Banaadir TV

Banaadir TV Banadir TV is a Government/Mogadishu Municipality Owned TV in Somalia.. Benadir TV is a Television Broadcast administrative region in south-eastern Somalia.

It covers the same area as the city of Mogadishu, Somalia’s capital.

05/09/2026

TOOS: WARKA HABEEN EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | HABEEN SABTI AH | 05-09-2026.

05/09/2026

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo maanta loo soo xiray tababar.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA IYO TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYB GALAY KULAN LOOGA HADLAYAY ILAALINTA BADQABKA RAYI...
05/09/2026

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA IYO TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO KA QAYB GALAY KULAN LOOGA HADLAYAY ILAALINTA BADQABKA RAYIDKA

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qayb galay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Gaashaandhigga, kaas oo looga hadlayay xoojinta ilaalinta badqabka iyo amniga shacabka rayidka ah xilliyada ay socdaan howlgallada ciidanka iyo colaadaha hubeysan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo dadka rayidka ah, iyadoo la dhowrayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo masuuliyadda ciidanka ee ilaalinta shacabka.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada lagu wacyigeliyo ilaalinta xuquuqda rayidka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlgallada amni iyo kuwa ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

05/09/2026

TOOS: WARKA DUHUR EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | MAALIN SABTI AH | 05-09-2026.

04/09/2026

TOOS: WARKA HABEEN EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | HABEEN JIMCO AH |04-09-2026.

04/09/2026

WARBIXIN: Ballaanqaadkii Duqa Caasimada oo si dhammaystiran loo fuliyay, iyadoo dadweynaha ay ka mahadnaqayaan kaalintiisa

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo ka...
04/09/2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, taas oo ka dhacday guri ku yaalla degmadaas.

Dowladdu waxay cadaynaysaa inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi, iyadoo xogaha horudhaca ah ee ay heleen hay’adaha amniga muujinayaan in Qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.

Dowladdu waxayna si degdeg ah u magacaabi doontaa guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan dhab ah oo dhammaystiran ku sameeya dhacdada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.

Degmada Doolow waxay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka ku nool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digeysaa in aan lagu kadsoomin wararka been abuurka ah ee ka hordhacaya baaritaanka, kuwaas oo loogu talo galay in lagu jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka marka uu soo dhammaado.

03/09/2026

TOOS: WARKA HABEEN EE TELEFISHANKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR | HABEEN KHAMIIS AH | 03-09-2026.

03/09/2026

Bulshada Reer Tokyo oo Soo Dhaweeyay Dadaallada Maamulka Gobolka Banadir ee Dib-u-dejinta iyo Dib-u-habaynta Obasiibooyinka.

03/09/2026

Muqdisho oo Martigelisay Kulan Loogu Mahadcelinaayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho

Address

Secondo Liido
Mogadishu
12000

Telephone

+25261080808

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Banaadir TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Banaadir TV:

Shortcuts

Share