Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay horumarinta dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐›๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐—๐…๐’, ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ...
23/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐›๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐—๐…๐’, ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐”๐๐ƒ๐ ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐. ๐‚๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐จ๐ฉ๐ก๐จ๐ซ๐จ๐ฌ ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ญ๐ข๐ฌ.

โ€‹Kulankan oo ahaa mid is-barasho iyo xiriir xoojin ah, ayaa diiradda lagu saaray qodobada ugu muhiimsan ee horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed:

-โ€‹Balaarinta Barnaamijyada Muhiimka ah: Dhameystirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda & Amniga.
-โ€‹Xirfad U Sameynta Dhallinyarada: Barnaamijyo shaqo-abuur iyo kobcin xirfadeed loogu tusaaleynayo dhallinyarada.
-โ€‹Dugsiga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda: Xoojinta mashruuca wadajirka ah ee lagu dhisayo hab-fikirka nabadaha iyo dimoqraadiyadda.

โ€‹Md. Christophoros Politis ayaa u mahadceliyay hoggaanka Wasaaradda, isagoo adkeeyay in UNDP ay ka go'an tahay fulinta dhammaan heshiisyada iyo qorsheyaasha awoodsiinta dhallinyarada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo ay weheliyaan qaar kamid ah mas'uuliyiinta Wasaaradda,...
18/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS oo ay weheliyaan qaar kamid ah mas'uuliyiinta Wasaaradda, ayaa maanta xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed kula kulmay xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqan-gelinta Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada JFS.

Siyaasaddan ayaa muhiim u ah horumarinta iyo jihaynta Isboortiga Soomaaliyeed, kaas oo muddo 35-kii sano ee la soo dhaafay soo maray duruufo iyo caqabado kala duwan.

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirrada kala duwan ee ciyaaraha, naadiyada, ururrada iyo haldoorka ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay laf-dhabar u noqdeen sii jiritaanka Isboortiga dalka.

Iyadoo ay jireen xaalado adag iyo burbur, waxay door muhiim ah ka qaateen tababarka, dhiirrigelinta iyo kobcinta dhallinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, iyagoo xaqiijiyey in uusan damin iftiinka Isboortiga Soomaaliyeed.

Kulanka maanta waxaa si wadajir ah looga tashaday hirgelinta tiirarka iyo ujeeddooyinka Siyaasadda Horumarinta Isboortiga, si loo gaaro himilooyinka fog ee Isboortiga dalka.

Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay hawlaha mudnaanta u leh fulinta siyaasadda, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Qorsha Hawleedka Isboortiga ee 2026-2030, iyo diyaarinta Sharciga Qaran ee Isboortiga.

Tallaabooyinkan ayaa muhiim u ah dhismaha nidaam Isboorti oo casri ah, waara, isla markaana fursado wanaagsan u abuura dhallinyarada iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaarahaa XFS  ayaa kulan la qaatay gudoonka sarre iyo xubnaha golaha ...
17/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaarahaa XFS ayaa kulan la qaatay gudoonka sarre iyo xubnaha golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa lagu lafa guray diyaarinta Istaraatiijiyadda iyo xeerarka dhismaha gollaha dhallinyarada Qaranka maadama gudoomiye cusub ay yeesheen dhawaan ,waxaana diiradda la saaray sameenta iyo diyaarinta xeerarka sanduuqa dhaqaalaha Dhallinyarada, ayadoo laga talaaba qaadayo xaaladda Dhallinyarada dalka iyo hormarinta golaha Dhallinyarada Qaranka, si loo helo istaraatiijiyad hagta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay, Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaradda, agaasimaha waaxda horumarinta Dhallinyarada, Gudoomiyaha iyo xubnaha kala duwan ee Golaha.

Ugu dambayn,agaasimaha ayaa bogaadiyay howlaha dhallinyarada qaranka u taagan yihiin isagoona balan qaaday sare uqaadida golaha iyo kaalinta uu bulshada kaga jiri sidii loo xoojin lahaa.

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ...
16/08/2026

Munaasabadda daahfurka Sharciga Caddaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa Wasiirku ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka uu yeesho sharci u gaar ah daโ€™yarta, kaas oo ay Wasaaraddu iyo carruurta Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan.

โ€œWaxaa soo noqnoqda kiisaska lagu waxyeelleeyo carruurta iyo daโ€™yarta Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxaa qaati laga taagan yahay mararka qaar daโ€™yar u soo baxa inay fowdo ka abuuraan goobaha la isugu yimaado, sida garoomada iyo waddooyinka, iyagoo wata agabyo khatar ku ah naftooda iyo dadka kaleba. Taasi waxay kuu muujinaysaa inay ka luntay abaabintii iyo hagitaankii saxda ahaa, in la helo sharci ilaalinaya daโ€™yarta, isla markaana dadka ay dhibaataynayaan ka ilaalinaya, waa arrin aad u wanaagsan,โ€ ayuu yiri Wasiirku.

Shirkan lagu daahfuray Sharciga Caddaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed oo Wasiirku marti ku ahaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirro uu hoggaaminayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin iyo sidoo kale bahda caddaaladda, hayโ€™adaha xuquuqul insaanka, Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

โ€œSoo saarista sharcigan waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dowladnimada, sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda daโ€™yarta Soomaaliyeed,โ€ ayuu intaas ku daray Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali.

13/08/2026

Awoodda dalkeenna waa dhallinyaradiisa, kuwaas oo leh hibooyin, karti iyo aqoon kala duwan.

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho.Munaasabaddaan oo ay soo abaabushay W...
13/08/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada ayaa si weyn loogu xusay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Madax ka socotay Hey'adaha Caalamka, Ururada Dhallinyarada, Bahda Waxbarashada iyo Dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.

