Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh

Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh Official page Minister of Interior, Federal affairs and Reconciliation of the Federal Republic of Somalia.

Waxaan maanta kulan xog-warran iyo warbixinno miro-dhal ah la qaatay hoggaannada hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda ee Ha...
11/08/2026

Waxaan maanta kulan xog-warran iyo warbixinno miro-dhal ah la qaatay hoggaannada hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI).

Waxaan bogaadiyey horumarka laga sameeyey mudnaanta iyo hortabinnada shaqo ee hay’adaha iyo guulaha muuqda ee la gaaray. Sidoo kale, waxaan si qoto-dheer u dul istaagnay mudnaanta shaqo ee hadda taagan iyo caqabadaha saameynaya hirgelinta howlaha iyo gudashada waajibaadka hay’adaha.

Waxaan adkaynayaa muhiimadda ay leedahay iskaashi, wada-shaqayn iyo isku-duwid xooggan oo dhex marta Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada. Wasaaraddu waxaa si buuxda uga go’an xoojinta kormeerka, isku-duwidda iyo taageerada hay’adaha, si loo hubiyo inay si hufan oo wax-ku-ool ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay si joogto ah uga shaqeeyaan hirgelinta mudnaanta iyo lajaanqaadka qorshayaasha qaranka.

Waxaan guddoomiyey shirka billaha ah ee shaqaalaha guud ee Wasaaradda iyadoo diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah hor...
09/08/2026

Waxaan guddoomiyey shirka billaha ah ee shaqaalaha guud ee Wasaaradda iyadoo diiradda lagu saaray qodobo muhiim u ah horumarinta iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin soo bandhigidda waxqabadka Wasaaradda, dhaqan-gelinta Xeerka Anshaxa Shaqaalaha, dabagalka iyo fulinta ballanqaadyada shaqo, iyo qaar kale oo muhiim u ah howlaha shaqo iyo hiigsiga Wasaaradda.

Intii uu shirku socday, waxaan adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhammaan hoggaanka iyo shaqaalaha Wasaaraddu si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka shaqada, isla markaana xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka. Waxaan sidoo kale ku boorriyey shaqaalaha in ay si joogto ah u qiimeeyaan waxqabadkooda, u hoggaansamaan qorshayaasha shaqo, una wada shaqeeyaan si masuuliyad leh, si loo xaqiijiyo in Wasaaraddu gaarto himilooyinkeeda, una gudato waajibaadkeeda si hufan oo wax-ku-ool ah.

Waxaan kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaa...
09/08/2026

Waxaan kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), waxaana si qoto-dheer uga wada hadalnay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan horumarka laga sameeyay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, xoojinta nabadda iyo midnimada bulshada iyo dadaallada lagu tayeynayo dhismaha iyo awoodda hay’adaha dowlad-goboleedka.

Waxaan si gaar ah u adkeynnay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, si loo mideeyo dadaallada ku wajahan nabadda, dowlad-dhiska, amniga iyo horumarka.

Waxaan maanta booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad-goboleedka Waqooyi...
03/08/2026

Waxaan maanta booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliyeed, anigoo ku sugan magaalada Laascaanood.

Intii aan booqashada ku jiray, waxaan kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Duqa Magaalada Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka. Waxaan is-weydaarsannay xog ku saabsan xaaladda guud, xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iswaafajinta qorsheyaasha horumarineed, mudnaansiinta baahiyaha aas-aasiga ah iyo sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa caqabadaha jira.

Waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka muuqda ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dedaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliyeed.

Waxaan mar kale adkeeyey in ay muhiim tahay sii xoojinta wada-shaqeynta, isku-dubbaridka qorsheyaasha iyo dardargelinta adeegyada loo fidinayo shacabka, si loo xaqiijiyo dowladnimo hufan, horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada.

31/07/2026

Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa shacabka Puntland munaasabadda weyn ee 28 guurada kasoo wareegtay aasaaskii Dowlad-Goboleedka Puntland

Puntland waa tiir kamid ah tiirarka dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee dalka, waxay door weyn kasoo qaadatey dib u dhiska dowladnimada dalkeena.

Horumarka dowladnimada guud ee dalkeenu waa horumarka Puntland, halka horumarka, nabadda iyo xasilloonida Puntland ay laf-dhabar u tahay guusha dalkeena.

Mustaqbal wanaagsan oo ka dhexeeya bulshada Somaliyeed waxaa lagu gaari karaa
wada-hadal, wadajir, is-aaminaad iyo iskaashi ku dhisan danta qaranka.

Munaasabaddan awgeed, waxaan marlabaad shacabka Puntland u rajeynayaa nabad waarta, horumar, barwaaqo iyo midnimo, waxaana Allah uga baryayaa inuu sii adkeeyo walaaltinimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, si aynu u wada dhisanno dal nabdoon, dimuqraadi ah oo horumarsan.

Hambalyo 28-guurada Puntland.

31/07/2026

Madashii buuga Ambassador Maxamed Cabdi Afey ee Garowe, hogaamiye Saciid wuxuu ka jeediyey hadallo abuuraya kala-qeybsanaan, marin-habaabin iyo jahawareer bulsho.

Dhibaatada Puntland ka taagani waa cillad ka imaanaysa hoggaan-xumada, shaqsiyadeynta iyo ku takrifalka dowladnimada Puntland.

Shacabka Puntland waxa ay dhaqan siyaasadeed u lahaayeen siyaasad ku dhisan wada-hadal iyo in talada laga qeyb-geliyo dadka waxgaradka ah ee deegaanka.

