Ali Korufule

Directions Website

Ali Korufule Deputy Chairperson at NCSC,Somalia

Hambalyo Hoggaanka cusub ee Dawlad-goboleedka HirShabeelle.
24/10/2026

Hambalyo Hoggaanka cusub ee Dawlad-goboleedka HirShabeelle.

PRESS RELEASEMogadishu, SomaliaOFFICIAL STATEMENT REGARDING THE VIOLATION OF SOMALIA’S SOVEREIGNTY AND TERRITORIAL INTEG...
21/10/2026

PRESS RELEASE

Mogadishu, Somalia

OFFICIAL STATEMENT REGARDING THE VIOLATION OF SOMALIA’S SOVEREIGNTY AND TERRITORIAL INTEGRITY

The Federal Government of Somalia strongly condemns and rejects the misleading map presented during the recent press briefing by the Prime Minister of the State of Israel, which depicts the Federal Republic of Somalia as fragmented and violates our internationally recognized borders.

The Federal Republic of Somalia reaffirms its unwavering commitment to its national sovereignty, unity, and territorial integrity as enshrined in the Constitution of Somalia, the Charter of the United Nations, and the Constitutive Act of the African Union.

Somali territories, including Somaliland and Puntland, are integral and inseparable parts of the unified Somali nation.

Any attempt by external entities or foreign officials to redraw, misrepresent, or undermine the political map of Somalia is a direct violation of international law and an unacceptable breach of fundamental diplomatic principles.

Somalia calls upon international partners and bodies to respect the independence and territorial integrity of the Somali state.

The Federal Government remains fully dedicated to safeguarding the sovereignty of its nation and will continue to uphold its constitutional duty to protect the unity of the Somali people.

Ministry of Information, Culture and Tourism.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUGMuqdisho, Oktoobar 18, 2026: Ma...
18/10/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG

Muqdisho, Oktoobar 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada D. Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay guddoonka cusub guul iyo in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo mudnaanta siinaya danta guud, wadajirka iyo horumarka, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan gudashada masuuliyaddooda, kana shaqeeyaan xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha Dowlad Goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey doorashooyinka sida nabadda iyo dimuqraadiyadda leh uga dhacay deegaannada Galmudug, isaga oo xusay in ay tallaabo muhiim ah u yihiin horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta xaqa muwaadiniinta ee doorashada hoggaankooda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER SHAQO KU TAGAY MARKABKA SHIDAALKA QODAYA EE ÇAĞRI BEYMuqdisho, Oktoobar, 16, 2026: Ma...
16/10/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEER SHAQO KU TAGAY MARKABKA SHIDAALKA QODAYA EE ÇAĞRI BEY

Muqdisho, Oktoobar, 16, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka.

Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka iyo guulaha horudhaca ah ee muuqda, kuwaasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY HINDISE-XEEREEDKA DEMBIYADA KUFSIGA IYO ANSHAX-XUMADA.Muqdisho, Soomaaliya – 1...
14/10/2026

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYEY HINDISE-XEEREEDKA DEMBIYADA KUFSIGA IYO ANSHAX-XUMADA.

Muqdisho, Soomaaliya – 14 October 2026: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 24-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 140-Xildhibaan, waxa ugu horreyn Xildhibaanada Golaha ay u codeeyeen Hindise-Xeereedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, waxaana ogolaatay 132-Xildhibaan, 3-Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena shan Xildhibaan ayaa ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta sedaxaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, waxaana Xildhibaanada Golaha ay ka doodeen qodobada Hindise-sharciyeedka iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada Golaha uga mahadceliyey gudasbada waajibaadkooda dastuuriga, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka, anshaxa iyo sharafka Golaha, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.

DHAMMAAD.
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐤𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡Muqdisho, Tal...
14/10/2026

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐤𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡

Muqdisho, Talaado, 14 Oktoobar: 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, kaasi oo ay soo diyaarisay xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta awood ahaan iyo fikir ahaanba taasi oo sababtay in maanta dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan in fikirka kooxdaas uu halis ku yahay jiritaankooda ummadnimo iyo dowladnimo.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017, ay kooxaha arxanka daran dalkeenna ka fuliyeen muusibadii weynayd ee ay ku dhibaateeyeen kumanyaal shacab ah, halka boqollaalna ay ku dhinteen taasi oo indhaha bulshada tustay in aysan dhaqanka kooxdu diin islaam shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda ay u adegayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.

