21/08/2026
Hoggaamiyaha Xisbiga Towfiiq Dr Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan ayaa Magaalada Dhusamareeb kaga qeybgalay madal cilmiyeed ay Soo agaasintay Mu’asasada Al Mohammediyah Faraceeda Galmudug uu ciwaankeedu ahaa “لماذا نحتفل بمولد النبوي الشريف”.
Barnaamijka oo ay ka qeybgaleen Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahana iyo qeybo ka mid ah Culimada Caasimadda Dhusamareeb Ee Galmudug ayaa lagu qaadaa dhigay xafladaha dhalashada Nabiga NNKH oo inta badan Sheikh Shaakir laga weydiiyay weydiimo Ku saabsan xafladaha Mowliidka Nabiga Scw .