DANAB MEDIA

Call Directions Contact the organization

DANAB MEDIA Waad Mahadsantihiin Sidaad Noola Soo Xariirtan Umadena aan Jecelnahay

DANAB WAA MUSTAQBALKA DALKA. Nagalaso Xiriir 575

10/10/2026

Danta Qaranka ayaa wax walba ka Horeeya.

Sheikh Xuseen Cali Jabuuti.

10/10/2026

Barnaamijka todobaadkii Tagay iyo howlgaladii gulestay ciidanka kumaandooska Danab

Ina Diiriye

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa soo xiray siminaar ku saabsan Warbaahinta iyo kaas oo muddo laba tod...
08/10/2026

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa soo xiray siminaar ku saabsan Warbaahinta iyo kaas oo muddo laba toddobaad ah u socday xubnaha Warbaahinta ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab.

Siminaarka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo xirfadaha warbaahinta, gaar ahaan hababka casriga ah ee tebinta dhacdooyinka, diyaarinta wararka, sawir-qaadista iyo muuqaalka, maaraynta xogta, iyo hab-dhaqanka xirfadeed ee warbaahinta ciidanka.

Tababarka waxaa bixinayay macallimiin iyo khubaro ka socotay Dowladda Mareykanka, kuwaas oo xubnaha ka qeybgalay la wadaagay aqoon iyo khibrad ku saabsan howlaha warbaahinta milatariga iyo muhiimadda ay leedahay isgaarsiin hufan oo masuuliyad leh.

Ugu dambeyn, Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa ku booriyay xubnaha ka qeybgalay inay aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadeen siminaarka ugu adeegaan xoojinta tayada warbaahinta ciidanka iyo gudbinta fariimaha saxda ah ee ku saabsan howlaha iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

08/10/2026

Geesiyaasha Kumaandooska Danab Iyo baacsiga Eeyaha Naarta

Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Buulo Doonka ee ...
07/10/2026

Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Buulo Doonka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa hawlgallada joogtada ah ee ciidamada Danab ay ka wadaan deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta amniga, ka hortagga dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Khawaarijta iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa howlgalka ku bartilmaameedsaday goobo ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen dhaqdhaqaaqyo, waxaana ciidamada ay si taxaddar iyo qorsheysan u fuliyeen howlgalka, iyagoo xaqiijinaya amniga deegaanka iyo nawaaxigiisa.

Danab — Difaaca Dalka, Ilaalinta Shacabka.

06/10/2026

Baacsiga Firxadaka Khawaariijta Iyo Kumandoska Danab Ururka 164’aad

Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku Teedsan Gobollad...
06/10/2026

Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku Teedsan Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday burburiyey goobo ay Khawaariijta u adeegsan jireen jid-gooyooyin iyo isbaarooyin, kuwaas oo caqabad ku ahaa isu-socodka shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaannadaasi.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlgallada ciidamada Danab ay ku doonayaan in lagu sugo amniga waddooyinka, lagu burburiyo goobaha jid-gooyooyinka ah, isla markaana shacabka looga yareeyo caqabadaha iyo khataraha ka dhasha amni-darrada.

Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa xalay ilaa saacadihii h**e ee saaka howlgal qorsheysan ka f...
05/10/2026

Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa xalay ilaa saacadihii h**e ee saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jowhar-yareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa diiradda lagu saaray xakameynta isku socodka iyo marinada ay Kooxda Khawaariijta u adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadooda, gaar ahaan doomo ku xiran deegaanka oo muhiim u ahaa isu-socodka dhinacyada deegaanka.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa qaaday tallaabooyin qorsheysan oo lagu carqaladeynayo dhaqdhaqaaqyada iyo marinada ay kooxaha Khawaariijta ku isticmaalaan deegaanka, iyadoo sidoo kale la xoojinayo amniga iyo la socodka isu-socodka goobaha muhiimka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah hawlgallada joogtada ah ee Ciidanka Kumandoska Danab ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada muhiimka u ah isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha Khawaariijta.

05/10/2026

KHAWAARIJTA GODADKII AY QOTEEN AYAA U NOQDAY XABAALO — URURKA 162-AAD EE DANAB OO HOWLGAL QORSHEYSAN KA FULIYEY GOBOLKA JUBADA HOOSE

Address

Mogadishu

Telephone

0612804451

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DANAB MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to DANAB MEDIA:

Shortcuts

Share