“Dadkii Illaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa, meeshaas markaas baan maray, guri aan degennaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay, markii uu qaraxa dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana illaahay baa I dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahay”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in markii ay Xukuumaddan la-wareegtay talada dalka ay xoogga saartay in Culimada Soomaaliyeed bulshada u caddeeyaan aragtida gurracan ee Khawaarijta, kadib kulankii isugu yimaadeen ay soo saareem fatwo ay ku xaqiijinayaan in kooxaha argagixisada ah ay ku sifoobeen dhaqankii iyo ficilkii Khawaarijta, isla markaana ay waajib tahay in loola diriro fikir, ahaan awood iyo hab walba oo loo ciribtiri karo.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha cadowga ah ee fikirkoodu khaldamay ee meelaha kooban kaga sugan dalkeenna, iyada oo dowladduna ay dagaal xooggan kula jirto sidii looga tir-tiri laha guud ahaanba gayiga Soomaaliyeed.

— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: [email protected]
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia

14/10/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) “Golaha Shacabka wuxuu metelaa Shacabka Soomaaliyeed, Xildhibaanadana waxaa laga rabaa in iyagoo ilaalinaya dhaqanka,Anshaxa iyo sharafkooda ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah”

Maalmo la mahadin doono oo u ifay shacabka Soomaaliyeed.Dawlad-nimada Soomaaliyeed ha waarto balanteenu waa Baarlamaan S...
14/10/2026

Maalmo la mahadin doono oo u ifay shacabka Soomaaliyeed.
Dawlad-nimada Soomaaliyeed ha waarto balanteenu waa Baarlamaan Soomaaliyeed oo lagu soo doorto Hal Cod iyo Qof idame Alle.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚Muqdisho, Talaado 13 Oktoobar 2026: — Golaha Wasiirrada Xuku...
14/10/2026

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

Muqdisho, Talaado 13 Oktoobar 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hey’adaha iyo horumarinta nidaamyada Maamulka Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta masuuliyadda hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban wasiirro oo uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, kaas oo loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka isla markaana uu waajibaadkooda qeyb ka yahay in muddo labo bilood ( 2) ah ay kusoo diyaariyaan, hindise-xeereedka dhismaha Xukuumadda, sida uu qabo Dastuurka, xeerkaas oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo tan iyo 1968-dii, qeexayana tirada xukuumadda iyo waajibaadyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka uu Dhaqangal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan, isaga oo xusay in xukuumaddu ku howlan-tahay in sannadka soo socda ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo heer Federaal ah, sida uu ku cad Dastuurka Dalka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa dhanka kale, warbixin faahfaahsan usoo jeedisay golaha oo ku shaacisay soo celinta nidaamka code-kii Soomaaliya ee IATA, ee lagu maamulo Tikidhada diyaaradaha, nidaamkan oo ah xuquuq weyn oo usoo laabatay dalka.

Nidaamkan ayaa muhiim u ah awoodda Soomaaliya ee maareynta iyo nidaaminta adeegyada tigidhada duulimaadyada, gaar ahaan hab-raacyada tigidhada iyo xiriirka nidaamyada safarada caalamiga ah, si loo adkeeyo maamulka iyo tayada adeegyada Duulista Rayidka ee dalka, shacabkana loogu soo celiyo xuquuqo ka maqnaa.

— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: [email protected]
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO BOOQASHO DHIIRI-GELIN AH UGU TAGAY SUUQ WADAREEDKA SOM SOUK EXPOMuqdisho, Oktoobar, 13, 20...
13/10/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO BOOQASHO DHIIRI-GELIN AH UGU TAGAY SUUQ WADAREEDKA SOM SOUK EXPO

Muqdisho, Oktoobar, 13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday carwada ganacsiga ee Som Souk Expo, halkaasi oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray goobaha ganacsiga, isaga oo sidoo kale ka dukaameystay carwada, lana kulmay ganacsatada ka qaybgalaysa, kuwaasi oo uu ku dhiirrigaliyay sii wadidda dadaallada ay ku horumarinayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in carwooyinka ganacsigu ay door muhiim ah ka qaataan isu keenidda ganacsatada iyo macaamiisha, suuq-geynta badeecooyinka, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi iyo ballaarinta fursadaha maalgashi, taas oo ka qayb qaadanaysa kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsatada, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga, si ganacsigu u noqdo tiir muhiim u ah koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee dalka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia
VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Address

Via Rome, Hamarweyne District
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali Korufule posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share