Somali Civil Aviation Authority - SCAA

Somali Civil Aviation Authority - SCAA Somali Civil Aviation Authority (SCAA) (previously: Somali Civil Aviation and Meteorology Authority (SCAMA) is the national civil aviation body of Somali.
(2)

based on adden abdulle international airport Mogadishu Somalia.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta oo Kormeer Shaqo ku yimid Hay’adda Duulista Rayidka SoomaaliyeedMu...
17/08/2026

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Qorsheynta oo Kormeer Shaqo ku yimid Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Muqdisho: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa si wadajir ah kormeer shaqo ku yimd Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo isla xisaabtanka, hufnaanta shaqada iyo dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Intii uu socday booqashada, wafdiga ayaa qiimeeyay heerka fulinta qorshayaasha Hay’adda iyo horumarka laga sameeyay mudnaanta Qaranka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa wafdiga u jeediyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan horumarrada ay Hay’addu gaartay iyo heerka laga fuliyay ballanqaadyadii ku jiray Qorshaha Qaranka. Waxa uu sidoo kale faahfaahiyay waxqabadkii Hay’adda, qorshayaasha socda iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Duulista Rayidka, tayeynta kaabeyaasha iyo kor u qaadidda awoodda shaqaalaha, isagoo xusay in Hay’addu ay ka go’an tahay sii wadidda hirgelinta qorshayaasha Dowladda iyo bixinta adeegyo hufan oo waafaqsan heerarka Caalamiga ah.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa ka qayb galay kulan ay Wasaar...
15/08/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa ka qayb galay kulan ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaluhu la yeelatay masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Warfaafinta, kaas oo lagu qiimeynayey diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026. Intii uu kulanku socday, Maareeyaha Guud ayaa soo bandhigay horumarrada ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ku tallaabsatay afartii sano ee la soo dhaafay iyo doorka ay ku leedahay horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada Duulista Dalka.

Mas’uuliyiintu waxay bogaadiyeen hannaanka nidaamsan ee Wasaaradda Qorsheyntu u waddo diyaarinta warbixinta, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in waxqabadka Hay’addaha Dowladda lagu diiwaangeliyo xog sax ah oo la xaqiijiyey. Wasiirka Qorsheynta ayaa faray kooxaha farsamada inay dardargeliyaan dhammaystirka warbixinta si ay u noqoto dukumenti rasmi ah oo si hufan uga tarjumaya guulaha iyo waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muddadii 2022–2026.

15/08/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Ahmed Moallin Hassan ayaa Warbixin ka jeediyay kulan ay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaluhu la yeelatay Wasiiro iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Warfaafinta, kaas oo lagu qiimeynayey diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo WFP/UNHAS kala wareegtay qalab casri ah oo lagu xoojinayo Hawlgallada Raadinta...
10/08/2026

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo WFP/UNHAS kala wareegtay qalab casri ah oo lagu xoojinayo Hawlgallada Raadinta iyo Badbaadinta (SAR)

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa maanta xarunteeda ku soo dhaweysay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), waxaana qayb ka ahaa Madaxa Qaybta Duulimaadyada ee Qaramada Midoobay (UNHAS) iyo wakiillo ka socday Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya. Intii ay booqashadu socotay, Maareeyaha HDRS Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa wafdiga siiyay warbixin ku saabsan horumarka ay Hay’addu gaartay, hawlaha mudnaanta u leh WFP/UNHAS iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga labada dhinac. Wafdigu waxa kale oo ay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee hay’adda, iyagoo si weyn ugu ammaanay horumarka laga sameeyay maamulka iyo adeegyada Duulista Rayidka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay HDRS qalab casri ah oo lagu horumarinayo Hawlgallada Raadinta iyo Badbaadinta Shilalka Diyaaradaha (Search and Rescue – SAR), kaas oo la jaanqaadaya furitaanka xarun cusub oo shaqayn doonta 24 saacadood maalintii. Qalabkan ayaa sare u qaadaya awoodda isgaarsiinta degdegga ah, goobaynta iyo raadinta diyaaradaha ama dadka ku jira xaaladaha degdegga ah, iyo dardargelinta jawaab-celinta samatabbixinta iyadoo la waafajinayo heerarka Ururka Duulista Rayidka Adduunka (ICAO). Deeqdan ayaa qayb ka ah taageerada joogtada ah ee WFP/UNHAS ay siiyaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed si loo xoojiyo badqabka iyo amniga duulimaadyada Dalka.

Gebagebadii booqashada, WFP/UNHAS waxay caddeeyeen inay sii wadi doonaan taageerada ay ku horumarinayaan garoomada diyaaradaha Soomaaliyeed, tayeynta awoodda shaqaalaha iyo horumarinta nidaamyada sharciyeed ee Hay’adda Duulista. Maareeyaha HDRS ayaa uga mahadceliyay WFP/UNHAS garab istaagga iyo iskaashiga ay la leeyihiin Hay’adda, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si joogto ah ugu tallaabsanayso casriyeynta maamulka Hawada iyo kor u qaadista badqabka Duulimaadyada. Ugu dambayn, labada dhinac ayaa kala saxeexday dukumentiyada kala wareegidda qalabka iyo is-afgarad lagu sii xoojinayo wada shaqaynta mustaqbalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa ujeedooyinka, Siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dhiirigelinta q...
13/07/2026

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa ujeedooyinka, Siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dhiirigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed, ayey maanta soo dhaweyn iyo bandhig kooban u qabatay qoysas Soomaaliyeed iyo arday qurbajoog ah oo dalka wax ka barta.

