24/09/2026
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA AHNA KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO BOOQDAY TALISKA CIIDANKA CIRKA EE XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED.
Muqdisho, Soomaaliya – 24 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta booqasho ku tagay Taliska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ay yihiin tiir muhiim u ah difaaca iyo madax-bannaanida dalkeenna, wuxuuna tilmaamay inuu garowsanyahay kaalinta weyn ee ay ku leeyihiin sugidda amniga iyo dhowrista Qaranimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in maanta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ay leeyihiin tayo, xirfad iyo qalab casri ah,isagoo kula dardaarmay in awooddooda iyo aqoontooda uga faa’iideeyaan difaaca dalka iyo dhowrista madax-bannaanida dalkeena, sidoo kalena dowladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Cirka, si Soomaaliya ay u yeelato ciidan awood leh oo uu Qaranka ku faano.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: www.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.