Jab Dhurwaa Media

Directions

Jab Dhurwaa Media Diplomatic/political Analyst

06/10/2026

Muunka gabaan lo’dii wuu nagu diray mooyee, waxba k**a qaban. Waa tan sidii iyo si ka daran dib ugu soo laabatay magalka lakiin waxaan la yaabanahay sababta qofka Soomaaliga uusan shaqada uu bilaabo u joogteyn karin.
🤷😃

05/10/2026

Jookarkii siyaasadda Geeska Afrika oo soo nabad noqday!🤷🇸🇴🫡

05/10/2026

BALANBALLE: BILOW CUSUB OO TAARIIKH AH!🇸🇴

Maanta Balanballe waxay markhaati ka noqotay tallaabo taariikhi ah, kaddib markii Ugaasyada iyo waxgaradka beelaha Ceyr iyo Mareexaan ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad, oo door weyn ka qaatay dadaallada lagu gaaray nabaddan.

Maanta wixii ka dambeeya, waa in aan si wadajir ah u diidno in dhiig muwaadin Soomaaliyeed mar kale ku daato khilaaf lagu xallin karo wada-hadal iyo is-afgarad. Ceyr iyo Mareexaan waxaan leeyahay: nabaddan ilaashada, xoojiyana, jiilasha soo socdana u dhaxalsiiya nabad iyo walaaltinimo.

Dowladda Federaalka iyo Galmudug waxaa laga doonayaa in nabadda lagu xoojiyo amni iyo caddaalad, dadka miyigana la gaarsiiyo waxbarasho iyo adeegyo aasaasi ah, si jiilasha soo koraya ay uga fogaadaan jahli iyo colaado soo noqnoqda. Cid kasta oo amniga khalkhal gelisana waa in sharciga si caddaalad ah loo waafajiyaa.
Balanballe ha noqoto bilow cusub; dhiig dambe yaan loo daadin wax lagu xallin karo nabad, wada-hadal iyo dowladnimo.

✍️ Najiib Hussein 📝

05/10/2026

Macallinka Siyaasadda waa in jiilalka soo socda ay wax ka bartaan in danta dalkaaga ay ka horrayso danaha dalalka kale ee is haya.

Siyaasadda iyo diblomaasiyaddaba, meel uguma jirto in danta dalkaaga laga hormariyo danaha dalalka kale. Birmaduhu cashar buu bixinayaa ee, halkaas faa’iido ha laga helo!🤷📝

05/10/2026
05/10/2026

Muqdisho✅️

04/10/2026

Dooddii Jimcihii ee BBC-da ee labada dhinac ee Koonfur-Galbeed, wax yar ka hor ayaan daawaday. Waxay si cad u muujisay farqiga u dhexeeya aqoon, degganaan iyo dood indho-caddeys ah.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee matalayay garabka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu doodda uga qayb galay si deggan, aqoon iyo diblomaasiyad leh, su’aalihiina si cad ayuu uga jawaabay.

Dhanka John oo matalayay garabka Lafta-Gareen ee la mataanoobay argagixisada, waxaa ka muuqatay jahawareer. Qaraxyadii ayuu qirtay, haddana wuxuu isku dayay inuu Al-Shabaab iska fogeeyo, isagoo dhinaca uu matalayo dowladda ku tilmaamaya “duullaan” iyo ciidamo “soo duulay”. Haddaba haddii Al-Shabaab ay iyaguna sheegtaan inay dadka ka xoreynayaan waxa ay ugu yeeraan gumeysi, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed dilayaan, maxuu hadalkiisa kaga duwan yahay hadalkaas?

Waxaa kale oo isweydiin mudan: haddii Lafta-Gareen xilligii Farmaajo ku yimid nidaam dowladda ah oo la aqbalay, maxaa maanta Sheekh Aadan Madoobe loogu diidayaa oo ah hannaan ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh taageersan tahay? Hal miisaan laguma kala saari karo labada xaaladood.

Ugu dambayn, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa inay wax bartaan, siyaasadda fahmaan, caddayntana raadiyaan, si aydan ugu ceeboobin marka aa fagaarayaasha joogtaan. John ayaa tusaale ku noqon kara qof dood fagaaro ah galay isagoo hadalkiisa ay ka muuqatay jahawareer iyo isburin. Aqoontu waa gaashaan; qofka wax bartay wuxuu awood u leeyahay inuu doodda si cad, deggan oo xushmad leh uga qayb qaato.Dooddu ma aha qaylo iyo hadal badan; waa aqoon, caddayn iyo degganaan. Taas ayaana maanta dooddan laga dheehan karay.

Wax hala barto ceeb ma ahan!🤷😃

Najiib Hussein 📝

04/10/2026

Waxqabadka shacabka lagu dhiirrigelinayo iyo ka-qaybgalka bulshada ee horumarka dalka waana tallaabo mudan in la soo dhaweeyo.sidoo kale Waa in looga mahadceliyaa Ra’iisul Wasaaraha dadaalka iyo dhiirrigelinta uu u muujinayo shacabka.🇸🇴✌️

04/10/2026

Taliyaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa kormeeray xarunta ciidanka ee Balanballe, halkaas oo lagu tababarayo ciidamo ka tirsan NISA.

Kormeerkan wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in la helo ciidan aqoon, tababar iyo masuuliyad qaran leh, kuwaas oo u diyaarsan difaaca dalka, shacabka iyo ilaalinta amniga qaranka.

Waa tallaabo mudan bogaadin, waxaana la rajeynayaa in ciidamadan ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

✍️ Najiib Hussein 🇸🇴

Address

Bakaaro
Mogadishu
JH0902

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jab Dhurwaa Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category