Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Our Telegram Chanel: https://t.me/NIECSomalia

Following a prolonged period without national elections, the newly formed National Independent Electoral and Boundaries Commission in Somalia is undertaking the crucial task of building an institutional framework to facilitate future electoral exercises.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo ay waheliy...
05/09/2026

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo ay waheliyaan Gudomiye kuxigeenka Guddiga, mudane Sadaq Abshir Garaad, qaar kamid ah xubnaha Guddiga iyo Xoghayaha guud ayaa maanta kulan la qaatay Gudomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ay weheliyaan Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka uga warbixyay Hawlihii u qabsoomay Guddiga tan markii la dhisay Guddiga oo ay ugu muhiimsanaayeen qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Degaanka ee Gobolka Banaadir, Doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Goleyaasha Degaanka iyo Golaha Wakiilada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Iyo Doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Goleyaasha Degaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dawlad Goboleedka Galmudug balse ay Natiijadeedi laashay Maxkamada Sare ee JFS, islamarkaan fartay Guddiga inuu ka qabto Galmudug Doorashooyin isku-sidkan oo kucelis ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gudiga ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay soojeedino la xiriira wax-kabdel lagu sameeyo qodobo kamid ah Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo farsamo ahaan fulintooda Guddigu caqabado kala kulmay, kuwaas u baahan in Baarlamaanka JFS u ku sameeyo dib- u eegis.

Ugu dambeyn, Gudomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ku booriyay qabashada Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay ka qabteen inta badan dalka, wuxuuna u sheegay Guddiga In Baarlamaanka uu ku garab taaganyahay hirgalinta Hanaanka Doorashooyinka qof iyo cod ee Guddiga kawado dalka si waafaqsan Dastuurka, iyo Shuruucda Doorashooyinka islamarkaana, wuxuu Guddiga kula dardaarmay inay qabashada Doorashooyinka ku hogaamiyo hanaan loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah.

Dhamaad

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururr...
02/09/2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda lagu saaray Jadwalka Doorashada Isku-sidkan ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle iyo Doorashada Ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyo dhammaystirka hawlaha muhiimka ah ee hirgelinta doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay diyaargarowga hawlaha farsamo ee Doorashooyinka sida qaybinta kaararka codbixiyeyaasha, soo gudbinta liisaska murashaxiinta, wakiillada Ururrada Siyaasadda ee goobaha codbixinta, iyo sidii si wadajir ah loo ilaalin lahaa hufnaanta, daah-furnaanta iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada.

Gabagabadii, Guddiga iyo Ururrada Siyaasaddu waxay isku raaceen in doorashooyinka labada Dowlad-Goboleed lagu galo jadwalka uu Guddigu shaaciyey, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada, iyadoo si buuxda loogu dhaqmayo shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka, si loo xaqiijiyo doorasho xor, xalaal ah, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo

Kulanka waxaa ka soo qayb-galay Ururada Siyaasadeed ee kala ah: -

1. Dhaqaaqa soomaaliyeed
2. ⁠Qaran
3. ⁠Ramaas
4. ⁠Cadaaladda iyo Midnimada Tiir
5. ⁠Karaama
6. ⁠Sincad
7. ⁠Towfiiq
8. ⁠Muwaadaniinta Soomaaliyeed
9. ⁠Madalsan
10. ⁠Dimuqraadiga Soomaaliyeed
11. ⁠Dadka Soomaaliyeed
12. ⁠Cadaaladda iyo Wadajirka
13. ⁠Dhalinyarada Talo Qaran
14. ⁠Dan Shacab
15. ⁠Midnimada Shacabka
16.Qaransoor

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo u hogaasamaya Go’aankii Maxkamada Sare ee JFS ee ...
31/08/2026

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo u hogaasamaya Go’aankii Maxkamada Sare ee JFS ee sumadiisa ahaa SUM:MSF/DD/BX/ 1/2026, soona baxay 24kii Agoosto 2026, islamarkaana gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay GMDQS, fulinayana qodobka 18aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka, wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa Jadwalka Doorashada ku-celiska ee isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Galmudug

