/2026

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

KU-SIMAHA WASIIRKA AHNA WASIIRU-DAWLAHA WASAARADDA XFS OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA DAWLADDA TALYAANIGA.Muqdisho Agoosto ...
23/08/2026

KU-SIMAHA WASIIRKA AHNA WASIIRU-DAWLAHA WASAARADDA XFS OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA DAWLADDA TALYAANIGA.

Muqdisho Agoosto 23, 2026; Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Mudane Mohamed Abdukadir Dhucle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta Dekeddaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista tababarada iyo adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyey Safiirka iyo Dowladiisa sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna xuusay muhiimadda iskaashiga dekedaha iyo horumarinta gaadiidka badda Soomaaliya oo istaraatiiji u ah ganacsiga caalamka.

Dhankiisa, Danjire Pier Coppi ayaa uga mahadceliyey Wasiirka soo dhaweynta diirran iyo kulankan muhiimka ah, waxa uuna soo bandhiggay taageeridda Talyaaniga ee ku aaddan dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃.
-----------------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA XFS.

17/08/2026

Ku-simaha wasiirka Ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Dekadaha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimihii Guud ee h**e iyo Agaasimaha cusub ee Wasaradda.

KU-SIMAHA WASIIRKA AHNA WASIIRU-DAWLAHA WASAARADDA OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII GUUD EE H**E IYO AGAASIMAHA CU...
17/08/2026

KU-SIMAHA WASIIRKA AHNA WASIIRU-DAWLAHA WASAARADDA OO XILKA U KALA WAREEJIYEY AGAASIMIHII GUUD EE H**E IYO AGAASIMAHA CUSUB EE WASAARADDA

Muqdisho Agoosto 17, 2026; Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay agaasimihii Guud ee h**e Wasaaradda Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle iyo agaasimaha cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Sanay Dalmar.

Munaasabaddan xil-wareejinta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, shaqaalaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo maamuus leh. Labada Agaasime ee xilka ku kula wareegay ayaa hoosta ka xarriiqay mudnaanta ay u leedahay dalka in si wadajir ah looga shaqeeyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Agaasimihii h**e ee wasaaradda ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey ay wasaaraddu ku guuleysatay gudbinta sharciyo cusub, isaga oo xusay in ay sidoo kale jirtay wada-shaqeyn wanaagsan oo ay wasaaraddu la lahayd hay’addaha kale ee dowladda.

Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Sanay Dalmar, ayaa dhankiisa sheegay inuu si hufan u gudan doono mas’uuliyadda loo igmaday, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay wax-qabadka shaqo ee xukuumadda Danqaran iyo in si masuuliyad leh loo wajaho waajibaadka horyaalla.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle ayaa bogaadiyay doorkii uu kasoo qaatay Agaasimihii h**e, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle hawlaha horumarinta Wasaaradda, wuxuuna sidoo kale ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Guud ee cusub Mudane Maxamed Sanay Dalmar in uu si hufan u guto waajibaadka horyaala iyo horumarinta heerarka farsamada ee Wasaaradda.

"Xilku waa amano iyo masuuliyad culus, waxaana muhiim ah in loo wada dadalo sidii loo horumarin lahaa adeegyada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. Waxaan rajeynayaa in Agaasimaha Guud ee cusub uu ka miro-dhaliyo himilooyinka Wasaaradda, waxna ka xoojin doono dadaalladii horay u socday ayuu yiri Mudane Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Dhucle"

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃.
-----------------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA DEKADAHA IYO GAADIIDKA BADDA XFS.

10/08/2026

Toos: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

06/08/2026

DAAWO: DOCUMENTARY Waxqabadka: Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS. Xildhibaan; Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)

06/08/2026

Milestones achieved by the Ministry of Ports and Marine Transport under the leadership of The Minister Abdulkadir Mohamed Nur

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ), oo muddo laba maalmood ah ka socday m...
05/08/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ), oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirweynaha ayaa lagu falanqeeyey siyaasadda, madax-bannaanida, difaaca iyo amniga badaha, horumarinta dekedaha, gaadiidka badda, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah. Waxaana ka qeybgalay madax, mas’uuliyiin, khubaro, bahwadaag caalami ah iyo daneeyayaal ka shaqeeya arrimaha badaha.

Gunaanadkii shirka, waxaa la adkeeyey muhiimadda iskaashiga, isku-duwidda siyaasadaha iyo ilaalinta khayraadka badda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo bad ammaan ah, dhaqaale kobcaya iyo mustaqbal waara.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, aya...
05/08/2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ), isaga oo bogaadiyey guusha shirka iyo dooddii miro-dhalka ahayd ee lagu horumarinayo badaha Soomaaliya iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Mudane H.E. Mohamed Abdulkadir Mohamed, Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
05/08/2026

Mudane H.E. Mohamed Abdulkadir Mohamed, Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo jeediyey Qudbaddii mahad-naqa eeShirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ( ).

Address

Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615550025

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda JFS:

Shortcuts

Share