DANAB MEDIA

DANAB MEDIA Waad Mahadsantihiin Sidaad Noola Soo Xariirtan Umadena aan Jecelnahay

DANAB WAA MUSTAQBALKA DALKA. Nagalaso Xiriir 575

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya duqeyn cirka ah oo ay Fuliyeen saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka f...
07/09/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya duqeyn cirka ah oo ay Fuliyeen saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay koox miinaysayaal ah oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaayeen diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayo waddooyinka ay isticmaalaan Gadiidka shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta laguna xaqiijinayo amniga shacabka iyo isu-socodka bulshada iyadoo Ciidanka Kumandooska Danab XDS oo kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah.

Ciidamada ayaa sii wadi doona hawlgallada ka dhanka ah kooxaha khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgallo ka Sameeyay Deegaanka Madax MaroodiCiidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Urur...
06/09/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgallo ka Sameeyay Deegaanka Madax Maroodi

Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax Maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgallada ayaa qeyb ka ah howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo kuwa lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka.

Ciidamada ayaa hawlgallada ka wada deegaano kala duwan oo hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay in laga ciribtiro kooxaha Khawaarijta iyo in shacabka loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni.

05/09/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Gurmad Caafimaad u Fidiyay Shacab Gaari Rakaab ah kula Gadoomay Deegaanka Golweyn Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saadaq Shaani.

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgal Qorshaysan ka Fuliyay Gobolka BaayCiidamada Sida Gaarka u Tababaran ee Kumaandoos...
05/09/2026

Ciidanka Kumaandooska Danab oo Hawlgal Qorshaysan ka Fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Sida Gaarka u Tababaran ee Kumaandooska Danab
ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa Qaarijiyeen 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta kaddib markii ay ciidamadu beegsadeen goobihii ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumandooska Danab XDS loogu jiro ciribtirka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida deegaanada dalka.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Sida Gaarka ah u Tababaran ayaa habeen iyo maalin u taagan gudashada waajibaadkooda qaran, iyagoo ka shaqeynaya difaaca shacabka Soomaaliyeed, xoojinta amniga iyo la dagaallanka cadowga dalka.

04/09/2026

Raadka Dowladdii Kacaanka iyo Burburka Ceelkii Deegaanka Cag-Libaax
📍 Gobolka Jubbada Hoose

✍️ Maxamed Dayib

29/08/2026

Barnaamijka todobaadkii Tagay iyo howlgaladii gulestay ciidanka kumaandooska Danab

Ina Diiriye

24/08/2026

Dad shacab ah ayaa ku waxyeelloobay qarax miino oo Khawaarijtu ku aaseen deegaan hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Dhayib

Shabeellaha Hoose —  Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaa...
23/08/2026

Shabeellaha Hoose — Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka War Rooti ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Khawaarijta.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba (2) xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo lagu qabtay howlgalka.
Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, ku ilaalinayaan shacabka iyo ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta ee ka jirta deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adkeynaya in hawlgallada amni-xaqiijinta iyo kuwa qorshaysan ay sii socon doonaan, iyadoo mudnaanta la siinayo amniga shacabka, xasilloonida deegaanka iyo gudashada waajibaadka qaran.

DHAMMAAD

Galgaduud:  Ururka 163-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab  Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo amni xaqiijin ah ...
22/08/2026

Galgaduud: Ururka 163-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga Ceel-la-helay ee Gobolka Galgaduud.

Hawlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaannada Bulacle, Dhabanadhul, Ku-hays iyo Gunsar, iyadoo ciidamada ay sameeyeen baaritaanno iyo kormeerro lagu xaqiijinayo xaaladda amni ee deegaannadaasi.

Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa adkeynaya in hawlgallada amni xaqiijinta iyo ilaalinta shacabka ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

DHAMMAAD

Kumaandooska Danab oo Hawlgal ka Fuliyay Gobolka BaayBaay – Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogg...
22/08/2026

Kumaandooska Danab oo Hawlgal ka Fuliyay Gobolka Baay

Baay – Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay deegaannada Yaaq-Doomaar ee Gobolka Baay

Hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul Intii uu hawlgalku socday waxaa ciidamada isku soo dhiibay xubin ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale burburiyay goobihii bartilmaameedka ahaa

Ujeeddada hawlgalkan ayaa ahayd wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta iyo xoojinta amniga deegaannada Gobolka Baay

Taliska Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa sheegay in hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed ay sii socon doonaan

DHAMMAAD

Address

Mogadishu

Telephone

0612804451

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DANAB MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to DANAB MEDIA:

Shortcuts

Share