Golaha Shacabka BJFS

Golaha Shacabka BJFS BOGGA RASMIGA EE GOLAHA SHACABKA BAARLAMAANKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(1)

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku shaqeeyaa Guriga Umadda, kaas oo Dhinaca ku haya Wadada Jamaal

WAR-SAXAAFADEEDNatiijada Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xildhibaanno Mucaaradka. Maa...
23/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Natiijada Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Xildhibaanno Mucaaradka.

Maanta oo Axad ah, 23-ka Agoosto 2026, waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo xubno matalayey Xildhibaannada Mucaaraadka.

Wadahadalladan oo ku qabsoomay jawi deggan oo walaaltinimo leh, waxaa looga arrinsaday sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Golaha, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta Xildhibaannada.

Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobbada soo socda:

1. Dhexdhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

2. Midnimada Golaha: In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hay’adaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha: Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada Golaha, si waafaqsan qodobka 23aad, farqigiisa 1aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Xildhibaannada Mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, xoojiyaan wadajirka Golaha, kana shaqeeyaan danta guud iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Waxaa soo gaba gaboobay wada hadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka So...
23/08/2026

Waxaa soo gaba gaboobay wada hadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo xubno metelayey Xildhibaanada mucaaradka ah.

GUDDIGA XEER-HOOSAADKA EE GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY IS WAAFAJINTA XEER-HOOSAADKA GOLAHA IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA F...
23/08/2026

GUDDIGA XEER-HOOSAADKA EE GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY IS WAAFAJINTA XEER-HOOSAADKA GOLAHA IYO DASTUURKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Muqdisho, Soomaaliya- 23 Agoosto, 2026: Guddiga xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xafiiskiisa, xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib).

Kulanka ayaa looga hadlay sidii xeer-hoosaadka Golaha Shacabka loo waafajin lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la hubinayo in habraacyada iyo xeerarka Golaha Shacabka ay si buuxda ugu salaysnaadaan mabaadi’da iyo qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga uu gaaray go’aan iyo is-afgarad ku aaddan qodobbada Dastuurka ee u baahan in la waafajiyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si loo xoojiyo isku-xirnaanta nidaamka Dastuuriga ah iyo habraacyada shaqo ee Golaha Shacabka, loona caddeeyo hannaan shaqo oo waafaqsan sharciga dalka.

Guddoomiyaha Guddiga xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) ayaa sheegay in Iswaafajinta Xeer-hoosaadka iyo Dastuurku ay muhiim u tahay xoojinta ku-dhaqanka sharciga, ilaalinta haybadda iyo madaxbannaanida Golaha Shacabka, dhowrista xuquuqda iyo waajibaadka Xildhibaannada, iyo sidoo kale horumarinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo tayada shaqada Golaha.

Guddoomiye Maxamed Cajiib ayaa sidoo kale sheegay in guddiga uu sii wadi doono shaqada muhiimka ah ee guddiga, isagoo ka shaqaynayna in Golaha Shacabka uu yeesho hannaan sharci iyo habraac si buuxda u waafaqsan Dastuurka, kana tarjumaya baahida loo qabo Gole shacab oo awood leh, hufan, isla-xisaabtan leh, kana shaqeeya danta guud iyo horumarka Qaranka Soomaaliyeed.

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYEY HESHIIS MUHIIM U AH SOOMAALIYA.Muqdisho, Soomaaliya- ...
22/08/2026

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYEY HESHIIS MUHIIM U AH SOOMAALIYA.

Muqdisho, Soomaaliya- 22 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 5-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 142-Xildhibaan ayaa Xildhibaanada Golaha waxay Akhrinta koowaad marsiiyeen Heshiiis-hoosaadka Qaramada midoobay ee sharciga badaha (UNCLOS) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awooda Qaranka (BBNJ AGREEMENT),kaasoo ay gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana warbixinta heshiiskan golaha la wadaagay wasiir kuxigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane Xuseen Cali Xaaji.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo kulanka soo xiray ayaa xildhihaanada golaha kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan shaqada ay Qaranka u haayaan, si loogu guuleysto ka shaqeynta shuruucda muhiimka ah ee golaha hortaala kalfadhiga 8-aad.

Ugu dambeyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta, Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Warbixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax xumada kale iyo Warbixinta Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka wax ka baddalka qeybtiisa 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka.

22/08/2026

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Xildhibaanka inta yimaada isxaadiriya ee hadana iska baxa, wuxuu la mid yahay Xildhibaanada ka maqan fadhiga golaha”

Muqdisho, Soomaaliya- 21 Agoosto, 2026:  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy...
21/08/2026

Muqdisho, Soomaaliya- 21 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn Mudane Cali Bin Salix Al-Salix, waxaana uu Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo doortay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn uga mahadceliyey dhambaalka hambalyada ah ee uu lasoo wadaagay.

20/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Abdulkadir Mohamed Nur” walaalaha Turkiga waxay dalka iyo dadka Soomaaliyeed garab istaag buuxa oo walaaltinimo u muujiyeen wakhti adag oo ay dadka Soomaaliyeed garab u baahnaayeen”

Muqdisho, Soomaaliya- 20 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...
20/08/2026

Muqdisho, Soomaaliya- 20 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey doorashadiisii xilka Guddooomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo u rajeeyey inuu Alle SWT u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO LA KULMAY GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA EE GOLAHA SHACABKA.Muqdisho, Soomaaliya- 20 ...
20/08/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO LA KULMAY GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA EE GOLAHA SHACABKA.

Muqdisho, Soomaaliya- 20 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Guddoomiye kuxigeenka guddiga Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali Barako ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen howlaha shaqada guddiga, shuruucda hortaala iyo sidoo kale kulamadii ugu dambeeyey ee uu yeeshay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku amaanay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimadda ee Golaha Shacabka wakhtiga iyo dadaalka uu geliyo shuruucda muhiimka u ah dowladnimada dalka iyo guud ahaan gudashada waajibaadka Qaran ee horyaala, wuxuuna kula dardaarmay in uu sii laba jibbaaro shaqada Qaran ee uu haayo.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA TODOBAADLAHA AH EE GUDDIGA JOOGTADA.Muqdisho, Soomaaliy...
20/08/2026

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA TODOBAADLAHA AH EE GUDDIGA JOOGTADA.

Muqdisho, Soomaaliya- 20 Agoosto, 2026: Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka furay ayaa Xubnaha guddiga warbixin guud ka siiyey shir uu la yeeshay Guddi Xildhibaanno ah oo wakiil ka ah Xildhibaannada Mucaaradka, dhambaalo hambalyo ah oo uu ka helay guddoomiyaasha baarlamaanada dalalka caalamka, hay’ado iyo ururo caalami ah iyo sidoo kale guud ahaan howlaha golaha.

Intaasi ka dib Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee guddiga la wadaagay warbixinta iyo hindise sharciyeedyada horyaala guddiyada golaha ee maray Akhrimaha kala duwan, waxaana sidoo kale xubnaha guddoonka guddiyada laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda ay gacanta ku haayaan, marxaladaha ay marayaan iyo sidoo kale wakhtiga ay hor geynaayaan kulamada gole weynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga joogtada in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Golaha, si uu golaha u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuuna balan qaaday in goluhu ku hogaamin doono si waafaqsan xeerhoosaadka iyo shuruucda kale ee golaha u degsan.

DHAMMAAD.

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle Isxaaq
[email protected]
Twitter/X: Golaha_shac_JFS
Website: gsh.parliament.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya.

Address

Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Shacabka BJFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Shacabka BJFS:

Shortcuts

Share