Mohamed Jafar Ali

Directions

Mohamed Jafar Ali Official Page of Director General of Forlanini Public Hospital Under the Ministry of Health-Somalia

05/10/2026

Tani waa sheekada Isbitaalka Laanzareeti Forlanini, oo ah isbitaal loogu talagalay in lagu daaweeyo cudurrada faafa iyo goob lagu daryeello dadka qaba xanuunnada dhimirka. Waxa uuna ka mid yahay isbitaalladii uu saameeyay burburkii dalka, balse dedaal badan kaddib dib loo howl geliyey.

Waxaan maanta kusoo dhaweynay airport ka dalkana dib loogu soo celiyay dhalinyaro badan oo ku xirnaa dalka dibadiisa, iy...
14/09/2026

Waxaan maanta kusoo dhaweynay airport ka dalkana dib loogu soo celiyay dhalinyaro badan oo ku xirnaa dalka dibadiisa, iyadoo dowlada soomaaliya ay i diyaarisay xarumahii lagu xanaaneyn lahaa, sidoo kale Wasaarada Caafimaadka XFS ay siisay baaritaanoo iyadoo looga hortagay airportka.

Waxaa sidoo kale loo qeybin doonaa Isbitaalada ay quseyo, hadii ay jiraan xaalado deg deg ah, bukaanada ka xanuunsan dhimirkana waxaa la geyn doonaa Isbitaalka Dadweynaha Lansereti.

Waxaan goob joog ahaa Madaxa barkacayaasha Wasaarada Caafimaadka Dr Sadio Mohamed Mo’allim, Hay’ada Qaxootiga & barakacayaasha, Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, iyo Wasaarada Caafimaadka.

Waxaan Maanta Xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka, Liibaan Cabdi Gacal, Madaxa Barakacayaasha e...
12/09/2026

Waxaan Maanta Xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka, Liibaan Cabdi Gacal, Madaxa Barakacayaasha ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Sacdiya Maxamed Macallim, iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranku isaga kaashan lahaayeen dib-u-dajinta iyo daryeelka caafimaad ee dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo noqday iyo qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay.

Dadkaan dalka dib ugu soo noqday ee isugu jira dad ka xanunsan dhimirka ayaa lagu dabiibi doonaa Isbitaalka dadweynaha ee lansereti.

Qorshahan ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dadka qaba xanuunnada dhimirka, kuwaas oo loo qorsheynayo in lagu daryeelo laguna daweeyo Isbitaalka Dadweynaha Forlanini, iyadoo la siin doono adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin, oo ay ku jiraan daaweyn iyo daryeel joogto ah.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adda Qaxootiga Qaranka Hay’ada Socdaalka & Jinsiyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay in dadka dalka lagu soo celiyo loo helo daryeel caafimaad iyo adeegyo ku habboon baahidooda.

18/08/2026

Exciting to meet at the Italian Embassy, to Cicilian Military Cooperation (CIMIC) discussing the renewal of partnership agreements and express gratitude for their ongoing support for the hospital's rehabilitation.

Thanks CIMIC for your vital, ongoing support for the rehabilitation and renovation of Forlanini Hospital. We look forward to our renewed partnership and continuing our shared mission for better healthcare in Somalia. ,

Waxaan xarunta safaarad dolwada Taliyaaniga kulan kula qaatay Cutubyada Ciidamada Taliyaaniga Qeybta Arimaha Bulshada, o...
17/08/2026

Waxaan xarunta safaarad dolwada Taliyaaniga kulan kula qaatay Cutubyada Ciidamada Taliyaaniga Qeybta Arimaha Bulshada, oo aan uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaaga ay umuujiyeen isbitaalka dadweynaha ee lansereti.

Si sare loogu adeeg bixinta caafimaadka dalka waxaan kala saxiixanay heshiis wada shaqeyn oo ku aadan dhismaha kaabayaasha, dayactirka, iyo qalabeynta, anigoo uga mahadceliyay shaqadii h**e ee aan wada qabanay.

Dowlada Taliyaaniga waxeey noo dhistay xaruma muhiim u ah adeeg bixinta caafimaadka dalka oo ay ka dhex dhistay isbitaalka lansereti.

Waxaan ka qeyb galay Xaflada daahfurka qaliimada qanjirka Prostate ka oo ay faah fureen bahda Isbitaalka Kaafi Hospital ...
07/08/2026

Waxaan ka qeyb galay Xaflada daahfurka qaliimada qanjirka Prostate ka oo ay faah fureen bahda Isbitaalka Kaafi Hospital oo ay fulin doonaan dhkhaatiir ajaanib ah iyo Soomaali.

Isbadalka iyo horumarka ee kusoo kordhaya Sector ka Caafimaadka Dalka waxey muujineysaw in horumar badan laga sameeyay qaliimada casriga ah ee furan ee laga fulinaayo dalkeena.

Waxaan bogaadinayaa Maamulka Sare ee Isbitaal Kaafi oo la yimid markii ugu h**eysay in dalka laga hirgaliyo Qaliimada furan ee Qanjirka Prostate ka.

14/07/2026

Waxaan kalmad kooban ka jeediyay shirka wadatshiga ee u dhexeeya Hay’ada Ceymiska Caafimaadka Qaranka iyo Isbitaalada Gaarka loo leeyahay.

Kulankaas oo looga tashanayay dib u howlgalinta Ceymis mideysan kaasoo adkeynaya dhaqan galka Xeernidaamiyaasha Hay’ada Ceymiska, iyo iskuxirka daryeel bixinta Caafimaadka Gaarka Loo leeyahay.

Waxaan ka qeyb galay kulanka Wadatashiga Qaran ee dib u Howlgalinta Ceymiska Mideysan oo ay qabaty Wasaarada Caafimaadka...
14/07/2026

Waxaan ka qeyb galay kulanka Wadatashiga Qaran ee dib u Howlgalinta Ceymiska Mideysan oo ay qabaty Wasaarada Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS.

Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka ayaa soo qaban qaabisey kulan wadatashi ah oo ay la yeelatay adeeg bixiyeyaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay, kulanka ayaana diiradda lagu saaray dib u howlgelinta caymiska mideysan, adkeynta dhaqangelinta xeerarka iyo nidaamyada caymiska caafimaadka, u qareemista caymiska, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya adeeg bixiyeyaasha gaarka loo leeyahay iyo hanaanka Caymiska Caafimaadka Qaranka.

Waxaan u mahadcelinayaa Maareeyaha Guud ee Hay’ada Ceymiska Caafimaadka Qaranka Dr Abdirisaaq Jalaaludiin oo juhdi weyn kubixiyay sidii dib loogu howlgalin lahaa Hay’adaan sidoo kale ka dhameestiray shuruucda hay’ada iyadoo ay h**e u ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Al...
03/07/2026

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumku wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo door muuqda ka soo qaatay nabadeynta, dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta arrimaha bulshada, isagoo bulshada uga tegay dhaxal wanaagsan iyo taariikh lagu xusuusan doono.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa waasaca ah, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo, Janatul Firdowsana hoy uga dhigo. Sidoo kale, waxaan Alle uga baryayaa qoyskiisa, ehelkiisa, Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aaamiiin.

Address

KM0
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Jafar Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share