SONNA

SONNA This is the official page of Somali National News Agency SONNA. https://t.me/SONNALive

01/09/2026

TOOS: Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha 2026.

01/09/2026

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo maanta magaalada Jawiil ee gobolka Hiiraan tababar ugu faray howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isb...
01/09/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu, ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.

01/09/2026

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay amniga dalka, marxaladahii lasoo maray iyo qorshaha xiligan laga doonayo hey'adaha amniga.

01/09/2026

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil "Dalka amnigiisa maanta waxaa uu marayaa meel aad u wanaagsan, taasna waxay ku timid isku duubni laamaha Amniga ah".

01/09/2026

Wasiir Axmed Macalin Fiqi "Shirka Amniga Gudaha waa mid lagu dhisayo hanaan amni oo Soomaaliya leedahay ahna mid leyskuna xisaabtamayo".

01/09/2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Xoosh "Si Amniga loogu guuleysto waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo wadajirka bulshada iyo dib u heshiisiinta".

01/09/2026

Wasiir Mukhtaar Roobow "Waxaa hubanti ah in amniga dalka wax weyn iska badaleen, taasna waxay ku timid dadaal ay galiyeen madaxda qaranka".

01/09/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga Gudaha Golaha Shacabka Nuur Diiriye "Amniga dalkeenna waxaa uu soo maray marxalado kala duwan balse maanta waxaa uu joogaa meeshii ugu fiicneyd waxaan u mahadcelineynaa cidkasta oo gacan ka geysatay".

01/09/2026

La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys Xaaji "Qorshaha Amniga waa mid leyska saaray masuuliyad weyn oo dhinac kasta ah".

Address

Villa
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SONNA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SONNA:

Shortcuts

Share