Waxuu burburiyey dhaqamadii siyaasadeed ee wanaagsanaa, waxuuna soo kordhiyey b**b siyaasadeed, awood qori keliya lagu raadiyo iyo kala-qeybinta bulshada Puntland.

Hogaamiye Saciid wuxuu si qaldan u fasiray guushii Shirka Carta, taariikhdiina wuxuu u qalloociyey si uu khaladaadkiisa u qurxiyo.

Federaalnimada dalka ma haboonna in caqabad lagu noqdo, federaalnimaduna waa wadda-xaajood iyo wada-hadallo joogto ah. Federaalnimadu ma’ahan in lala safto dalal shisheeye oo burburinaya wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya.

Hogaamiye mustaqbal fiican lihi ma isticmaalo erayadda kala-fogeynaya bulshada, jahwareejin iyo marin-habaabin.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, bahda fanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeri...
31/07/2026

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, bahda fanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Cigaal oo ka mid ahaa haldooradii fanka Soomaaliyeed.

Marxuumku wuxuu ahaa fannaan weyn oo heesihiisa iyo hal-abuurkiisu si weyn ugu hiiliyeen horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, kobcinta afka hooyo, xoojinta nabad-dhiska iyo qaranimada. Wuxuu bulshada uga tegay dhaxal faneed iyo suugaaneed qiimo weyn leh, kaas oo jiilasha maanta iyo kuwa soo socda ay ka faa’iideysan doonaan.

Waxaan Alle uga baryeyaa Marxuum Axmed Cali Cigaal inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaan buuxana ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda fanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

30/07/2026

Waxaan u hambalyeynayaa Dowladda Goboleedka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed hirgelinta doorashada isku-sidkan, taariikhiga ah ee qof iyo cod, taas oo maanta si nabad iyo hufnaan leh uga qabsoontay 11 degmo oo ka tirsan Galmudug, kuwaasi oo ay ku jiraan Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka mid ah degmooyinka dhowaan laga xoreeyey Argigixiaada Khawaarijta.

Doorashadani waxay astaan u tahay horumar muuqda oo laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaam doorasho oo ku dhisan rabitaanka shacabka. Waxay sidoo kale muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada hirgelinta hannaan dimuqraadi ah oo waara.

Sidoo kale Waxaan bogaadinayaa dhammaan ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashadan, kuwaas oo muujiyey biseyl siyaasadeed, tartan hufan iyo u hoggaansanaan shuruucda doorashada. Doorashadani waxay dib u soo nooleynaysaa doorashooyin deegaan oo aan ka dhicin deegaannadan muddo ku dhow 57 sano.

waxaan ammaan u jeedinayaa hay’adaha amniga Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug, kuwaas oo si hufan u sugay amniga goobaha codbixinta, una xaqiijiyey in muwaadiniintu si nabad ah u gutaan xaqooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, waxaan bogaadinayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dadaalka iyo hufnaanta ay ku maareeyeen diyaarinta iyo hirgelinta doorashadan, taas oo sii xoojinaysa geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta nidaamka qof iyo cod ee Soomaaliya.

29/07/2026

Hambalyo Sanad-guurada Koowaad ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, oo ah dowlad-goboleedkii toddobaad iyo kan ugu da’da yar dowlad-goboleedyada dalka, munaasabadda sanad-guuradiisa koowaad.

Sidoo kale, waxaan hambalyo u dirayaa hogaamiyaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hogaamiye Ku-xigeenka, Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka & Xukuumadda.

Sanad guuraddaani waxay astaan u tahay guulaha laga gaarey hirgelinta iyo baahinta nidaamka federaalka ee dalka.

Waxaan rajaynayaa in bulshada Waqooyi Bari ay sanad-guuradan uga faa’iideystaan sii xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo isku-duubnida bulshada.

Kani waa sannadkiinnii koowaad, guulo waaweyna waxaad ku gaari kartaan adkaysi, iskaashi, wadajir iyo hiigsi fog.

Markale Hambalyo hogaanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

27/07/2026

Siyaasiyiinta iyo mucaaradku wey soo bandhigi karaan aragtiyo, balse waxaa muhiim ah in la keeno aragti leh horusocodnimo iyo ilaalinta dowladnimada

Markii ay ku guuldareysteen tartankii soo gudbinta aragtiyaha siyaasadeed iyo doodihii ku saabsanaa hanaanka doorashooyinka dalka, waxaa soo baxdey koox daalan, niyad jabsan oo ku baaqeysa dalka dib haloo celiyo, hana lagu celiyo marxaladihii h**e ee laga soo gudbey.

Moddooyinkii danbe, dalku wuxuu soo yeeshay lix dowladood; sadex ku-meel gaar ah iyo saddex dowladood oo rasmi ah. Dhammaan lixdaas dowladood waxay ku yimadeen xilka nidaam doorashooyinka dadban.

Dalku maanta wuxuu u gudbey doorashooyinka Qof iyo Cod, waxaana guuleysatay aragtidii shacabka oo ahayd in talada iyaga lagu soo celiyo.

Kooxdii ku jabtey riixista doorashada dadban, diidaneyd isbedelka, isna hortagtey codka shacabka, ayaa maanta ku doodeysa dalka dib haloo celiyo ,waa fariin dalal shisheeye ee maahan aragti ka iimaan karta siyaasi dalka rajo ka leh.

Maanta, dalku wuxuu u gudbey marxalad cusub, dastuur dhameystiran iyo doorashooyinka Qof iyo Cod.

Waxaanu dooraney jidka h**e u socodka, mustaqbalka siyaasada ee dalka waxaa go’aaminaya shacabka Soomaaliyeed, mana jiri doonto dib u noqosho.

Address

Hawl-wadaag
Mogadishu
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh:

Shortcuts

Share