Ali Korufule

Ali Korufule Deputy Chairperson at NCSC,Somalia

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha...
18/08/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

Gaalkacyo, Agoosto, 18, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa tilmaamay in farriinta safarkiisa Galmudug uu xambaarsanaa ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgalinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDAGaalkacyo, Agoos...
17/08/2026

KUMANNAAN BULSHADA REER GAALKACYO AH OO ISUGU SOO BAXAY SOO DHOWEYNTA WAFDIGA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA

Gaalkacyo, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay isku soo bax ballaaran oo ka dhacay garoonka Kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay shacabka reer Gaalkacyo sida ay xoogga u saareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhexdooda ah, isaga oo ugu baaqay in ay awooddooda isugu geeyaan adkeynta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Gaalkacyo soo dhaweynta heerkeedu sarreeyo ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in Gaalkacyo ay tahay magaalo mideysa shacabka Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo wax weliba oo kala qaybsanaan ah.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa shaqo ee nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada qaar ka mid ah deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Gaal-kacyo oo Dal-xureeye si diiran u soo dhaweysay maashaa Allah.
17/08/2026

Gaal-kacyo oo Dal-xureeye si diiran u soo dhaweysay maashaa Allah.

MADAXWEYNAHA IYO WAFDIGIISA SAFARKA NABADDA GALMUDUG OO LAGU SOO DHOWEEYAY GALINSOORGalinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxw...
17/08/2026

MADAXWEYNAHA IYO WAFDIGIISA SAFARKA NABADDA GALMUDUG OO LAGU SOO DHOWEEYAY GALINSOOR

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee uu ugu kuur-galayo xaaladaha amniga iyo nolosha bulshada ayaa soo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa salaan la dhex qaaday boqolaal ka mid ah shacabka reer Galinsoor, kuwaasi oo safaf dhaadheer ugu jiray soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada reer Galinsoor ayaa ugu baaqay in ay xoogga saaraan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in magaaladu ay noqoto deegaan nabad ah.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR DHULKA AH KU GAARAY DEGMADA CADAADOCadaado, Agoosto, 16, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyad...
16/08/2026

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR DHULKA AH KU GAARAY DEGMADA CADAADO

Cadaado, Agoosto, 16, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta safar dhulka ah kusoo gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa u kuurgalka nolosha bulshada iyo amniga deegaanka, subaxnimadii h**e ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isla markaana soo maray deegaannada Xananbuure iyo Godinlabe, waxaana galabta boqolaal ka mid ah bulshada degmada Cadaado si diiran ugu soo dhoweeyeen fagaare ku yaalla bartamaha magaalada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada Cadaado kula hadlay goob fagaare ah ayaa ku ammaanay isku duubnida, ilaalinta nabadda iyo taageerada dowladnimada, isaga oo ugu baaqay in ay si buuxda uga qayb qaataan halganka k**a dambaysta ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana garab istaagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta dalka iyo difaaca shacabka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO TABABAR U SOO XIRAY KUMANNAN ASKARI OO KA QALIN JABIYAY DUGSIGA XANANBUUREXananbuure, Agoo...
16/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO TABABAR U SOO XIRAY KUMANNAN ASKARI OO KA QALIN JABIYAY DUGSIGA XANANBUURE

Xananbuure, Agoosto 16, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo dhammaystay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka, kaddib muddo ku dhow hal sano oo ay tababar ku qaadanayeen deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan gobollada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee tababar heerkan ah ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii dalka, iyaga oo qaatay duruus iyo tababbarro ciidan oo dhammaystiran, kuwaasi oo ku saabsanaa xirfadaha ciidanka, anshaxa iyo xeerka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in ciidamadan ay astaan u yihiin soo kabashada dowladnimada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maadaama markii ugu horreysay kumannaan askari ay ku qalin-jabiyeen dugsi ciidan oo ku yaalla gudaha dalka, iyagoo si rasmi ah ugu biiraya safafka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo qarannimada dalka, ayna waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Galguduud iyo kan magaalada Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO XARIGGA KA JARAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGALIYAY MAGAALADA DHUUSAMAREEBMuqdisho...
15/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO XARIGGA KA JARAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGALIYAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Muqdisho, Agoosto, 15, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha laamiga magaalada Dhuusamareeb iyo Taallada Cagaaran ee magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida hufan ee ay u maareeyeen hirgelinta mashruuca, isla markaana u xaqiijiyeen in mashruucu u qabsoomo sidii loo qorsheeyay, iyadoo si gaar ah loo ilaalinayo tayada iyo heerarka farsamo ee dhismaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay astaan u yihiin horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay wax weyn ka tari doonaan isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaale ee deegaanka, isaga oo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka qayb qaatay qorsheynta, maalgelinta iyo hirgelinta mashaariicdan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye dhaxalka dowladeed ee waaraya iyo taariikhda muhiim ah ee uga tagayo deegaanka, isaga oo bulshada Galmudug ugu baaqay in ay ilaashadaan mashaariicda iyo horumarka la xaqiijiyay, ayna sii ambaqaadaan dadaallada lagu horumarinayo deegaanka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GOLAHA SHACABKAMuqdisho, Soomaaliya- 15 Agoosto, 2026: ...
15/08/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GOLAHA SHACABKA

Muqdisho, Soomaaliya- 15 Agoosto, 2026: Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa labaad, waxaana Shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 141-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada waxa ay ugu horreyn u codeeyeen xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo ay soo gudbisay wasaaradda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo u codeeyey Maxamed Xasan Nuur oo ay wasaararda Qoyska iyo Horrumarinta Xuquuqul Insaanka usoo xushay inuu buuxiyo xubintii ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka ayaa waxaa ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka shir guddoominayey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay xooga saaraan sidii uu goluhu uga shaqeyn lahaayeen shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga sideedaad.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, Hindise Sharciyeedka wax ka bedelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya sharci LR 130 ee soo baxay 20-kii April-2012 iyo Borotokoolada kaabaya afarta Axdi ee Geneva 1949-kii.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Muda...
14/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay aas-aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug.

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DHUUSAMAREEBDhuusamareeb, Agoosto 14, 2026: Madaxweynaha ...
14/08/2026

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DHUUSAMAREEB

Dhuusamareeb, Agoosto 14, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyAsha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

Address

Via Rome, Hamarweyne District
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali Korufule posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share