Dood-cilmiyeed ku aaaddan hal-ku-dhigga sanadkaan oo ah "Xaalado Kala Duwan, Himilooyin Wadaag ah" ayaa waxaa yeeshay dhallinyaro kala mataleysay hey'adaha caalamka, dowladda iyo ururada dhallinyarada.

Munaasabadda waxaa qeyb ka ahaa tijaabi nasiibkaaga uu ku xusnaa Safar Aqoon kororsi iyo taariikhda Xadaradeed ah kaas oo qaar ka mid ah dhallinyarada kasoo qeybgashay ay ku nasiib u heleen ayagoo kala matalayay Ururada Dhallinyarada,Jaamacadaha,Naafada iyo qaybaha kale ee Dhallinyarada.

Wasiirada iyo madaxda kasoo qeybgashay munaasabadda ayaa khudbado ay jeediyeen Hambalyo ugu diray Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaga oo ku bogaadiyay kaalinta miisanka leh oo ay ka qaataan dib u dhiska dalka.

Wasiirka Wasaaradda oo munaasabadda soo gunaanaday ayaa tilmaamay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ay ka go'antahay awood-siinta dhallinyarada oo ay Wasaaradda u aragto waajib muhiim ah.


Shanqar kasta oo garoonka dhexdiisa ka yeeraysa, Soomaalida iyo taageerayaashiisaba waxa ugu weyn ee aan u riyaaqayno wa...
12/08/2026

Shanqar kasta oo garoonka dhexdiisa ka yeeraysa, Soomaalida iyo taageerayaashiisaba waxa ugu weyn ee aan u riyaaqayno waa dhawaqa seeriga Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดโšฝ๏ธ

Taariikh-sameeye sharaf iyo sumcad usoo hooyay Dalkeenna Cumar Cartan Guul iyo Gobanimo๐Ÿ‘

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’ ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐๐...
09/08/2026

๐Ž๐†๐„๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’ ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐š ๐๐ก๐ข๐œ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐Ÿ๐Ÿโ€“๐Ÿ๐Ÿ‘ ๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ.

Munaasabadda waxaa ka mid noqon doona "๐“๐ข๐ฃ๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐ค๐š", taas oo ka qayb-galayaasha siinaysa fursad gaar ah oo ay ku heli karaan "๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐–๐š๐๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ฌ๐š๐ซ".

Guuleystayaasha nasiibka waxay fursad u heli doonaan inay muddo hal toddobaad ah ku qaataan safar xiiso leh oo ay ku raacayaan "๐Œ๐š๐ซ๐ค๐š๐›๐ค๐š ๐๐ข๐ฅ๐ž", halkaas oo ay kula kulmi doonaan dhallinyaro ka kala socota waddamada Carabta, kana qayb qaadan doonaan barnaamijyo iyo hawlo kala duwan.

๐ฟ๐‘Ž๐‘๐‘Ž ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘š๐‘œ๐‘œ๐‘‘ ๐‘œ๐‘œ ๐‘ฅ๐‘ข๐‘ ๐‘ข๐‘ข๐‘  ๐‘š๐‘ข๐‘‘๐‘Ž๐‘›, โ„Ž๐‘Ž๐‘™ ๐‘“๐‘ข๐‘Ÿ๐‘ ๐‘Ž๐‘‘ ๐‘œ๐‘œ ๐‘Ž๐‘Ž๐‘› ๐‘™๐‘Ž ๐‘ ๐‘’๐‘’๐‘”๐‘–๐‘›!.

FG: Dhallinyarada ku sugan Gobolada Dalka waxaa loo qaban doonaa tartan Online ah, sidoo kale Kooxda (๐€๐‹๐€๐Œ๐“๐€๐‘๐€) siโ€™ gaar ah ayay tartanka uga qeyb qaadan doonaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Mudane: ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ,  ayaa maanta kormeer shaqo k...
03/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS, Mudane: ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐š๐ก๐š, kaas oo qeyb ka ah qorsheyaasha kormeerka garoomada ciyaaraha oo ay Wasaaraddu si joogta ah u waddo.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda garoonka, horumarka howlaha socda iyo tayada adeegyada lagu bixiyo.

Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta xarunta, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda isla markaana faray in la dardargeliyo howlaha socda si garoonku u noqdo xarun casri ah oo si hufan ugu adeegta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kormeerka Agaasimaha Guud ku wehliyay qaar kamid ah masuuliyiinta Wasaaradda, kuwaas oo qeyb ka ahaa qiimeynta xaaladda garoonka iyo dabagalka howlaha horumarineed ee ka socda xarunta.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS waxay sii xoojinaysaa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha isboortiga iyo tayeynta goobaha ciyaaraha, si loo abuuro fursado iyo adeegyo tayo leh oo ay ka faaโ€™iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐›๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‰๐…๐’, ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐–๐ž๐ž๐ค ๐“๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›...
03/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐›๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‰๐…๐’, ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐–๐ž๐ž๐ค ๐“๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ayaa soo xiray tartanka kubadda cagta ee ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข ๐–๐ž๐ž๐ค ๐“๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, isagoo koobka guddoonsiiyay kooxda ku guuleysatay ee ๐Ž๐ก๐ข๐จ ๐…๐‚.

Wasiirku wuxuu hambalyo u diray kooxda guuleysatay, ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š "๐“๐Ž๐ƒ๐€๐˜" oo soo qaban qaabisay barnaamijkaan iyo dhammaan ka qeybgalayaasha, isagoo xusay in isboortigu yahay aalad mideysa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Address

Abdi Aziz District/Wiish Stadium
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252617076459

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS:

Shortcuts

Share