Abdulkadir Mohamed Nur

Abdulkadir Mohamed Nur Dadaalaaba wuu gaaraa!

05/09/2026

Waxaan ku boorrinayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inay dhowraan dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta, isla markaana ay u shaqeeyaan si madax-bannaan, caddaalad ah oo hufan.

Guddiga waxaa waajib ku ah inuu hawlihiisa iyo go’aannadiisana u guto si waafaqsan shuruucda kale ee dalka, isla markaana ay u sinnaadaan dhammaan dhinacyada ururada siyaasadda, musharraxiinta iyo cod-bixiyeyaasha.

02/09/2026

Waxaa maanta booqasho iigu yimid Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo aan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo Xukuumadda, si waafaqsan Dastuurka, shuruucda dalka iyo danaha shacabkeenna, loona dardargelin lahaa shuruucda mudnaanta u leh howlaha qaran ee horyaalla Golaha.

Waxaan uga mahadcelinayaa Rt. Hon. Dr. Moses M. Wetang’ula, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Kenya, hambalya...
02/09/2026

Waxaan uga mahadcelinayaa Rt. Hon. Dr. Moses M. Wetang’ula, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Kenya, hambalyada qiimaha badan ee uu ii soo diray munaasabadda doorashadayda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

01/09/2026

Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Alper Aktaş, oo aan ka wada hadalnay xiriirka qotada dheer, walaaltinimada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.

Xiriirka wanaagsan ee labada dal wuxuu ku dhisan yahay is-ixtiraam, kalsooni iyo iskaashi miro-dhal ah. Waxaan uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rajeynayaa in xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal uu sii xoogeysan doono, si loo gaaro horumar iyo danaha ay wadaagaan labada shacab.

01/09/2026

Waxaan maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaranka ee Amniga Gudaha oo muhiim u ah qiimeynta xaaladda amniga,isku-dubbaridka hay’adaha iyo dejinta aragti Qaran oo ku saabsan mustaqbalka amniga Soomaaliya.

Soomaaliya waxay maanta u gudbaysaa marxalad ay si buuxda ula wareegayso masuuliyadda amnigeeda, Hadafkeennu waa inaan dhisno hay’ado amni oo ay Soomaaliya awooddo inay maamusho, maalgeliso, joogteyso, kuna shaqeeya Dastuurka iyo sarreynta sharciga.

Waxaan dadaal wayn ku bixin doonnaa waxyaabaha hortabinta uleh Qarankeena, waxaan dadajin doonaa xeerarka khuseeya amniga ee yaalla ama soo gaara Golaha Shacabka BFS, gaar ahaan Xeerka Xogta Rasmiga ah, si loo xaqiijiyo helitaanka xogta iyo ilaalinta siraha Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa Marwo Khalida Boufedeche, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga S...
31/08/2026

Waxaan uga mahadcelinayaa Marwo Khalida Boufedeche, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga Algeria, hambalyada qiimaha badan ee ay ii soo dirtay munaasabadda doorashadayda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaan si weyn u qadarinayaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa shacabka iyo dowladda Türkiye munaasabadda 30-ka Agoosto, oo ku astaysan Maalinta Guus...
30/08/2026

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa shacabka iyo dowladda Türkiye munaasabadda 30-ka Agoosto, oo ku astaysan Maalinta Guusha.

Guushan taariikhiga ah waxay muunad u tahay halganka xorriyadda, madaxbannaanida iyo karaamada, waxayna dhiirrigelin u noqotay shucuub badan oo dunida ku nool.

Soomaaliya waxay si qoto dheer u qadarinaysaa taageerada joogtada ah ee Türkiye, gaar ahaan doorkii taariikhiga ahaa ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo iskaashiga xooggan ee labada dal.

Waxaan ku kalsoonahay in walaaltinimada iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ay sii xoogeysan doonaan mustaqbalka. Shacabka Turkigana waxaan u rajaynayaa nabad, barwaaqo iyo guulo waara.

30/08/2026

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed Afandi iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mohamed Alim.

Kulamada aan la yeeshay labada Danjire waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo iyo iskaashiga ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo labada dal ee walaalaha ah ee Suudaan iyo Aljeeriya.

Waxaan sidoo kale adkeynay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo sii ambaqaado danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan dalalkeenna.

30/08/2026

Iyadoo laga ambaqaadayo hirgelinta Hagaha Guud ee Korjoogteynta iyo La-xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha Dowladda, ayaan maanta la kulmay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda iyo Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda.

Kulankaas ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta gudashada waajibaadka guddiyada ee korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha Dowladda, iyo sidoo kale xoojinta ka shaqeynta hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada, si loo horumariyo hannaanka sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha Dowladda

Waxaan ku boorrinayaa dhammaan Guddiyada inay xoojiyaan gudashada waajibaadkooda, kor u qaadaan hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, isla markaana dardargeliyaan howlaha horyaalla, si Golaha Shacabku u noqdo hay’ad si dhab ah oo wax-ku-ool ah ugu adeegta danaha iyo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

29/08/2026

Waxaan maanta guddoomiyay kulanka 8-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ajendihiisu ahaa:

1. Dhammeystirka doodda akhrinta 2-aad ee hindise-sharciyeedka kufsiga Iyo anshax xumada Kale.

2. Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka sharciga arrimaha qoyska.

3. Akhrinta 1-aad ee Hindise-sharciyeedka xuquuqda caruurta.

*QEYBIN:*

1. Warbixinta akhrinta 2aad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hay'adda Dakhliga Qaranka.

2. Warbixinta akhrinta 2aad ee hindise-sharciyeedka iskaashiga garsoorka caalamiga ah.

Address

KM4 Street
Mogadishu

Telephone

+905077397299

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulkadir Mohamed Nur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdulkadir Mohamed Nur:

Shortcuts

Share