Booqashada ayaa lagu soo bandhigay kaalinta muhiimka ah ee Hay’addu ka qaadato horumarinta Duulista Rayidka, iyadoo martida loo soo bandhigay guulaha la taaban karo iyo horumarka uu dalkoodu ka sameeyay dhinaca Duulista iyo adeegyada la xiriira.

Hay’adda Taageerada Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa fududeysay isku xirka iyo ka qaybgalka qoysaskan, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo xiriirka qurbajoogta iyo Hay’addaha dowladda, lana dhiirrigeliyo in ay si dhow ula socdaan horumarka ka socda dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay markasta soo dhoweynaysaa dadaallada kor u qaadaya wadajirka bulshada, kobcinta aqoonta dhalinyarada, iyo xoojinta doorka qurbajoogta Soomaaliyeed ee horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Martigelisay Tababar Aqooneed loo Qabtay Ardayda Kuliyadda Culuumta Duulista R...
29/06/2026

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Martigelisay Tababar Aqooneed loo Qabtay Ardayda Kuliyadda Culuumta Duulista Rayidka ee Jaamacadda Muqdisho

Muqdisho, 29 Juun 2026 – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyadoo gudanaysa waajibaadka ka saaran bulshada (Corporate Social Responsibility) ayaa maanta xarunteeda ku martigelisay tababar aqooneed loo qabtay ardayda Kuliyadda Culuumta Duulista Rayidka ee Jaamacadda Muqdisho.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in ardayda lagu kordhiyo aqoonta iyo fahamka la xiriira maamulka iyo horumarinta Duulista Rayidka, shuruucda iyo xeerarka Duulista, badqabka iyo amniga Hawada iyo doorka ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ka qaadato nidaaminta iyo horumarinta adeegyada Duulista ee dalka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan oo furay tababarka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada wax ka barata culuumta Duulista la siiyo fursado ay ku helaan aqoon iyo waayo-aragnimo dhab ah oo ku saabsan howlaha hay’adaha Dowladda. Waxa uu xusay in maalgashiga aqoonta iyo tayeynta jiilka cusub ay door weyn ka qaadanayaan horumarinta mustaqbalka Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ayaa ku dhiirrigeliyay ardayda inay ka faa’iideystaan tababarrada noocan oo kale ah, iyagoo dadaal dheeraad ah gelinaya barashadooda si ay mustaqbalka uga mid noqdaan xirfadlayaasha hormuudka u noqon doona horumarinta iyo casriyeynta Duulista Rayidka Soomaaliya.

Intii uu socday tababarku, khubaro ka tirsan Hay’adda ayaa ardayda la wadaagay casharro iyo dood cilmiyeed ku saabsan habraacyada shaqo, heerarka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, iyo fursadaha shaqo iyo horumarineed ee ka jira Duulista Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay dib u xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay taageeridda waxbarashada, kobcinta aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay xarumaha tacliinta sare, si loo soo saaro jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta mustaqbalka Duulista Rayidka dalka.

15/06/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed MD. Ahmed Moallin Hassan ayaa maanta tababar ku saabsan ka hortagga cudurka Ebola u furay qaar kamid ah shaqaalaha Hay’addaha ka howlgala Garoonka Aadan Cadde.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo qabatay tababar ku saabsan ka hortagga cudurka EbolaMuqdisho, Soomaaliya – Hay...
15/06/2026

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo qabatay tababar ku saabsan ka hortagga cudurka Ebola

Muqdisho, Soomaaliya – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta u furtay qaar ka mid ah shaqaalaheeda iyo hay’adaha ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan aqoon-isweydaarsi lagu xoojinayo dadaallada ka hortagga cudurka Ebola oo ka dillaacay dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Tababarkan oo ay Hay’addu kaashaneyso Hay’adda Duulista Rayidka ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (CASSOA), ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadista wacyiga iyo diyaar-garowga lagu xakameynayo cudurrada faafa, gaar ahaan Ebola, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka rakaabka.

Daahfurka tababarka waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Garoonka Aadan Cadde, maamulka shirkadda Favori LLC iyo wakiillo ka socday CASSOA.

Masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya garoomada diyaaradaha si loo xoojiyo ka hortagga cudurrada faafa loona hubiyo badqabka caafimaad ee rakaabka isticmaala duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo u diyaargarowga Soomaaliya ee ka hortagga khataraha caafimaad ee ka imaan kara cudurrada faafa ee ka jira gobolka iyo qaaradda Afrika.

15/06/2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed MD. Ahmed Moallin Hassan oo ka warbixiyay dadaalo lagu xoojinayo diyaar-garowga ka hortagga Ebola.

08/06/2026

Warbixinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee booqshada wufuud heer Caalami ah oo ka kala socda ICAO, iyo dadaallada lagu dhammaystirayo diyaar-garowga Imtixaanka ama Audit-ka ICAO ee Soomaaliya u furaya fursadaha dhaqaaale iyo ganacsi ee duulimaadyada caalamiga ah.

Address

Aden Abdulle International Airport
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Civil Aviation Authority - SCAA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share