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka...
31/08/2026

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan Qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay GMDQS, fulinayana qodobka 18aad ee sharciga Doorashooyinka Qaranka, xiganaya jadwalkii h**e ee Qabashada Doorashooyinka isku-sidkan ee soobaxay 25ki July 2026 ayna ku mudeysnayd qabashada Doorashada inay noqoto 20 Agoosto 2026, iyo War-saxaafadeedkii ka dambeeyay ee dib u dhigista Doorashooyinka ee soo baxay 19kii Agoosto 2026, laguna iclaaminayay in muddo labada todobaad gudahooda uu GMDQS ku soo saari doono Jadwal cusub.

Hadaba, Guddigu wuxuu si rasmi ah u shaacinaya Jadwalka Dooraashooyinka isku-sidkan ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddigu wuxuu ku wargalinayaa Ururada Siyaasada, Shacabweynaha reer Hirshabeele iyo Daneeyeyaasha kale ee Doorashooyinka Hirshabeelle inay u diyaagaroobaan si ay u gutaan kaalintooda kaga aadan ka-qaybgalka Doorashooyinka.

Shaacinta Degmooyinka ay ka dhici doonaan Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-go...
27/08/2026

Shaacinta Degmooyinka ay ka dhici doonaan Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

WAR-SAXAAFADEED.
26/08/2026

WAR-SAXAAFADEED.

WARGELIN.
19/08/2026

WARGELIN.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudne Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay weheliy...
13/08/2026

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudne Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka, qaar kamid ah Xubnaha Guddiga Iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa looga hadalay ka-qaybgalka haweenka ee hannaanka doorashooyinka gaar ahaan sugidda qoondada haweenka.

Golaha Haweenka ayaa Gudiga ku bogaadiyay sida ay ururrada siyaasadda ugu adkeyeen sugidda qoondada haweenka balse wali aysan u helin qoondada 30% oo ay ahayd inay ka helaan dhammaan golayaasha la doortay.

Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa u ballanqaaday Haweenka inay ku adkeyn doonaan ururrada siyaasadda inay ilaaliyaan qoondada haweenka, wuxuuna u balanqaaday in kulamo gaar ah oo u dhexeeya ururrada siyaasadda iyo haweenka la qaban doono si loo xaqiijiyo sugidda qoondada haweenka.

Ugu dambeyn, Guddiga iyo Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale islamarkaana Guddiga iyo Golaha Haweenka ay labada dhinacba qaataan kaalinta Haweenka ee kaga aaddan ka qaybgalka geedi-socodka Doorashooyinka.

GUDDIGA MADAXA-BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA OO KULAN LA QAATAY BEESHA CAALAMKAGudoomiyaha Guddiga Ma...
10/08/2026

GUDDIGA MADAXA-BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA OO KULAN LA QAATAY BEESHA CAALAMKA

Gudoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay waheliyaaan Komishanar Cabdi Cadow, Komishanar Maxamed Amiiin Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Guddiga Xuseen Nuunow Cali ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha calamka.

Kulankan xogsiinta ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirada wadamada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkey, Ethopia, Kenya, Sudan iyo Masar, sidoo kale Xubno ka socday hay’adaha caalamiga sida Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashi Islaamka ayaa looga hadlay ariimaha Doorashooyinka.

Gudoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ugu horreyn khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qobsoomay Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ugu muhiimsanaayeen Doorashooyinki Golaha Deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo Doorshooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Degeenka iyo Golaha Wakiilada ee ka qabsoomay Dawlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Doorashooyinka isku-sidkan ee qorsheysan inay ka qabsoomaan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Gudoomiyah ayaa sheegay in Geedi-socodka Doorashada qof iyo Cod uu si wanagaasan dalka uga hirgalay islamarkaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen kudhawaad muddo kusiman 57 sano inay dootaan wakiiladooda kumatalayo siyaasada heerarkeda kala duwan.

Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka oo iyaguna dhankooda su’aalo iyo hadalo kajeediyay kulanka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

03/08/2026

Shaacinta natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug ka dhacday 30-kii Luulyo.

Address

NIEBC HQ
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252613611116

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka:

Shortcuts

Share