05/09/2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Hon Ali Yusuf Ali - Xoosh ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda lagu daahfurayay Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka xilliyada Howlgallada Ciidanka iyo Colaadaha Hubeysan.
Wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay diyaarinta siyaasaddan muhiimka ah, isagoo xusay in ilaalinta nolosha, karaamada iyo hantida dadka rayidka ah ay tahay waajibaad dowladnimo iyo saldhigga kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.
Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dadka rayidka ah ay waxyeello kala duwan kala kulmaan kooxaha khawaariijta, colaadaha beelaha, aargoosiga, maleeshiyaadka iyo howlgallada hubeysan isagoo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ilaalinta rayidka xilliyada colaadaha beelaha, xasilinta deegaanada ay dowladdu la wareegto, iyo in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda iyo kaabayaasha bulshada, muhiimad gaar ahna la siiyo haweenka, carruurta, dadka naafada ah iyo dadka barakacay.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ku baaqay in Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidku noqoto siyaasad si buuxda uga hirgasha dhammaan heerarka dalka, oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada, degmooyinka, ciidamada ku sugan furimaha h**e iyo goobaha u nugul colaadaha.