02/09/2026
Talo-xumadu waa gunta ugu hooseysa ee jahliga bulsheed, bulshaduna maanta waxay la tacaalaysaa cawaaqibkeeda!
Haddii siyaasiyiintii, culumadii, waxgaradkii, odayaashii, dhallinyaradii iyo haweenkii ay waayeen talo mideysan iyo aragti fog, yaa laga sugayaa hoggaaminta iyo badbaadinta bulshada?
Waxaa mudan in aan isweydiinno: waxa aan maalin walba baranno intee inaga maraan? Maxaan aqoonta u barannaa, haddii aynaan ugu adeegayn horumarka iyo mustaqbalka dadkeenna? Mise waxbarashadeennu waxay noqotay muran aan aqoon iyo ficil lahayn?
Bulsho aan taladeedu mideysnayn, siyaasaddeeduna aan ku dhisnayn aqoon, aragti iyo masuuliyad, waxay si fudud ugu nuglaataa jahawareer iyo dib-u-dhac.Waqtigu wuxuu inaga doonayaa in aan talo-xumada ka gudubno, aqoonta ficil u beddelno, siyaasaddana ka dhigno mid ku dhisan danta guud, ee aan ku dhisnayn dano gaar ah.
✍️ Najiib Hussein